SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q6AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q6AAD

Waxay kalo ii sheegtay in Hoyadeed iyada oo yar ay dhimatay, Aabaheed oo soo korsadayna uu ku noolyahay Gobolka Hiiraan, walaasheed ka waynna lagu qabo xaafadda towfiiq, waa barashada ay marka hore iskay bartay ee aanan idinla wadaagin.
Xagayga marka loo soo noqdo waxaan iska ahaa wiil iska ah ciyaalka xaafadda ah, oo aan shaqaysan lana nool hooyadiis oo soo korsatay, waxaana ka koobnayn laba qof waa Aniga iyo Gabdh ila dhalatay ee igu hoyada ah, iyo aniga oo ah Curadka Hooyo.
Aabe iyo hooyo aniga oo yar ayay is fureen, hooyadey ayaana sidaa igu soo korsatay ,shaqada aan qabtana waa shaqo hooyo leedahay oo waa Dukaan yar oo ku yiil Bakaaraha oo ay hooyo dhar ku gadi jirtay, mana ahan shaqo joogta ah, waa shaqo mar mar oo ay hooyo I wacdo aan ugu tago, galabkiina waxaan bartaa iskool privet ah, oo luuqadda Ingariiska aan ka baran jiray.
Hooyadey waa qof kulul oo aan ogolayn waxa ay dhalinta da’dayda ah suubiyaan qaarkood, sida kubad ciyaaridda badan iyo shiriska hablaha, oo waa mid mar walb igu waanisa in aan meel iska soo saaro, maxaase meel iska soo saaraa xaaladda Waddanka ayaaba iska ah allow sahal, nabad sidaa ah ma jirin oo waddanku waa dowlad la’aan, shaqo sidaas ahna ma jirin.
Xaqiiqdii waana caqab ka mid ah caqabadaha aan mar walba is wadiiyo, sida aan uga gudbayo, waxaana taas iisii dheer jacaylkan macaanka badan ee aan la wado gabadhan qaaliga ku ah naftayda, waxaana igu adkaan doonto hadiiba aan la gaaro heer guur, waana jeclahay runtii in gabadhan ay xaas ii noqoto, balse, waxaan isi su’aalayay mar walba waxa aan ugu deeqi karo, haddii aan gabadhan nolosha wanaagsan ku nool kasoo dhex saaro nolosheeda, oo aan kusoo biirsho dunidayda aan la aqoon halka ay ku furan doonto!
Waxaa maalin walba oo jacaylkeeda igu sii kordho iisii wehelinayay wal-wal ah, waxa uu noqon doono mustaqbalkayga, dhowr jeer oo aan si sarbeeb ah hooyo ula sheekaystayna, waxaan ka dareemay in aysan diyaar uahayn in xiligan ay garab igu siiso guurka gabadha aan jeclahay, mar walba oo aan wax sidaa u eg ku soo qaadana waxaa la iga horkeenayay indho aan naxariis ka muuqan.
Culayska maalin walba wuu sii badanayay, dunida ayaasa iska ah mid meel haddii ay kaa xiranto meel kale wax kaaga furmayeen, waxaan taageero aad u wayn ka haystay gabdhaha igu aabaha, iyo aabahay iyo walaalkey oo kuligood igu dhiiri galinayay, qalinkana ku duugay guurka gabadhan aan jeclahay, wax walbase waxaa iiga qiima badnaa raali ahaanshaha hooyadeey, oo ma jirin qof iila dhibtooday sida ay hooyadeey iila dhibtootay, muhiimmdda koowaadna sidaas ayay ku lahayd.
