Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q29AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda?Q28AAD

Maxaad Cali, Maantana waxaa uu salaaddii maqrib ku tukaday Mininkiisa. Guri ka bixidi uma soo bixin, waxaa uun uu is leeyahay armaa adaa maqan guriga la yimaad oo lagu waayaa, illamaa xal laga gaaro arrinka Kutubo ama imaashiha Kutubo. Raxmo iyada ayaa dhaanto aabowgeed, welwelka badan ee isaga haayo, waa dhaantaa, iyadaana marmar dejiheyso aabowgeed, oo leh “Aaboow , iyakaa imaahaayo, gurigana waa yaqaaniin ee adiga is murjintaan iskala her”. Odayga waxaa maskaxdiisa ka guuxaayo dhibkii maanta uu shaqada kala soo kulmay oo ahaa shaqa ka joojinta, alaabta maqan, canugga xiran, iyo Bilcaantii wehelka u aheyd oo meesha ka maqan.

Mowlaca, waxaa ku wada tukaday asaxaabtii Oday Maxaad Cali oo isaga uun ka maqan yahay, Kolkiisa salaadda maqrib la dhammeeyay, dadkii qaarkii suneysteen , ayaa waxaa mowlaca iskala soo jaan qaaday Cali Gaab iyo Adeer Hilowle. Adeer Hilowle ayaa yiri, “Caliyoow, xaad wara ood ka keentay ninkii Maxaad ahaay?”
“Adeer Hilowloow waa u tegey, waana soo arkay, xaalkiisana ilama quneyn oo Maxaadkaan aqiin uma muuq iyo maan ekeyn, mase helo seey wax ka ahaayeen,” Cali gaab ayaa saas yiri.
Adeer Hilowle: Caliyoow, bal isku day inaad xoogaa warkaas ii calaliso, (Damiin farwaaweynaa wax loogu dhigaahe).
Cali Gaab: Adeerooboow, ninka horta daal iyo dhafar aa ka muuqday wejigiisa, farxaddi ka muuqan jirtayna kama muuqan, si qummana xitaa iima soo dhaweyn, waxoow warka iigu soo jaray cawadaan mowlaca ku kulmeynaa uun… Mugga hee, waxeey ila tahay inaan iska warsano saan wax ka yeeli laheyn, weliba inaan ununka iska xilsaarno oon Quraan saarno.
Adeer Hilowle: Caliyoow, bal waan ka tasheynaa, saan wax yeeleyno bal, ee bal aan ka warsugno illaa berri.

Fatuuraddii waday Reer Abti Axmed iyo Aroosaddii caraceliska aheyd, waxeey kolba dhinac wejiga saartaba, waxeey ugu dambeyntii dig soo hor tiri mininkii loo soo duullaanka tegey ee reer Maxaad Cali. Waxaana hortiiba ka soo degey oo Albaabka KUB KUB siiyay Xaaji Axmed, intaanu mar saddexaad kub kaleba u celin waxaa fak siisay Raxmo Yareey, oo markiiba ku soo haadday Abtigeed, weydiisayna “Hooyo ma kula socotaa abti?” Maxaadna kamaba dambeyn muluqdiisa ee waa kaa isna iridda soo roogsaday markiiba, Waxaana markiiba dib u celshay Xaajiga oo yiri “Bilcaamanka waa soo socdaane, guriga gal ee bal lebiso”.
Maxaad suu dharkiisii isku joogga ahaa maantoo dhan ugu rogay ayuu mug dhaw iska bedelay oo uu xirtay macawis iyo funaanad.. Miidaaba muggaan war yaallaahe waa kaa Seeddigiis leh lebiso, isagana warba uma haayo waxa uu u lebisahaayo, qolkii ayuuse dib u galay… Waxaa fatuuraddii ka soo degey Xaajiyo Batuulo iyo Kutubo, waxaana ka hor tegey Raxmo yareey, Muggii ay albaabka cagta soo geliyeen ayay Xaajiyo Batuulo Carrab dhaw ku dhufatay (Allalaa allalaa allalaa allalaa), Gebertii yareyd ee Raxmo waa taa indhaha taagtaagtay oo la yaabban Alalaaska baxaayo (Allalaaska baxaayo waa aroos, waa aroos, waa aroos), iyo weliba sida ay u lebisan yihiin Hooyadeed iyo aayadeed Batuulaba. Raxmo yareey indhaheeda waxaa qooyay markiiba Ilmo, aad ayayna u calool xumaatay, Xeey la calool xumaatay?
Sida loo soo gaaday, oo loogu yimid iyagoon diyaar aheyn, iyo arooskan hoosta laga soo geliyay wargelin la’aantaan. Aroos waa la digi jiray ee shakabtaan xeey aheyd.

Kutubo lafteera waxaa ka muuqda  isbedel dhinaca maanka iyo miirka ah, waxayna u hilowdey gabarteedi iyo Odaygeedi Maxaad ahaa,  waa ka baxeen caradi iyo xanaaqii badnaay, waxayna haatan u goomoon tahay aragooda. Waxaa dhinac walba ka muuqda xiiso iyo boholyoow badan oo laysu haayo.
Oday Maxaad Cali isagoo illan dharkuu isku boobay ayuu qolka fud ka soo yiri, waxuuna bilaabay farajac cusub, kolkuu maqlay alalaaska arkayna lebiska lagu jiro, qofkii uu yiqiinba maahan, waa Kutubo oo la soo shuutashuuteeyay. Waa Kutubo oo aad u qabtay in ay ahayd geber markii ugu horreeysay la gurigehaayo. Waxaa Maxaad Cali ku soo maaxay gelbiski kal hore marki ay ahaayeen guur cusub. Jiriricyaa ku kuday. Waaya waayo naftu muhato, waxaaba maskaxdiisu is weydiineysaa xaaskaaga waa qurux badneyd ee adigaa hagradey miney cawo gashoow sidaan isu qurxin lahayd jacaylkaa sii siyaadi lahaay, xaalku wuxuu taagan yahay ” Xoorkii laga dhamey xagaagii iyo xasuusaa geella lagu xer geeya”
Xaaji Axmed isaga gadaal ayuu ula naqday Darawalkii ,waxeeyna soo dejiyeen alaabtii diiqada aheyd ay wadeen, Abtiga Raxmo ayuu weydiiyay oo yiri: Raxmooy Abti intaan dhignaa alaabtaan?
Raxmo: Abti Jikada soo geliya. Waana kuwaas jikada la aaday alaabtii ay wadeen Abti iyo Darwalkii la socday,waa dejiyeen alaabtii iyagoo dhowr jeer u noqnoqday.
Xaajiyo Batuulo ayaa wacday Raxmo, kana codsatay ineey kuraas soo dhigto daashka, Raxmana waaba tii hore uga quntay oo kuraas Lix ah iyo miis dig soo siisay,una noqotay jikada si ay shaah u diyaariso, waxaa uga sii horreysay Xaaji Batuulo oo iyadu isku soo tashatay. Waxeey la soo baxday Xalwo, Buskut,doolshe iyo Cabitaan sharbeet ah oo ay hore u soo qaadatay, Raxmana waxeey la gashay diyaarintii, iyo saxaman ku shubkii. Kolkii ay diyaariyeen waxeey soo dul dhigeen miiskii barxada la sii dhigay.
Xaaji Axmed, waxaa dibada guriga la jiryaa Darawalkii, waxuuna ku yiri Hal saac kaddib noo soo noqo,xoogaa wada hadal ah ayaan galeynaa e, waa yahay ayuu ku jawaab celiyay darawalkii, wuuna iska qummay isagoo ku booday fatuuradiisi.Xaajiga waxuu ku soo noqday, miis camiran,muggii uu salka saaray kursigii xaggiisa xigay, ayay Xaajiyo Batuulo weydiisay aaway yarkii nala socday ee darawalka ahaa. Xaajiga ayaa ku jawaab celiyay wuu socoyay, waa noo soo noqohaa.

Xaajiyo Batuula  dhahdey, Jah  xaadan igaarka waa daalisee wuxuu cuno u siin? 

Xaaji Axmed  ayaa  hadalkaas ka garaabay oo dhahay: ” Runtaa waaye  dhibse ma leh muggoow soo naqdaan xalwadiisa iyo cabitaankiisa sii haynaa ee hadda  waxaan is dhahay  qoyska jaw mahaan haysku arkaan.

Xaaji Batuula iyaduna muggaas  garowsatay soo jeedintii xaajiga, waxaana  si kalsamaan iyo qalbi furnaan ku jirto laysugu yimid halkii la diyaarshay, waxaana hoosta iska fiirinaya  Maxaad Cali iyo Xaaskiisi Kutubo oo isku xiisay.

Haddaad hoos usii fiirido waxaad dareemaysaa  haddii kutubo hoobalad ahaan lahaayd  waxay qaadi lahaa,  heestii ahayd Maryan Mursal ku luuqeyn jirtey ee ahayd:

Inanyahaw rucliyo orod
Kugu raadshey adigoo
Rugta aad ku nooshahey
Muda badan ku riiqmoo
Ricilahan ka jabaye

Waan ku daaley raadistaadii
Qalbgii ku raacaa
Raysan waayey awgaa
Iga daa rog rogashada.

Rayi yarada dumarkaa
Igu wacan rafaadkoo
Inankaan rabaan anigu
Hadalkii ka reebtoo
Kana raysan waayee.

Waan ku daaley raadistaadii
Qalbigii ku raacaa
Raysan waayey awgaa
Iga daa rog rogashada.

Inanyahaw rag iyo dumar
Rabibey isu uumoo
Wixii uurku rabo
Afka lagama reebee
Waan kugu riyoodaa.

Waan ku daaley raadistaadii
Qalbigii ku raacaa
Raysan waayey awgaa

Halka haddii Oday Maxaad isaguna dhankiisa Hoobal ahaan lahaay uu u qaadi lahaa.

  • Sidii dhool gu’yoo da aa
  • Wadnaha lagu dheehoo
  • Adigaa is dhaafshee 
  • Wanaag kuu dhammeeye.
  • Adeey dhaliilee
  • Aan dhawree
  • Nabsaa xaqa dhammee
  •  Dhudhun iyo laxaadiyo
  • Lafihii iga dhammeysee
  • Intaan kaa dhursugaya
  • Adduunyadii i dhaaftee
  • Dharaaraba ninkii nool
  • waxbaa dheygag geliye.
  • Adeey dhaliilee  
  • Aan dhawree
  • Nabsaa xaqa dhammee

Qofka uu fiirsada labadooda ama dhegaysta una kuurgala xamxamta wadnahooda waxaa usoo baxaya in middiba dhankiisa qalad isu saaray haddana diyaar u yahay kan kale inuu raali geliyo.Xaalka xaaji Axmed maaha inuu u garqaaddo labadooda midba goonidiisa ayuu ula hadlay, dhaqanka Soomaalidana waaba ku ceeb in ninya naagtiisa laysa soo hor fariisiyo kaddibna xaad isku haydiin la dhaho, balse, mid  walba goonidiisa loogu caqlicelshaa, loona sheega wixii gefkiisa ah iyo inuu toosiyo dhaqankiisa.

Xaajiga duco iyo dardaaran ayuu u wadaa reerka, dhanka kale Xaajiyo Batuullo waxay wadaa farriintii Dahabo ee xaalka wiilasha xiran iyo Qareenka ammintii lala kulmi lahaay.

Si fiican muggii loo fariistey waxaa hadalkii furey  Maxaad Cali soo dhaweyn iyo mahadcelin isagu daray, Xaaji Axmed iyo Xaaji Batuulo.

La soco qaybaha kale

W/Q: Xuseen “WADAAD”

SHEEKOOYIN