SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q1AAD W/Q: M. M. SHIIKH NOOR

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q1AAD

Dumar kala ilwaad wacan
Eddebtana ku kala rooon
Ixtiraamkana kala mudan
Idilkood haweenkaba
Adaan kaa ishaartoo
Ubax deer la moodyee
Aragtida u wacaneey
Ooridaydii dunidaay
Ummu intisaarey
Amaan waad u qalantaa
I love youuuuuuu.

Sida geenya uguboo
Carradeeda joogta
Indhahayga deeqdee
Aaduunyada dusheedana
Inta aan ku noolahay
Dumar kuma ag-dhigayee
Waligaa ogsoonow
Ooridaydi dunidaay
Umu intisaarey
Amaan waa u qalantaa
I love youuuuuuu.

Intaas waa mirraha hees aan dhagaystay, oo sabab u noqotay , in xusuus hore ay qalbigayga kusoo maaxato, Waxaa laga yaabaa in aqriste aadan waligaa arag sheeko ku bilaabatay Geeraar ama Heesaha amaanta ah ee uu qof walba u tirsho qofka qalbigiisa saamaynta macaan ku leh.
Waa sheeko runtii murugo iyo faraxad badan ba leh, hadana, waxaa laga yaabaa in aad is waydiisaan sida ay isku raaci karaan murugo iyo farxad mar qura” waqtiga ayaasa taas idin kaga jawaabaya marka aad sheekadan si wacan u dhuuxdaan qalbigiinana galisaan.
Sheekooyinka ayaa u badan, kuwa dhalanteed iska ah oo la suubiyay iyo kuwa si sax ah u dhacay, mar walbana kuwa xaqiiqda ku dhisan waa ka macaan badan yihiin kuwa dhalanteedka ah ee la qur-qurxiyay,hadaba yaanan warka idinku badin, aan u guda galo sheekadan ku dhisan xaqiiqda.
Waxaan iska ahaa dhalinyaro markaa usoo baxay in uu wajaho dunidiisa dhinacyada badan ee faraxadda iyo murugada ka kooban, magacaygu waa Makaraan, nolosha aan kusoo koray ma ahan mid aan hadda idinkaga sheekaynayo balse, waxaan jeclahay in aan idinla qaybsado qayb yar oo ka mid ah, isuguna jirta wax aan kala kulmay noloshayda dhabta ah iyo wax aan ka dhaxlay, dhaxalkoodana isla maantadan aan la noolahay.
Magaceeda waxaan kusoo koobayaa Ummu Intisaar, oo waa gabadhayda intisaar hooyadeed, labadaas qofna maanta kuma wada noola Ifka, qaabka ay noloshayda kusoo galeen iyo qaabka ay uga wada baxeen sheekada ayaa idiin sheegi doonta.
Xaqiiqdii qof hadii la yiri, inta ka dhiman la noolow astaanta jacaylkaaga, waxaan aaminsanahay in qofkaas aniga yahay oo uu ku yar yahay dunidan qof ila mid ah.
Barashada aan bartay Ummu Intisaar, waxay ahayd habeen jimca ah sabtina soo galayso, waxaan dhex socday waddada soddonka ee magaalada Muqdisho, waxaan u socday kulan aan markaa kula balansanaa dhalin yaro xaafadayda ah, waxaa si lama filaaan ah garabka iskug qaadnay gabar yar oo markaa muuqaalkeeda aanan sidaa u eegin iilana ekayd in ay xaafadda ku cusbayd, hal mar ayaan la wada soo boodnay raalin noqo Abaayo iyo Aboowe raali noqo, isla markiiba waxaa I galay dareen aanan waligey dareemin oo ah mid naxariiseed iyo mid kal-gacal, waxa aad iisoo jiitayna waxay ahayd xushmadda gaarka ee ay ii muujisay, maadaama gabdhaha soomaaliyeed sida badan aan lagala kulmin raali galin iyo naxariis marka uu shil sidan oo kale ah waddada ka dhaco, sida lagu yaqaanan caay ay kuu taana taaneeyaan, ama midda ugu roon aysan waxba ku oran oo kaa aamusto, iskana sii dhaqaajiso.
Waxaan gartay in sheekada aysan ku ekaan raali galinta oo aan ka dabo tago dareenka dhabta ah ee I qaaday ina soo jiiday gabadhan mucjisada ku noqotay noloshayda, waxaan si lama filaan ah u iri “ abaayo magacaa?

LA SOCO Q2AAD

W/Q: M. M. SHIIKH NOOR

SHEEKOOYIN