Ma ahayn cabsida aan hooyadey ka qabo in ay arintan ogaato ama ay hooyadey cadow igu tahay oo aysan waxba ii ogalayn, ee waxaa jiray fikir ay hooya qabtay kaas oo ahaa in aniga oo meel iska soo saarin aanan ku daba dayan nolosha dhalinta asaagayga ah, ee markaa ku dhisnayd guurso oo guriga hooyadaa soo daji gabadha, badarka xagga halaga wada cuno, waana ugu garaabayay hooyadey middaa balse, marka uu damac kusoo galo Sawirka kuu muuqanayo waa ka duwanyahay midkaa, oo sawirada hadba waxay isku badalaan sida uu waqtiga mar walba usoo istaago.
Waxaa jiray culays kasoo bidhaamayay maalin walba xagga Ummu Intisaar,( Nimoc) gabadha qaalida naftayda ah, kaas oo ku saabsanaa in habaryarteed ay la rabtay wiil ay dhashay, oo markaa ku noolaa xagaa iyo Canada, iminkana uu soo dhawaaday imaanshihiisa, lana doonayo in loo caleema saaro, iyadana runtii ma ahayn mid ku qanacsan in arintaa ay dhacdo, balse, ma jirin cid ay u sheegtay iyo dareen ay ka muujisay midna, mar walba oo arrintaas lagu soo qaadana waxay oranaysay “hala gaaro insha allah sida uu allah ka dhigo ayay noqonaysaa”
Waxaa la soo iclaamiyay in Mowliid oo ahaa Wiilka lala doonayo gabadhaa qaalida ah igu ah, in uu imaan doono waddanka wax yar kadib, in kastoo aan la cayimin lana sheegin muddada uu imaanayo, ayaa waxaa dhacday in maalintii caadada u ahayd kali ahaanshaheena ee jimcaha, in arintaa ay igu soo qaaday, iguna tiri “Aboowe culayskaas ayaa I haysta dhowr jeerna waan kuu dul maray, adigana waxay kuula muuqataa in aadan dareen badan siinayn, balse, xaqiiqda ayaa ah in arrintan ay saamayn badan oo waliba dhanka xun ah ku yeelan karto wada jirkeena mustaqbalka, haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban.
Hadalka gabadha wuxuu ii ahaa runtii alarm kicin ah, oo waxaa igu dhashay dareen aad u daran, hadana waxaa I haystay culaysyo badan oo xaga dhaqaalaha ah, arimahan oo kale marka ay yimaadaana waa kuwa dhaqaala ahaan wax looga qaban karo, ee aan Af wax looga qaban Karin.
Hadalka kuma adkeen, jawaab sidaas ahna ma siin, oo waxaan iri “waan eegaynaa abaayo insha allah, wax naga halaabayana ma jirayaan, waana hubaa in wax badan aysan naga halaabi doonin, ee niyaddaada adkee, adiga waajibkaaga waa gudatay, waana ii sheegtay waxa jira, shaqada markan waa xagayga,waayahay ayay tiri, “arrintana waa arrin Raganimo u baahan markan, adiga lee waaye ayay hadalka kusoo gunaanadday” sidaas ayaana looga baxay arrinkii, oo waxaan diiradda sii saarnay arimo kale oo noo qabya ahaa.
Markii maalinkaa uu ina dhaafay, qofka I yaqaana wuu iga dareemi karay in xaalkaygu uusan wanaagsanayn, arrin xoog bandanna ay isoo wajahday, weerarna lagu yahay dookhayga, iyo mustaqbalkayga, difaaciddeedana cid aan aniga ahayn oo u maqan aysan jirin, gabadhana arrinkeeda uu ku egyahay gacan siin iyo in ay muujiso in aan ahay ninka ay dooratay.
Waxaan xoogaa fakaraba waxaa iisoo baxday in aan talaabo qaado in ay ku haboontahay, waxaan aaday gabar walaashey ah oo xaas ahayd oo saaxiibo qaas ah aan ahayn, waxaana u bandhigay arrinkayga iyo culayska I haysta, waxayna ii sheegtay in ay igu taageeri doonto wixii karaankeeda ah, loona baahanyahay in aan muujiyo Geesinimo oo gabadha aan soo xera galsho.

LA SOCO Q7AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN