Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q35AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q35AAD

Waa maxeey Xayawaankaan aan wax fahmeyn? Wasakhyahoow aan edebta laheyn, maxaad u garaacee albaabka? Maadaa nala leh ,Rufyaanyahoow qurunka ah. Kutubo ereyadaas iyo kuwa kaloo ka adadag iyadoo ku hadleyso, codkeeduna korreeyo ayay albaabkii fak siisay… Waana taa oo afka kala taagmay, garanna la’ wax ay ku hadasho. Waa filanwaa adag, kala duwan qofkeey u miiseeysay iyo qofkeey aragtay.Wixii afkeedu qaban kareen ayay tiri, kaaga sii darane, lafteedu waa taa qoyday inta yar ay albaabka fureysay. Waxa socdaa waa Roob aad u xoog badan, watana dabeyl, onkod iyo Hillaac is wata.

Waddadu waa cidla, wax socda oo dhaqaaqaa ma jiro, iyadoo ay maalin cad tahay ayaad haddana habeen gudcura mooddaa, Samada oo dhan waxaa daboolay oo qariyay hogol iyo daruuro roobaad, kolkol waxaa kuu muuqaayo iftiin xoog badan oo dhulka oo dhan caddo ka dhigaayo… kolkol waxaa cabsi ku gelihaayo Gugaca xoogga badan ee yeeraayo iyo biriqda wada socdo. Jidadka waxaa qulqulaayo daadad xoog badan, qofkii dhex qaadana biyaha meelaha qaar waxeey u gaaraayaan jilbaha.  Roobka saa u da’aayo maahan mid waqti hore bilaawday, waa mid waqti kooban socdo, balse xoogiisu badan yahay.

Xaafadda Reer Maxaad Cali, maanta waa laga kala qumay, waxaa xaafadda ku haray waa uun Maamma Kutubo. Maxaad Cali waxaa uu la qumay Maamma Dahabo iyo darawalkeedii waxeeyna u qummeen in la soo suubiyo warqadihii dhulalka, wixii ay kala soo kulmaanba ,xaalkoodu waa alloow sahal ammuuraha. Raxmo Yareey waxeey iyaduna u kallahday Iskuulkeedii waxbarashada oo ay waayadaan duruufaha reerka heysto uga maqneyd.

Raxmo waxeey guriga ka baxday iyadoo quraacatay Afbilaabatay faraxsan, jawiguna yahay mid qurxoon, wixii ay waddada ku sii lugeysaba waxey tagtay Iskuulkii, waxeyna si toosa ula kulantay ardaydii oo saf galeyso dhinaceeda ayayna ka gashay, kaddibna waxeey uga sii gudubtay fasalkeedii. Xiisadii 1aad waxeey qaadatay Juqraafi, tii 2aadna waxeey dhigatay Soomaali, weliba suugaan, xiisadii 3aad ayaa waxaa fasalka u soo galay macallin Maalin oo ahaa macallinkii Xisaabta, kolkuu xoogaa ardaydii bariidiyay, magacyadana yeeriyay ayuu indhaha la raacay Raxmo Yareey kolkaasuu ku yiri: Adiga yaa kuu ogolaaday inaad soo gasho fasalka? Orod ka bax fasalka, meeshii aad beryahaan ku maqneyd aad, meesha suuq maahan markii la rabo la imaahaayo, soco buugtaada qaado fasalka ii dhaaf!.

Macallin Maalin, waa macallin adadag, aadna ay uga baqaan ardayda, mar kastaa waxuu gacanta ku wataa ushiisa lama illaawaanka ah, aadna waa u hadala kulul yahay.Raxmo yareey, war maahee u yaal, waa maya iyo maya. Waxeey fasalkii ka soo baxday iyadoo luudeeyso, xishood badanna galay, indhahana ilmo ka hibiqleyheyso, oo weliba cabsi badan ku jirto oo ka baqeyso inuu weliba tumid ugu daro.  Gabadhii farxadda saaka iskuulka la timid waa taa wejigeedii dhan bedelmay. Sida macallin Maalin ula dhaqmay Raxmo, gar miyaa? Xaq miyaa? Xeer miyaa? Ma xishood la’aanbaa? Idinkuba xisaabshaa!!!” Gar miyaa ummad yaheey garaadka qabtee,Ruuxii gabanee gugeedu dhammeen ,Fallaara lagu ganoo nafteeda gubee, in lagu gambiyaa ciilaan go’in”. Canaantu kala roon, waqtiyadana u kala duwan, waa aragtidii aheyd “Adoo xumeyd xuun ha ku cuno”. Waa Adoo taadu ku heysato oo tu kale laguu xambaarsho.

Maamma Dahabo iyo Maxaad Cali, iyagu waxeey la kulmeen Agaasime Sh.D,Waxaana loo soo dhaweeyay si aanu fileyn Oday Maxaad. Waxaa yaab iyo yaabkiis ku noqotay wixii isaga la cuslaa oo inta aad uga sahlan “Aqoon la’aaneey dabkaa ba’”. Maamma Dahabo iyo Agaasimaha kolkii ay xoogaa wada hadleen arrinkana xoogaa u sharaxdayba, agaasimuhu waxuu u yeeray Geometer MCX, waxuuna ku yiri: waxaad u baartaa dhulalka lambaradooda,una gudbi khasnadda si ay u shubaan lacagta si loogu sameeyo duplicato. MCXna waxuu ku jawaabay Marxabba agaasime.

Waxaa xafiiskii ka soo wada baxay Maxaad Cali, Maamma Dahabo iyo MCX.Oday Maxaadse waxaa galay dareen cusub kolkuu maqlay ha shubaan lacagta, maxaa yeelay isaga Faraqoow haayo xoolo kuma jiraan, waxaana laga rabaa inuu shubo lacag.  MCX iyo Maammada iyo Maxaad waxeey wada galaan xafiis ka mida xafiisyada waaxda dhulka, waxaana la weydiiyay dhulalka meelaha ay ku yaallaan, iyo dadka deriska la ah, Oday maxaad ayaa ka jawaabay, isla markiibana MCX waxuu soo saaray Buug weyn waxuuna ka soo saaray lambarada dhulalka, waxuuna ku qoray warqad, waxeeyna u soo dhaqaaqeen iyagoo wada socdo xagga Agaasimihii mar 2aad, waxaana loo dhiibay Codsigii hore iyo lambarada, Agaasime SH.D na waxuu ku dul qoray ha loo sameeyo hana shubaan lacagta, waxuuna u gudbiyay waaxda lacag qabashada.

Muggii ay xafiiska ka soo bexeen Maxaad waxuu weydiiyay maamma Dahabo, Maammooy seen wax yeelnaa ,mahaan waxaa la sheegaa lacag bixine? Aniga lacag ma wado e, mug kale ma ku soo noqonaa inta aan meelaha wax ka soo raadiyo?   Maya, dhib maahan, adiga iskala her lacagta, waxba lagaama rabo, hawsheenna haddaan dhameyseynaa ee ka welwel la’aaw adeer Maxaadoow.

Duca qabto, kheyr badan allaha ku siiyo, wax ku dhibo Rabbi kuma tuso, ayuu hoosta ka yiri Maxaad Cali.

Maammo Dahabo waa waxgarad waayo arag ah,  noloshana  dhib badan ka soo martey dareemi karta,  wax la’aanta, wehel la’aanta iyo qofku markuu ciilan yahay,  way ku talo gashay haddii qarash lo baahdo iney  iyadu dusha u ridato, waxay rumeysantahay meeshii wax ka baxaan ayaa  wax soo galaan, waana  arrin ay ku guuleysatay  oo weligeed  wanaag kasta ay fasho waxay heshaa liibaan, teeda kale habeenka ay samafal sameyso ayay  si wanaagsan u hurudaa una aragtaa inay guuleysatay maadaama ay garab siisay qof u baahan.

 

La soco Q. 39aad

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN