Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q27AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q27AAD

Reer Maxaad Cali, waxaa waagu ugu baryay welwel iyo hurda la’aan. Waxeey la yaabeen waxa helay Xaaji Axmed oo ballan uga tegey oo aanan ku soo noqon.

Xaafadda reer Xaaji Axmed, iyagu waxuu waagu ugu baryay farxad iyo reynreyn, si gaara Bilcaamanka, Xaaji Axmed laftiisa waa ka duwanaay Xaajiyooyinka, waxuuse la dhacay daalkii badnaa ee uu soo maray sii socoshadii iyo soo noqoshadii lug maalidda aheyd ee uu ku tegey Xaafadda Xididkiis, oo ay weliba u dheereyd Riixa daashaday ee jilbaha galay.
Kolkii barqaheraadka la gaaray, ayaa waxaa suuqa isu raacay Xaajiyo Batuulo iyo Kutubo, iyagoo u adeeg tegey Aroosadda caawa la hooy rabo adeegeedii, kaas oo leh Cillaankii iyo wixii la socday ee loo baahnaa iyo Dhar cusub oo aroosadda lagu caraceliyo oo lagu hooyo. Islaamanku waxeey is tuseen in la hooyo Kutubo oo ay ka dhaceyso.
Xaaji Axmed, Laftiisa kama dambeyn oo waxaa horyaalay arrin ay ku ballameen isaga iyo Xaajiyadiisa, Waxuuna toos u abaaray Suuqweynha beledka, Waxuuna ka soo iibiyay Nus kiintaal Galeey ah, nus kiintaal Bur ah, 10 L Saliid caddeey ah, 10kg Sonkor ah iyo nus kiintaal Bariis Baasarac ah… Xaajiga alaabta uu soo jemleystay ayuu Jaalle Rooso soo saartay, waxuuna guriga ku soo noqday Islaamankii oo weli maqan, waxaa alaabta la dajiyay wadihii, waxuuna siiyay xoogaagii ay ku soo heshiiyeen…Taksiilihii, waxuu weydiistay in Xaajiga lacagta uu kordhiyo, maxaa yeelay waxuu yiri “Gudaha inaan soo galo igulama soo heshiin”, Xaajigase dheg jalaq uma siin, kolkuu jawaab ka waayayna wuu iska socday, isagoo leh “Xalaal calayk”, waana iska socoyay.
Xaaji Axmed, waxuu iska bixiyay Salaaddii Duhur, qolkiisa ayuuna galay, isagoo ka yaaban islaamankaan soo daahooda.

Maalintu waa maalin Axadaad, Jawiga waa Kuleyle, waxaa jiro xoogaa dabeyl ah oo geedaha luleyso. Cali Gaab , waxuu ka soo baxay gurigiisa ,isagoo rabo bal inuu ka wardoono Saaxiibkiis oo warkiisa la la’aa tanya shalay oo dhan, Waxuuna ku lebisan yahay lebiskiisii uu u badnaa ee futashaariga ahaa, Baakoor quruxna gacanta ayuu ku wataa, garabkana waxaa u saaran cimmaamad midabkeedu yahay madow iyo caddaan isku qasan[.] Wixii uu soo hadaafaba waxuu soo gaaray Xaafaddii uu u soo muraaday, waxuuna garaacay Albaabkii ganjeelada ahaa, xoogaa intuuna taagnaanba waxaa albaabka fak ka siisay Raxmo Yareey oo haadeyso, iyadoo mooddo wafdigii ay sugaayeen, balse waxuu noqday Adeer Cali Gaab, Kolkii ay bariidada ka qaadayna waxeey ku tiri “Soo gudub Adeer Cali”, isagana waxuu ku yiri ” Waa tahay maandhaay ee Aaboow ma joogyaa?”
“Haa adeer ee hore u soo soco” ayay ku jawaab celisay.
Waxaa qolka haw ka soo yiri isna kolkuu maqlay Garaaca Albaabka Maxaad Cali, oo isna mooday sida Raxmo moodday oo kale, Kolkuuse arkay saaxiibkiis ayuu yiri: Adeer Calyoow, bal ii warran? See la yahay?
Cali Gaab: Maxaad, waa la raayaahe, adiga waa saay xaalkaagu?
Maxaad Cali: Waa la roonyahay adeer Caliyoow, orod adduunlee lagu jiraa.
Cali Gaab: Xeey tahayhee xalayna Mowlaca laguguma arag, shalayna Adeer Hilowlood ballan laheydeen uma tegine, xaa hee is bedelay? Ma alaabtii aa la helay?
Maxaad Cali, Aad ayuu uga naxay imaanshiyaha Cali Gaab, haddana ma rabyo inuu ku sii raago, maxaa yeelay waxuu ka baqaa in asagoo la joogo loogu yimaad, habartuna kolkaas falkiso dhib kaloo cusub, mana ku dhacyo inuu u sheego Saaxiibkiis, Waxuuse uga jawaabay: “Waa runtaa eeboow, anaa si kale xoog xumo ii gashay, ee bal cawadaan mowlaca ku kulmeynaa ama foogta, minii Rabbi kuu roon yahay.” Sida muuqato Maxaad Cali kolkaan waxay u egtahay in uu rabo inuu is dhaafiyo saaxiibkiis, xitaa koobka shaaha ay Raxmo jikada ugu gashay ma rabyo inuu la sugo, cabsi daran ayaa ka muuqato.

Xaaji Axmed, oo yaabban ayaa galab gaabkii, waxaa albaabka ka soo galay Islaamankii oo wada socdo, Kutubo muggaan hee uma eka tii hore, waa laga soo shaqeeyay, wejigeeda waxaa ka baxaayo dhaldhalaal, gacmaaha cillaanka ka muuqdo ma qiyaasi kartid siduu u sharaxan yahay, timaha xitaa waa laga soo shaqeeyay inkasta oo ay hagoogi ka muuqato, kolkii ay soo galeen, ayaa waxaa war ku billaabay Xaaji Axmed, isagoo leh: Xaajiyooy xeey tahay hee saan, soo daahiddaan intaan la eg?
Xaajiyo Batuulo: Xaajiyoow, maantoo kale laysma warsado, aroos diyaarin aan ku maqneyn iyo cillaan saar iyo adeeg kaloo yaryar.
Xaaji Axmed, Cillaan saarku inta xoowgu sameysan weydeen? Yaa yah!! Hadda waa caweysanee is diyaarsha, waa hee socoheynaahe.
Kutubo, iyada juuq iyo jabaq ma leh, waxa warka talantaalihaayo waa Walaalkeed iyo Xaajiyo Batuulo uun. Xaajiyo Batuulaa leh: Xaajiyoow ,horta qorraxda ha naga dhacdo, meelahaanna fatuurad na qaaddo nooga soo doondoon, illeen waxaan wadnaa aroosade.
Xaaji Axmed, isagoo yaabban ayuu haddana yiri: Waa tahay ee maqribka haddaan dukano waa socoheynaa, ee hadhoow warkale ha ii keenin Batuulaay.
Warka oo mahaas u maraayo, ayaa albaabka la soo garaacay, waxaana furtay Batuulo… Waxeeyna tiri markiiba ay aragtay qofka soo garaacay: Ar Abaayo Dahabo ahaa, waa soo dheeraatay,
Soo gudub, soo dhawaaw.
Dahabo: Abaayo , waa fiicanahay ee idinka xaalkiina? Batuulaa tiri: Waa la faayaa ee bal soo fadhiiso, aan fadhiga isku warsanee.
Dahabo: Abaayo, waa degdegsanahay, ee Kutubo ma noqotay? Maya abaayo, Cawadaan rabnaa inaan celino, Batuulaa saas ku jawaabtay.
Dahabo: Xaa hee idiin gaadiida ood ku celeysiin, maha hee ma dhawa e? Abaayo, dhib maahan, xaajigaa meelahaan fatuurad na qaaddo nooga soo raadihaayo, ayay batuulo tiri.
Dahabo: Goormaad bexeysiin, dhib maahan anaa idiin soo diraayo baabuur idin qaado, idina soo celiyo e.
Xaajiyo Batuulo: Abaayo, kheyr allaha ku siiyo, waxaan rabnaa maqribka iyo cishaha inta u dhexeyso.
Dahabo: Abaay Batuulooy, waxaan idiin kugu imid, Abuukaatihi ayaa rabo inuu arko Wiilka xiran aabbihiis iyo hooyadiisba, ee goormuu u imaan karaa?
Xaajiyo Batuulo: Abaayo Dahabo , aan kugu soo warcelsho aniga.
Dahabo: Waa tahay, laakiin waa degdeg arrinka, waxaa suurtowdo in ilmaha maxkamad la keeno asbuucaan dhammaadkiisa. Waa tahay Xaajiyo, adaan kaa war sugaa, baabuurkana waa idiin imaahaa isaa idin geyhaayo, idina soo celihaayo, wuu idiin soo naqahaa ee u sheega marka aad rabtaan inaad soo baxdaan uun.

La soco qaybaha kale
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN