Sheeko taxane ah : Il iyo Baal Q1AAD W/Q: Shaafici Maxamed

Il iyo Baal Q1AAD W/Q: Shaafici Maxamed
Waxaad ahayd addoomada Alle abuuray midda ugu garaadka badan, marka loo eego aynigaaga. Firfircoonida iyo fool furnaanta ayaad la dhalatay lana barbaartay. Sahra waa xiddig ka mida xiddigaha Alle samada ku qurxiyey, waa la olol oo waa la shar iyo khayr xiddigaha intooda kale. Sidaa si la mida ayaad ula dhigantahay gabdhaha intooda kale. Ma cadhootid, camal xumo iyo cuqdad waad ka caagantahay, ab iyo isir toona uma lahid saluug muuq iyo midab aan il qabad lahayn. Qaayahaaga dad la dhaqan waxaa lagu hilmaamaa quruxdaada qorraxi ma qarisayda ah. Hawlkarnimo, hubqaad, hagar la’aan, deeqsinimo,dulqaad,af-tahannimo, iyo kal furnaan intaba bar kulan ayaad u tahay.

Intaas waxaa iiga marag kacay waayaha iyo waqtiga cadliga Eebbe calaamada u tahay, ee aan cidna duudsin. Waan isu ogaa astaamahaa iyo kuwo kale oo aniga gaar ii ahaaba in aan dunida guudkeeda khalqiga saaran gaar kala ahay. Sunnooyinka Rabbaaniga ah ayay ka mid tahay in ay dharaaraha ku casuumaa cawo iyo ciil mid uun kugu marti sooraan. Odey ka sheekee dhacdooyinka la isugu weriyo ee qadhaadh iyo macaanba leh ayaa ka mid ah waxyaabaha dhadhanka u yeela ku raaxeysiga nolosha. Mar ku cibro qaadasho ayay metelaan kol kalena waa duruus is daba joog ah iyo casharo ciwaankoodu waaqica la jaanqaadi karo.

Shan gu’ ayaan jiray markii aan dareemay in ay xusuusahaygu kaydka ii geli karaan, dharaar walba summadda ay igu dhigato ayaan laabta u sii deyn jirey xusuustana ku adkeyn jirey, in kasta oo aanan macneyn karin nooca dareenkii igu xanbaaray in aan kaydiyo xusuusaha caynkaas ah. Yaraantaydii la jecley suubaa salaax ku ababtay ayaan ahaa maadaama oo aan shan wiil oo is xigey hoos uga yaraa. Waxaan ogaadey bilowga in wax waliba kusoo dhoweynayaan, marka aad garab iyo gaashaan u haysato. Hooyo waa tii sababta u ahayd in ay dharaaro door ahi cawo igu casuumaan; hadimo iyo hagardaamo walba oo i soo weerarta iyada ayaa gabbaad iiga ahayd, balse qaddarka Eebbe ayaa ku jaan go’naa in aan derbigaa adag ku tiirsanaado muddo todoba sano oo keliya ah, noloshayda inta kalena aan la hardamo mawjadaha gebigoodaba hagardaamadu hugga u tahay.
Hooyaday geerideedu in kasta oo ay xaq ahayd qaddarkuna qornaa, haddana uma ay qalmin in ay sidaa foosha xun u dhimato. Waxay xaq u lahayd geeri iyo nololba in ay midda ugu qurux badan kaga sugnaato. Oo ma geeri baa qurux leh? Hooyo iyada oo nolshayada halgan ugu jirta, jecel in aanu siday nala jeceshahay u noolaano ayey xilli galab gaab ah xooluhuna mayracanayaan is tidhi cuunkan xaabo ka sii guro. Waa cuun jiq ah oo madaxa isla galay, magiciisuba waa cuun xanbaaro oo xooluhu nabad qab kagama soo baxaan, waxaa ku dhan dhir tii ugu mudneyd. Dhawr geed oo qalalan ayay istidhi ka soo xaabeyso, iyada oo shaqadaa ku fooggan ayuu waraabe ka dhergey oo luqunta jebiyey. Ha moodin waraabihii xoolaha cuni jirey balse kani waa waraabe kale oo muuq aadami leh. Hooyo nin ka xoog weyn ayaa kufsaday naqaskana ku xidhay, dabadeedna iyada oo jeexa dhex fiddigsan cagaha wax ka dayay. Nasiib daro isaga oo aan qisaas iyo xukun toona hor tegin ayuu reero dhaqday oo tanaaday waraabahaasi, annagana baylahduu nabaday ayaanu ku ababnay . Qisadaasi si goos goos ah ayay ayeyday iiga soo gaadhey markii aan caqliyeystay ka dib.
Aniga oo todoba gu’ jira ayaa ayeyday hooyo i qaadatay ka dib markii aan rajo noqday. Nolol cusub ayaa ii bilaabmatay, waxaan ku biiray qoys aan ku cusbahay, waageeni aan la dhaqan iyo dhiig toona ahayn ayaan isu arkay, tafta ayeeyo mooyaane waan diiday in ay meel kale cududaydu cuskato, la lug iyo afba waan noqday, meeshay aaddo waa la aadaa , waxay dib u liqdona waa la cunaa. Ayeeyo waxay ahayd  qof naxariistu biyo dhigtay, weligay codsigayga igama hor istaagin, dhaqan xumona iguma fiirsan.
Jidhkaygii markabka ahaa ayaa sii kobcay, garaadkaygii aanan miisaankiisa aqoon ayaa la culeys noqday garaadka talo qabeenka iyo duqayda. Waxaan la ayaaba marka aan xusuusto sida ay u mataanoobeen dareenkayga iyo dareenka ayeeyday Asli, wax kasta oo xitaa aan ku riyoodo ayay iga baahi tiri jirtey aniga oo aan weydiisanba, aniguna waxii ay u baahato ayaan u qaban jirey, ma garanayo sida aad ku fahmaysid weedhane ayeeyo waxaan u ahaa qalbi qaboojin iyana waxay ii ahayd indho qaboojin.
Laba iyo toban gu’ markii aan jirey ayay igu furantay daaqad kale. Af-genbi aan laga war qabin ayaa noloshayda dhanka kale u rogey. Alle ayaa iga jeclaaday ayeeyo, in ay wehel ii sii noqoto ayaan jeclaa, in aannu si wada jira u noolaano ayaan u jeelanaa, balse geeridu ma xishooto mana gefto.
Waxaase utun aan la qormo igu abuuray waxa ay sababsatay geerida ayeeyday, waxaan jecleystay in aan ka horreeyo inta aanu xaalku sidan noqon. Haddii aan mustaqbalka inna wax ka sii ogaan lahaa hooyaday ayaan qabriga wehel uga dhigan lahaa. Abtigay Bidhaan oo ayeyday gurudanbeys u xisaabsanaa ayaa sababsaday xabbad qoyska aabbahay xagooda ka timid. Ma ahayn xabbad si aan ku talo gal ahayn ugu dhacday balse waxay ahayd iba furkii iyo ififaalihii colaadii aan jaxiimada u aqaaney, kama warrami karo sababta kicisay colaadaa abtigay iyo adeerkay iska hor keentay muhiimna iima aha ka warrankeedu mar haddii aanan wax ka qaban karin, balse waxay ahayd colaad aad moodid aniga noloshayda in ay cidhiidhido in loo abuuray.
Waan ka naxaa marka aan abtigay inta aan quraac u dubo uu qoriga degta sudho, oo uu afka saaro reer adeerkay iyo aabbahay oo aanan ogeyn in ay quraacdeen iyo in kale, mar kale ayaan hoos u ooyaa marka aan arko abtiyaday oo dhaawac jiidaya ama iyaguba dhaawac ah. Ayeeyday naxdintii geeridii abti Bidhaan ayay sababsatay, wayna ku saxsaneyd in ay wiilkeeda dunidan holcasa ka sii gelbiso, balse waxaa uur-kutaalo igu reebay nasiibka safarkaa aakhiro iga reebay ee cidlada holcasa igaga dhaqaaqay.
Buulkii ayayday laga qaaday ayaan habeen iyo maalin ka dhex ooyaa, dunidii oo dhan ayaa cidhiidhi igu noqotay. Colaadaa iyo warkeeda intaas ayaan ku dhaafayaa si aan isu ilowsiiyo maalmihii noloshaydu dhudhunka ka jabtay iyo xusuusaha la xidhiidhaba. Waxaan soo maray baylah iyo daryeela’aan nooc kasta oo dunida lagu abuuray. Aadamaha uunka saaran waxaan ugu jeclaa ka ila duruufta iyo dareenka ah, Waxaan ugu nebcaa ka nimcadiisa si ku faanid u eg ugu raaxeysta. Iska koray waxaan ku korayba, in kasta oo aan muddo ahaa adeegto dhega nugul.
Markii aan afar iyo toban jirsadey ayaan u wareegey qoyskii reer aabbahay, waa halka keliya ee aan filayo in aan nasiino iyo daryeel ka heli doono, balse nasiib xumo naxariistii oo dhan ayaa qoyskan ka hayaantay,Hooyo, Ayeeyo iyo Awoowe intuba waa meyti. Mar kale ayaan waageeni isu arkay, dunidani halka ay iga colaadinayso ayaa garaadkayga ka weynaatey, waxa aan isku qanciyey in uu ayaanku i gardaadin doono . Judhii aan cago dhigtayba nin ayaa la igu casuumey meherna la iigu xero geliyey, ma jirin cid mustaqbalkayga wax iga weydiisey cabashadaydana iga hoos qaaday. Guurkaa waxaan kala kulmay waxyeelo iga gu’ weyn iyo hadimooyin nolosha gees kale iga taagey. Balse mar kale ayay dharaaruhu igu marti sooreen in aan noloshaa ka xuub siibto.

Magaalo ayaan galay wax barasho ayaan bilaabay, noloshaydiina caqabado badan ayaan ka dul boodsiiyey. Waxaan u muuqday shaqsi noloshiisa ku filan oo xor u ah go’aamada mustaqbalkiisa. Hooyooyinku weligoodba ragga kii ku dhalay iyo kii kula dhashayba ka naxariis badane habaryartay Saafi ayaa noloshaydii qurxisay dhalaal aysan weligeed ku riyoona ka muujisay, wax tarka habaryartay waxaa ugu mudnaa dhiirigelintii iyo talooyinkii ay dharaar iyo habeenkeed si dareen waalidnimo leh iigu waanin jirtey.
 Joogitaanka magaaladu iyada ayaa ibtilo igu ahayd, la qabsigeeda ayaa igu adkaaday, adiga oo saxsan ayaa lagu odhanayaa waad khaldantahay, hadalkaaga, socodkaaga iyo xataa lebiskaaga ayaa iyaga maadeysi ugu filan. Wax aan micno buuran lahayn ayaa qiimo agtooda ku leh, mar ayaan is idhi waxaad u xiistay dunidii xorta ahayd . Waxaan u kaashaday dun macaanidaydii, dulqaadkaygii iyo dhego nugelkaygii. Waad dareemi kartaa qof weynaan wax barasho ku bilaabay wax walibana ay hadda bilow u yihiin, waxaa iga tan badiyey hammuuntii aan waxbarashada u qabey oo durba dhawr talaabo ayaan horey u qaaday. Markii aan Quraanka iyo Soomaaliga si wanaagsan uga bogtey ayaan ku tallamay in aan luuqada ingiriisida ka war doono. Waxaan galay goob waxbarasho oo u khaas ah barashada luuqaddaas. Macallin fiican ayaa si wacan iigu soo dhoweeyey bilow qunyar socod ahna duruusta iigu bilaabay, anna kama abaal dhicine waa ka adkaa dersiga aan qaato, waxay saa ahaatoba sanadkaygii sideed iyo tobnaad ayaan ka barmoosay dugsigaa iyo waxbarashadiisii.
Waan jeclaa in aan waxbarashadayda sii wato balse duruufta ayaa ii saamixi weydey, habaryartay ayaa awoodi weydey inay iga bixiso dhaqaalaha (qarashka ) waxbarashada, guriga ayaan iska fadhiistay aniga oo aan ku calool sameyn in indhihii hadda ii baxay ay intaa ku ekaadaan.
markii aan guri joog noqday quruxdaydii duruufuhu hadheeyeen ayaa dib u cusboonaatay, waa anniga midda hal mar la is wada tusay. Rag badan ayaa haasaawe na dhex maray guurna ii soo ban dhigay waxaanse ka xushay macallinkaygii luuqadda ingiriisida oo tartanka la ii galay qayb ka ahaa.
Laba qodob ayaan ragga uga gaar yeelay, dabci wanaagiisii iyo aqoonta aan ku tuhmayey, sidoo kale waxaan la jecleystay in aan naftayda abaal uga dhigo sidii wanaagsaneyd ee uu wax ii baray darteed. Anniga iyo Cumar aan dhehee macallinkayga xidhiidh jacayl oo xidideystey ayaa na dhex maray, haasaawihii ayaa nala talax tegey, mustaqbal naga fogaa ayaanu si wada jira u soo dhoweyney, in aannu muddo dhow qoys wada yagleelo ayaanu meel isla dhignay. Wehelka keliya ee noloshayda ayuu Cumar noqday, waxaa iskay tusay nolosha macaan ee noo danbeysa hilaaceeda, waxaan jecleystaa in ay wax waliba intooda ka soo degdegaan si ay rajadayadu dhakhso ugu midho dhasho. Balse waayo arag baan u ahaa duruufaha nololeede durba welwel baa I hadheeyey, su’aalo aanan jawaabtooda helin ayaan isweydiiyey, Armaad Cumar is calfan weydaan? Show noloshaada af-duub kale soo wajehee? Ma laga yaabaa inaad hesho nolosha farxada leh ee isu dheelitiran ee aad u golongoshay?. Isla aniga ayaa su’aalahaa jawaab toolmoon iskaga qanciya, weliba si qalbiga farxad gelisa.

La soco qaybta labaad

W/Q: Shaafici Maxamed

SHEEKOOYIN