Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q9AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q9AAD 

Daahir wuxuu magaalada Riyaad yimid  fasaxi oo aanan weli ka dhammaan. Daahir arrintan uu Qaahira kala yimid uma sheegin asxaabti ay Riyaadh isku barteen iyo dad kalaba ,laakin wuxuu arrintan uu kala yimid Masar, ku war-geliyay saaxibkii Muraad oo isaga marki horaba u tilmaamay kaahinka(Faalalowga)kuna dhiirigeliyay u tegitaankiisa.

Muraadna wuxuu Daahir ugu hanbalyeeyay guusha u soo hoyatay, waa siduu isaga u arkayay ,wuxuuna kula taliyay in uu si wacan ugu dhaqmo farriimaha iyo talooyinka uu kaahinka soo faray.

Daahir maadaamo uunan shaqa lahayn, dhammaadka fasaxiisana maalmo ka harsan yihiin wuxuu caadastay duhuradi in uu si joogta ah, qado u doonto maqaayad ku tiilay xaafaddi uu degganaa ,wuxuuna maalmihi u danbeeyay ee uu fasaxa ku jiray maalin ka mid ah, isaga oo maqaayada ka qadaynayo ayaa waxaa soo ag-fadhiistay ninki iska lahaa maqaayada wuxuuna ku yiri “walaal adiga magacaa?”

Daahirna wuxuu ugu jawaabay: “Magacayga waa Daahir” laakin waxaan ku weydiiyay ,maxaad iiga baahnayd oo aan kuu qabtaa walaal”, ninki maqaayada lahaa ayaa isagana Daahir ku yiri “Saaxiib, aniga magacayga waa Cabdow, waxaadna iigu yeeri kartaa Abu-Cali, walaal, waxaan kaa rabay in aan wada fadhiisano ee caawa tobanka fiidnimo, ma imaan karaysaa ,si aan kaala tashto arrimo badan oo aan isleeyahay Daahir waa kaa kaalmayn karaa”.

Daahir waa  aqbalyay in uu u imaanayo caawa tobanka fiidnimo ninki maqaayada iska lahaa, laakin wuxuu maalintaas maqaayada ka tegay isagoo is-weydiinayo”Tolow muxuu kaa rabaa,muxuusa kaala tashanayaa Yamanigan?” Daahir jawaab uma helin su’aashaas, laakin wuxuu is-yiri, war armuu kuuga kahayaa nin uu yaqaano ee ka mid ah Soomaalida maqaayadiisa ka cuntayso ee deggan xaafadda ay maqaayada ku taallo, haddana taa kuma adkaysan wuxuuna isku yiri “War maxaad ugu fakiraysaa? wuxuu kaa rabaa ,isaga ayaa caawa soo daynayo muxuu rabaa, maxaad isu wareerinaysaa”.

Daahir wuxuu maqaayadi ku soo noqday isla maalintaas,habeenkeedi, toban daqiiqo ka hor waqtiga ay ballameen isaga iyo Abu-Cali oo ah ninka maqaayada iska leh . Daahir casho keddib, tobanki iyo xoogaa waxaa mar kale u yimid Abu-Cali ,wuxuuna ku yiri “war ninyahow waa ku saxsanaa in aan is-iraa, Daahir waa nin balan leh”.  Abu-Cali kuma ekaan intaas wuxuuna yiri ,”Walaal ,dhowr bilood ayaad maqaaydan ka cuntaynaysay ,beryahaanna waa la socdaa in aad fasax ku jirto ,waxaana ii sheegay qaar ka mid ah dhalLinta Soomalida ee maqaayadan ka cuntaysa, midda kale walaal dabeecadaada qunyar socodkaa iyo ixtiraamka ay kuu haayaan dhalLinyarada Soomaalida ee deggan xaafaddan Xaara-Difaac aad iyo aad ayaan ula dhacay ,waxaana rajeynayaa in aad dhegahaada u furto arrintan aan kaala hadlayo oo muhim ii ah ,adigana wax gal kuu ah,horumar wacanna aad ku gaarayso,anigana tayadayda shaqo kor u qaadayso”.

Daahir ma garan waxa Abu-Cali ka hadlayo , balsa wuxuu ku yiri “waa ku mahadsantahay wanaaga aad ii hayso ,adiga oo aanan ii lahayn aqoon fog , laakin waxaan ku weydiiyay oo aanan fahmin adiga waxa muhim kuu ah, anigana wax gal ii ah ee naga dhaxayn karo maxay yihiin?”.

Abu Cali si toos ah ayuu abbaaray arrinti uu ka rabay Daahir ,wxuuna ku Yiri “walaal waxaan rabaa in aad maqaayada igula shirkowda”.

Daahir arrintan waxay ku noqotay degdeg ,wuxuuna Abu-Cali ku yiri “War ninyahow ,mar kale waad ku mahadsantahay kalsoonida intaa la-eg oo aad ii hayso ,waasa ka xumahay in aanan waqtigaan tabar u lahayn in aan shirko kuu-kula noqdo maqaayada”.

Abu-Cali: “war Daahir arrinta sidaa maahan ,mana kaa doonayo in aad lacag igula Shirkowdo ,waxaan kaa rabaa oo kaliya in aad shaqsiyadaada igula shirkowda ,sidaana ay Soomalida xaafadda deggan u noqdaan rukun joogta ah oo maqaayada ka cunteeyo, adigana in aad si joogta ah maqaayada u timaado, khasnadana u fadhiisato kolki aad shaqadaada ka soo baxdo, gaar ahaan habeenadi, midda kale haddii aad aqbasho codsigayga waxaan kuu ogolaanayaa faa’idada soo gasho maqaayada in aad ku lahaato rubac “.

Daahir arrintan waxay ku noqotay filan-waa ,wuxuuna is-yiri war ninka ma waashay, misa waa kugu dheel-dheelayaa oo arrinkan ka dhab maahan, wuxuuna aamusnaan keddib Abu-Cali ku yiri “War ninyahow  ma waxaad iigu yeertay sheeko dherag-dhacsi ah, misa waa kaa dhab arrinta”.

Abu Cali oo yare is-xumeeyay ayaa Daahir ku yiri”War nin dadka ku dheel-dheelo ma kuula ekahay, war arrinta sidaad mooday ma’ahan, waana iga dhab arrinkan ee ma aqbashay misa waa diiday”.

Daahir oo yaaban weli, wax uu sheegana garan la’ ayaa Abuu Cali ku yiri “Walaal Cabdow, arrintan waan ka soo fikirayaa ee habeen danbe iga war sug, waana  ku mahadsantahay mar kale, ixtiraamka aad ii hayso”.

Abu-Calina waa aqbalyay balanki ,wUxuuna yiri “waa inoo habeen danbe”.Daahir habeenkaa ma seexan,wuxuuna aad ugu mashquulay sidi uu ka yeeli lahaa codsiga Abu-Cali u soo jeediyay, waaga ayaa ugu baryey fakir iyo talo gorfayn, weli talo ma gaarin, wuxuuna isu sheegay lixdi Subaxnimo in uu arrintan la soo gudboonaatay kala tashto saaxibkii Muraad ,waxa uuna go’aan ku gaaray in uu isla galabnimadaas Muraad ugu tago xafiiskiisa.

Daahir wuxuu soo toosay duhurinmadi, maqaayada ma tagin maalintaas maqaayad kale ayuu  qado u doontay, kolki la gaaray shanta galabnimo ayuu xafiiska ugu tegay Muraad ,wuxuuna u sheegay wuxuu kala kulmay Abu-Cali ,wuxuuna Muraad ku yiri “walaal maxay kula tahay in aan ka yeelo arrintan Abu-Cali ii-soo jeediyay? “.

Muraad kuma daahin Jawaabta wuxuuna Daahir Ku yiri “Tani waa albaabki u horreeyay ee Kaahin Marwaan kuu furo ,waana waxgalnimada koowaad ee Xirsiga jeebka kuugu jiro ,ee walaal ha dayacin fursadan midda kale waxaan kuu sheegayaa ,kolki aan aniga u tegay Kaahin Marwaan ,xirsigana uu i-soo siiyay ,keddibna aan Riyaad ku soo Noqday ayaa aniga oo jidka taagan ,sugaayana gaari horay ii sii qaado ,xaafadana I geeyo ama meel ku dhow ,ayaa waxaa ii istaagay nin ay haybad sare ka muuqato ,marnana aanan filayn in ninkaas ii-istaagayo ,wuxuuna igu yiri Soo kor gaariga aan ku sii dhaweeyee”, gaarigi ayaan koray, kolkaan in yar soconay ayuu ninki wuxuu i weydiiyay magacayga iyo xaggee ka shaqaysaa?.

Waxaana ku iri: “Ma shaqeeyo oo maantaba waxaan ku soo daalay shaqa doonid ,magacaygana waxaa la yiraa Murad”, intaa keddib Shiikhi haybada ka muuqatay wuxuu igu yiri “Maxaad ka qabtaa in aad  ila shaqayso aniga ” ,waxaan ku iri,”waxba kama qabo yaa shiikh”, wuxuu  igu yiri ” Muraadow,aniga waxaa lay yiraa Shiikh Sulaymaan, qaado kaartadan, waa cinwaanka maktabkayga(xafiiskayka) ,waxaana kaa rabaa in aad xafiiska iigu timaado berri , shanta galabnimo”.

Daahirow waa tegay xafiiski uu Shiikha ii tilmaamay ,waxaana kuu sheegayaa, waa xafiiskaas waxaan weli ka shaqeeyo ,waxaana ku shaqeeyaa wasiirka xafiiska Shiikhaas tan iyo maalinti shaqada lay qoray ilaa haddeer. walaal ,yaanan war kuugu daalin ,fursadan waa mid qaaliya ee ha iska dayacin ,Abu-Cali caawa u tag ,una sheeg in aad aqbashay in aad kula shirkoobayso maqaayada, walaal waa iga talo intaas, adigaana u madaxbannaan go’aan ka gaarida dantaada , ee adiga sidee ayaad u aragtaa arrintan”.

Daahir kolkuu dhuuxay hadalki Muraad oo ku sii ballaariyay  damaci kolki horaba uu isaga ku beeray ayuu waxuu si fudud u yiri “walaal talo kama danbayso taladaad ii soo jeedisay ,maskaxdaydana waa ka maqnayd xirsiga aan wato in uu yahay,mid lay siiyay in uu wax-walbo ii fududaynayo,calaal kulli xaal caawa ayaan ku noqonayaa Abu-Cali waxaana ku wargelinayaa in aan aqbalay in aan kula shirkoobo maqaayada, adigana yaanan waqtiga kaa dhuminin,shaqo ayaad ku jirtaa,waana inoo habeenka jimcaha sidi caaddada inoo ahayd in aan is-aragno”.

Daahir waa ka tagyay Muarad ,wuxuuna ku noqday gurigiisa iyo xaafaddi uu degganaa,tobanki habeenimo, sidi balanta ahayd wuxuu yimid maqaayada,wuxuu la kulmay Abu-Cali ,wuxuuna ku wargeliyay in uu aqbalay shirkadda uu u soo jeediyay.

Abu-Calina waa ku faraxyay Aqbalaada in uu Daahir la shirkoobo,wuxuuna Daahir ku adkeeyay in uu dowr wacan ka qaato kordhinta dhaqaalaha soo galo maqaayada oo iyada magaceeda Ahaa Maqaayada Al-Baraka iyo in uu ahaado nin firfircoon ee yimaado waqtiga shaqo ee lagu heshiiyay in uu maqaayada joogo noqdana nin si wacan ula dhaqmo shaqaalaha maqaayada oo wanaajintooda iyada dowr weyn ka qaadanayso kor u qaadida sumcadda ay maqaayada leedahay iyo tayadeeda..

Habeenkaas, sidaas ayey isku macsalaameeyeen Daahir Guuleed Cali iyo Abu Cali ,Daahir maalinti xigtaba wuxuu bilaabay in uu Soomaalida ku wargeliyo in uu yahay nin qeyb ku leh maqaayada Al-baraka Soomalidana waxay bilaabeen mudda gaaban keddib in ay laba-laabaan ka cuntaynta Maqaayada Al-Baraka.

Mudda laba bil ah keddib, DAahir wuxuu ka ruqsaystay shaqadi maktabka gurya-iibinta oo uu ka shaqaynayay ,wuxuuna u wareegay in uu joogtaeeyo ka shaqaynta maqaayada waqtiyada ay ugu shaqo badan-tahay, maqaayadana kolkaas waxay gaartay in uu aad u kordho dadka ka cunteeyo ,saddex jibaarna uu ka batay kolki uu ku soo biiray qeyb ku lahaanshaheeda Daahir Guuleed Cali.Waxaa kor u kacay si aan la malayn karin dhaqaalaha soo galo Maqaayada, shirkadda Abu-Cali iyo Daahirna waxay fooda la gashay bishi lixaad intaa keddib Daahir wxuu ku dhiiraday in Abu-Cali uu weydiisto, in uu kor u qaado qeyb ku lahaanshihiisa maqaayada oo ahaa Rubac gaarsiiyana Nus .

La soco qaybaha kale

 W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

SHEEKOOYIN