Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q13AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

 

pizap.com14732612463621
Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q13AAD 

Cali markuu ogolaaday casumaadi , waxaa la wada korey Baski uu watay si uu gurigga u geeyo isagana u tussaan. Calina wuu koray Baski ,wuuna dhaqaajiyay, kuna dhigay waddadi carrada ahayd , tageysana gurigga reer Axmed Liibaan ee loo tilmaamay inta aanu kicin ka hor matoorka gaariga, in yar debadeedna waxay gaareen gurigi Sahra ayaana Cali ku tiri;“Walaal ,gaariga halkaa dhigo ,waana kan gurigi ee soo deg marki aad joojiso”.

Cali wuxuu Baski dhigay gurigga iridkiisa ,kana soo degay marki ay degeen reer Axmed Liibaan iyo dhallinyaradi xaafadda oo iyagana la socday reerka ,wuxuuna adeer Axmed ku yiri, “adeer waan bartay gurigga ,haddii ilaahey idmana berri herka ayaan idiin imaanayaa haddana waa goor danbe ,waana daalanahay oo maanta oo dhan ayaan shaqaynayay ee dhammaantiin habeen wanaagsan”.

Intaa markuu yiri ayaa adeer Axmed ku yiri. “Wiilkaygi kol haddii aad maanta oo dhan shaqaynaysay ,waa runtaa ,waadna daalantahay ee habeen wanaagsan,waxaana berri anniga iyo gabadhayda kuugu casuunnay qado ,mana doonayno in aad maqnaato annaga oo diyaar kuu ah, kuna sugayno haddii ilaaheey idmo”.

Adeer Axmed markuu hadalka ka baxay,wuu gacan qaaday Cali, maca salaameeyayna.Khadiijo, Sahro ,Maryan iyo dhallinti xaafadana way gacanqaadeen iyagoo ayagana macsalaamaynayo Cali intaa keddib wuxuu koray Baskiisi waxa uuna dhaqaajiyay iyada oo ay gacmaha u haadinayaan reer Axmed Liibaan iyo dhallinta Xaafadda.Kolkuu Cali baxay,reer Axmed Liibaan waxay u mahadnaqeen dhallinyaradi xaafadda oo aad u kaalmeeyeen inti ay ku jireen raadinta Maryan, intaa keddibna dhalinyaradi guryahooda ayey kala aadeen. Reer Axmed Liibaan iyagana gurigooda ayey galeen iyada oo ruux walba is-leeyahay mar uun sariirta ma tagtaa. Waxayna marki ay guriga galeen Maryan aaday qolka Hooyo Faadumo waxayna u tagtay hooyo Faadumo oo qolkeeda ku werdineyso sugeysana inti ay Maryan ka soo helayaan ama war ka keenayaan Adeer Axmed, Khadiijo iyo Sahro oo iyagu ku maqnaa raadinteeda.

 

Intaa keddibna way kala seexdeen reerka intiisa kale marka laga reebo Maryan oo iyada hooyo Faadumo u bilawday in ay uga sheekayso sida habeenkaas wax u gaareen iyo sida ay uga bedbaaday dhibaatadi habeenkaas la soo gudboonaatay.Maryan , habeenkaa waxay ku seexatay caro ay u careysnayd kuwi dagay habeenkii labaad oo ay magaalad Muqdisho gudaheeda u degtay muddadi ay joogtay. Maryan waxaa kale oo ay ku seexatay ammaanta Cali waayo wuxuu ku soo baxay iyada oo khatar ku sugan ,kana badbaadiyay isaga oo aan dangaar ah ku wadan, horana aan u aqoon ,arrintana ka ahayd oo kaliya Soomaalinimo iyo wanaag gudaha qalbigiisa ku jiro,waxayna niyadda iska lahayd, Cali wanaagga uu u sameeyay in uunan sameyn karin ruux aan garashadiisa fiicnayn, aan kala garanayna wixi xun iyo wixi san, wax walbana ku duulo isaga oo aan hubsan. Maryan Marki ay indhaha is-gelisay kana soo dhacday hurdo ay u baahnayd ,waxay laba saac debadeed ku soo toostay Riyo ay ku riyootay dabayaaqadeedi oo ahayd iyada oo ku jirto guriga Cali, ahna xaaskiisa ,hooyadiis oo maalin soo booqatayna kursi ay ku fadhiisato u dhigayso.

 

Maryan marki ay riyadaa ka soo toostay waxay bilawday in ay ka fikirto aayaheeda iyo waxa ay ku danbayn doonto. Maryan hore uma arag sidi ay u hanaqaaday waxyaabaha habeenkaa ku soo dhacayay qalbigeeda iyo maskaxdeeda wax la mid ah, oo waxaa qalbigeeda ku soo dhacday kol haddii aad gaartay da’ aad raggaa faraha badan kaga xulan karto nin kuugu habboon waa lama huraan in yahay in aad ka kacdo fadhiga.Waxaa ku ducaysatay in ilaahay meel wanaagsan ku beego calafkeeda oo ay gasho guri wanaagsan oo noloshooda samo iyo guul gaarsiiya. Lammaane wanaagsan iney hesho sida G/shle Cusmaan oo kale iyo qoyskiisa farxad ku noolaada, kaddib waxa ay niyada iska tiri in ninka keliya ee ay ka heli karto mudnaantaas iyo maamuuskaa, markay cabirtey garaadkiisa uu yahay, wiilkay la kulantey habeenimadii ee soo badbaadiyey   Cali. Cali wanaagii uu u muujiyey Maryan iyo samafalkii uu galay, wuxuu ku reebay dareenkeeda xasuus aad ah”.

Maryan waxaa indhaheeda is galeen mar labaad ,marki ay mudda saacad ah kolba dhinac isugu gedinaysay firaashka dushiisa.waxayna subaxdi soo toostay iyada oo wejigeeda farxadda ka muuqato aynaan u ekayn gabadh xalay dhib loo geystay, waxbana aysan ka duwanayn wejiga ay leedahay gabadh la aqal gashay nin uu ka dhexeeyo jeceyl xididaystay mudda dheerna soo jiitamayay ama sugi kari la’ inta uu kala aqal galayo farxadda ay ku soo toosi lahayd sideeda oo kale. Waxayna marki ay soo toostay howl ka bilawday in ay dowr fiican ka qaadato sidi loo soo dhaweyn lahaa Cali oo lagu casumay in uu maalintaa u soo qadeeyo reer Axmed Liibaan, wanaaga uu reerka u sameeyay awgiis keddib marki uu khatar ay ku sugnayd ka badbaadiyay gabadh ay xilkeeda qaadeen in ay mas’uul ka yihiin isla maarkaasna aan waxba uga duwanayn gabadhooda.

 

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN