Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q7AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q7AAD 

Daahir sidi uu Muraad faray ayuu yeelay ,Muraadna wuxuu ugu yimid Suuqa khudaarta ee Cuteeqo hortiisa  oo ahayd halki uu Daahir mar labaad ka soo wacay Muraad. si fiican ayaa la isu salaamay Muraad iyo Daahir ,intaa kaddib ayaa Muraad wuxuu Daahir ku yiri “Walaal soo wado gaarigaaga ee  isoo daba kac” ,Daahirna waa daba kacyay, waxaa maqribnimadi la gaaray xaafad la yiraa Xaara-Difaac ,Muraad wuxuu Daahir geeyay guri ay degnayeen laba dhallinyara ah, oo ay isaga asxaab ahaayeen , lana kala yiraahdo Aweys iyo Cusmaan ,wuxuuna Asxaabtiisi ku yiri “War ninkan odayga ah saaxiib ayaan nahay  waxaan rabaa inuu idinla dego intaan ka meelaynayno” Dhallinyaradiina waa aqbaleen ,Daahir guriga ayuu hore u soo galay ,boorsadiisana waa soo dejisayay ,waxaa la isbaray isaga iyo dhallinyaradi guriga degganayd ,intaa keddib Muraad wuxuu Daahir ku yir”Saaxib caawa iska naso ,waa inoo habeen danbe kolki aan shaqada ka soo baxo”

 Muraad shaqadiisi ayuu ku noqday ,Daahirna waxaa qubays keddib, casho u soo gaday Dhalinyaradi uu ku degay gurigooda ,habeenkaa Daahir wuxuu ku seexday oo  uu ku gudbay welwel la’aan, wuxuuna dareemay nasasho iyo dareen xooggan oo ku beeray in uu Muraad ka soo baxay balanki uu ka qaaday oo ahaa in uu soo dhoweynayo kolki uu yimaado Riyaadh .

Habeenki xigay, Muraad waa u yimid Daahir, waa ay soo wada casheeyeen,keddibna mudda saacaddo ah  ayey sheekaysteen oo is xog wareysteen, kalana warbogteen.Muraad wuxuu Daahir  siiyay gacan qabso soo dhoweyn ah ,waxaa kale oo uu u sheegay in aynan u sahlanayn in ay marar badan is arkaan labadooda ,maadaamo shaqadiisa ay tahay shaqo adag oo uunan waqtigeeda xadidnayn iyo in uu Wasiir ka yahay mid ka mid ah qasriyada Shuyuukhda ladan ee dadka reer Riyaadh, laakin haddana wuxuu u sheegay in uu la doon-doonayo shaqo uu ka shaqaysto  Daahir  aadna ugu deddaalai inti karaankiisaa inuu shaqo helo mudda gaaban gudaheeda.

Muraad ballanki waa ka soo baxay wuxuuna ku guulaystay in uu shaqo geeyo saaxiibkii Daahir ,wuxuu Daahir shaqo ka siiyay mid ka mid ah xafiisyada ka shaqeeyo Iibinta, Ijaarida dhulalka iyo guryaha magaalada Riyaad guud ahaan iyo gaar ahaan xaafadda Sulaymaania oo markaa uu ka socday dhismo xooggan.

Daahir shaqadi waa bilowyay wallow uu haddana saluugsanaa lacagta mushaar ahaan loo siinayay oo aaanan ahayn mid isku filanaan dhaqsiya lagu gaari karo sida uu isaga ku taamayay,Daahir waa u mahadnaqyay saaxibkii Muraad, sida dhaqsida ah oo uu shaqo ugu soo helay ,Daahir dib ayuu ula soo noqday firfircoonadiisa iyo hawadiisi ahayd in uu gaaro mustaqbal wacan mudda gaaban gudaheeda,xafiiska uu ka shaqaynayana waa laga jeclaaday, gaar ahaan hab la dhaqankiisa ku aadan shaqaalaha xafiiska kala shaqeeyo iyo dadka macaamisha la ah xafiiskaas ,saddex bil keddib waxaa laba boqol loogu daray mushaarka,Daahir ma hilmaamin hooyadiis kolkuu shaqadan helay, wuxuuna u dirayay wixi tabar ah oo ka soo haro nolol maalmaadkiisa iyo ijaarka guri oo uu gaar(Gooni) ula degay dhallinyara ay isku barteen magaalada Riyaadh bishi u horreysay oo uu bilaabay shaqada, keddib markuu ka soo guuray labadi wiil oo uu la dejiyay saaxibkii Muraad habeenki u horreysay ee uu yimid magaalada Riyaadh.

Daahir bishi toddobaad ee ugu soo gasho magaalada Riyaadh isaga oo shaqaynayo ,wuxuu is tusay in aynan suurta-gal ahayn lacagta uu shaqadan ka qaato in uu ku gaaro hadafkiisi waxbarasho iyo isaga oo guursado oo dego, gurina yeesho ,sidaa darteed wuxuu bilaabay ka fikirka iyo raadinta shaqa ka lacag badan tan uu hadda haayo, si ay ugu suurta-gasho hammigiisa ahaa gaarida mustaqbal wacan, ha ahaado mid uu waxbarashadiisi dib ugu laabto,keddibna dhammeysto ama ha ahaado mid u ogolaan karo hadaf cusub oo ku soo siyaaday fikirkiisa oo ah gaarista in uu isaga iskiis u shaqaysto, noqdana nin madax bannaan oo aanan cid u shaqayn, kuna tiirsanayn. Daahir helitaanka shaqadan mudda gaaban keddib waxaa ku bilaabmay dareen ah da’adan uu ku jiro wixi ka danbeeyo in aynan macquul ahayn ka guul keenida hammigiisi ugu weynaa waaguu da’da yaraa ,ahaana in uu dhammeysto jaamacad ,keddibna sidaa ku gaaro mustaqbal wacan.

Daahir iyo saaxiibkii Muraad waxay is arki jireen bishi hal mar, ama laba jeer, gaar ahaan habeennada Jimcaha ,Daahir Bishi Siddeedaad ee uu ka shaqeeyo shaqadan ayuu saaxibkii ugu xog warramay fikirkiisa ku aadan shaqadan iyo in shaqadan  aynan ahayn mid uu ku gaari karo mustaqbal wacan, sidaa darteedna uu isaga la raadsho shaqa  ka fiican haddii uu u heli karayo ,laakin Muraad wuxuu Daahir habeenkaa u sheegay sheeko marna ka yaabisay, marna argagax gelisay, marna ku abuurtay cabsi weyn ,wuxuu u sheegay sheeko ku aadan isaga shaqadan uu hadda haayo siduu ku helay, in ay tahay iyada oo  adeerkiis u timaamay in uu xirsi ka doonto Kaahin joogo tuulo yar oo ku dhow Caasumadda Masar, Qaahira ,iyo hadii uu taa yeelo in ay wax walba u fudu-daanayaan.,Muraad wuxuu u sheegay Daahir in uu aaday kaahinkaa joogo Masar , kana soo qaatay Xirsi ,waxaa kale oo uu u sheegay markuu Riyaadh ku soo noqday in uu bilaabay shaqadan uu hadda haayo, wuxuu u sheegay in aynan jirin cid ku soo-tala celinayso ,tala kasto oo uu soo jeediyo, xitaa Shiikha uu u shaqeeyo iyo in uu isaga mas’uul ka yahay maamulka tujaarada iyo guud ahaan dhaqaalaha Shiikhan iyo arrima badan oo kale.

Daahir habeenkaa waxaa ku dhacay madaxwareer kaga yimid arrimahan cabsida leh ee saaxiibkii u sheegay, wallow aynan haddana ku cusbayn isaga, in Muraad iyo reerka uu ka soo jeedo arrimahan u arkaan wax caadi ah, habeenkaa Daahir wuxuu iska doonay xoogaa geesinima ah, wuxuuna  Muraad weydiiyay war ninyahow waxaa la yiraa, waxay diinteena leedahay waa xaaraan in loo tago Kaahin iyo kuwa wax sheeg-sheego ,laakin Muraad oo hadalkaas dhibay madaama ay caaddo u tahay isaga iyo reerkiisa arrimahan oo kale, ayaa haddana si sahal ah ugu jawaabay Daahir ,wuxuuna ku yiri, “Kaahin u tegida waxay xaaraan tahay kolka aad dad ku waxyeelaynayso ,taas waxaa kuu dheer kaahinkan aan Masar ugu tegay haddii aad u tagto ma ogolo in aad Xirsigiisa la tagto meelaha aan lagu hayn dikriga(Xusuusta) Ilaahey”.

Daahir hadal kuma soo celin Muraad, waana isa sagootiyeen habeenkaa kolkay wada casheeyeen keddib . Daahir markuu guriga ku laabtay wuxuu bilaabay in uu ka fikiro arrintan si dhab ah ,wuxuuna is tusay in uu aado Masar soona qaato Xirsigaas, kol haddii kaahinkan yahay mid aan ogalayn wax ka baxsan diinta islaamka waa sida saaxiibkii Muraad u sheegaye, Daahir cid kale ma weydiin arrintan, wuxuuna ku ekaaday in uu habeenkaa u dhega dhuglaado maqalka shaydaanka ,taa waxaa isaga u dheeraa in uu yahay nin sidiisaba iska afgaaban ,oo aan haddana dad badan ka aqoon magaalada Riyaad si uu uga la sheekaysto arrintan la soo gudboonaatay, waxna uga kororsado wanaag iyo xumaan tay doonto ha ahaatee. war iyo dhammaantiis Daahir waxaa galay damac ,wuxuuna toddobaadki xigay toddobaadkaas feker dheer keddib u yeeray saaxiibkii Muraad, wuxuuna weydiistay in uu kala hadlo kaahinkaas iyo in uu siiyo cinwaankiisa meesha uu ka degan yahay Dalka Masar .

Muraad wuxuu saaxibkii ku yiri “uma baahna in lagaala hadlo Kaahinkan ,waayo wuxuu leeyahay duulal u hadlo, ugana xogwarramo cid walbo oo siyaaro ugu timaado. adiga waxaa lagaa rabaa oo kaliye in aad tagto Masar ,uguna tagto guriga uu deggan yahay oo ku yaallo Tuula yar oo Qaahira kaga taal dhinaca qorax ka soo bax, Kaahinkana waxaa la yiraa Kaahin Marwaan.

Muraad saaxibkii Daahir waa la helyay sunta mariidka shaydaanka oo uu xanbaarsanaa isaga, wallow uunan haddana isaga si ula kac ah uga jeedin ku dhiirgelinta uu Daahir ku dhiiri-geliyey u tegida Kaahin Marwaan ,balse arrinta aynan ka baxsanayn wacyi xume xagga diinta ah oo isaga iyo reerka uu ka soo jeedo haysatay, oo iyaga aad u aaminsanaa wararka ay sheegaan faaliyayaasha iyo dhamaan asxaabta ku takhasustay ku shaqaysiga khuraafaadka. Murad isaga marnaba uma arkayn khalad ,xaaraan ama wax ku xun diinta Islaamka waxyaabahan oo dhan, wuxuu ku arkay qaar badan oo ka tirsan reerkiisa oo si caadi ah ugu dhaqmayo ,una adeegsanayo danahooda nololeed guud ahaan iyo qaar badan oo Soomaali ah oo joogo goobaha ay leeyihiin asxaabta ka macaashto khuraafaadka, safna ugu jiro dhegaysiga dadkan shaydaanka la shaqaysto.

Daahir isaga waxaa ka adkaaday damaca uu geliyay shaydaanka ,wuxuu u dhega-dhuglaaday maqalka saaxiibkii Murad shaydaanka ka kor hadlayo,wuxuu arkayay oo kaliye (rafaahiyada) nolasha heerka sare isaga la ahayd oo saaxibkii Muraad ku noolaa. Daahir oo isaga ahaa nin firfircoon kolkuu ardayga ahaa ,aadna u jeclaa in uu wax ku gaaro dadaalkiisa ,kolki uu shaqaystayna, ficil ahaan la yimid taa,  wuxuu mar kaliye isku bedalay habeen iyo maalin dhaxdooda in uu noqdo nin ku tiirsan ku noolaashada khayaali iyo ku tashiga wax ku jiro gacanta Kaahin ilaahey ku furtey ,shaqadiisana tahay ka been sheegida xayaatada beni’aadamka ku noolyahay,isku dirka dadka ,kala gaynta nin iyo naag xalaal isku qabo iwm.

Daahir oo ku soo koray guri aad loo ilaalsho gudahsada cibaadada diinta islaamka , marnana kuma soo dhicin qaabki wacnaa ee Aabbihii u gudan jiray cibaadada ilaahey iyo hooyadii oo iyada wax badan kaga dayatay odageedi geeridiisi keddib, Daahir waxaas oo dhan kuma yeelan saameyn naftiisa, wuxuu goostay in uu baxo ,tago Masar ,soona qaato Xirsi la mid ah kan saaxibkii Muraad haysto ,haddii uunan soo helinba mid ka fiican, waa siduu mar mar u fikirayay,Daahir xitaa isma weydiin, maxaad la kulmaysaa kolkaad Masar tagto, waxaa u muuqanayay oo kaliya guulo iyo dareen ku aadan in uu soo helayo sidi Muraad, Xirsigaas wax walbo oo nolasha ah u fududaynayo ,gaar ahaan qofkuu Kaahin Marwaan garab istaago ,Daahir waaba hilmaayay in ay wax walbo ku jiraan gacanta Ilaahey oo kaliya ,wuxuuna gaaray qaraarki u danbeeyay in uu baxayo ,wuxuu soo goostay tigid ,wuxuu soo qaatay fiisaha siyaarada ee dal ku galka Masar ,wuxuu  shaqadiisa ka qaatay fasax ku kooban  mudda bil ah  .

 

 W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.