Sheeko taxane ah:Addoonsigii Gurracnaa!!Q1AAD W/Q: Muxamed Xuseen xasan Qoordheere

14741159_1299180186783250_2005702826_n

Addoonsigii Gurracnaa!!

Falis waa agoon iyo rajay, aabbaheed Xasan wuxuu dhintay iyadoo bilooyin jirta, geeridiisii ka horna wuxuu kala Dardaarmay nolasheeda dambe, Macalin Yuusuf,oo ay ahaayeen saaxiibo iyo daris wanaagba, Xasan isagoo dugsigii sare fasalka labaad dhiganaya ayay burburkii dhacay, waalidiintiisaana uu ku waayay, wuxuu ahaa Maddi sida inantiisa oo kale, balse Xasan wuxuu ahaa qof karti leh nolashiisana soo saaray, dhibtii dalka ka jirtayna bulshada ayuu ula sinnaa inkastuu waalidkii ku waayay,

Geeridi waalidiintii kaddib wuxuu ahaa xoogsade garab rarato ah, marna wuxuu ahaa Macalin maadada xisaabta iyo suugaanta dhiga, qol yar baa uga kiraysnaa dagmada Hawlwadaag, isaga iyo laba Macalin oo kale,Xasan wuxuu ahaa Barre ardaydiisa u hagar baxa, duruusta uu siiyana ka haqabtira, ardaydiisa iyo kooxda ay isla shaqeeyaan iyo bulshada uu la nool yahayba aadbay u tixgaliyaan waana qof degan oo aad u xishood badan,

Ruqiyo waa gabar aad u qurux badan, waana Soomaali iyo Yemeni iska dhal ah, waxay ku dhalatay oo ay ku barbaartay, dagmada xamar-wayne, Ruqiyo fursad waxbarasho maysan helin waalidkeedse way awoodeen balse waxay ka baqayeen in gabadhooda laga wax yeeleeyo haddii ay bannaanka u bixiyaan balse waa caalimad qur’aanka taqaan, aabbaheed Xaaji Shariif baana baray, waxay la haayeen foorno lagu dubo rootiga, xiliyada ciidahana xalwada iyo buskutka ayay dubaan, aadna waa loo jecel yahay, xalwadooda.

Reer xaaji shariif gurigoodii Xamar Weyne ay kaga noolaayeen iyagaa lahaa, waxaana jiray guri kale oo ay ku lahaayeen dagmada Shibis oo xoog looga haystay, dabayaaqadii 2006da ayayna ayaa loo soo celiyey markii ay caawimaad ka heleen iyagoo qarash badan ku bixiyay waliba, urur diimeedkii dalka xiligaa talada hayey ee Maxkamaddaha.

Xaaji shariif gurigiisii marka lagu wareejiyay wuxuu ka kiraystay isla reerkii xoogga kaga haystay maadaama odaygii ka dhintay, islaantuna xoolo aadane aadbay iskaga ilaalinaysay.Maalmihii dooda guriga ay socotay Xaaji shariif buu wuxuu baadi doonay qof ka caawiya qorist dacwadiisa, wuxuuna helay Xasan,Xasan intii karaankiisa ah aadbuu uga caawiyay qorista dacwadiisa, Xaaji shariifna wuxuu la dhacay asluubta iyo anshax wanaagga xasan,

Xaaji shariif markii uu ku guulaystay dacwadiisii ayuu Marti qaad u sameeyay intii kala qayb qaadatay, arrinka guriga, xasan dadkii la Marti qaaday buu ka mid ahaa,markii la cunteeyey kaddib ayuu Xaaji shariif qidmo yar oo lacag Dolar ah jeebka u galiyay Xasan, balse, wuu ka biya diiday qaadashada lacagta, maadaama wixii ay ku heshiiyeen xaga shaqada ay waa hore kala qaateen,

Xaaji shariif baa ku dhahay xasan “Baariyow beesada qaado, abaal kaad ii gashi ma gudi Karee, Tanna ixsaanlee waaye”, kaddib xasan isagoo si kaga xishoonaya buu qaatay, wuuna iska tagay, balse intuusan iridka ka bixin buu xaaji Shariif dhahay, igaarkay Xasanow jimcaha amuuraa jirtaa, qadada inta waaye ogow, xasana madaxa ayuu luxay isagoo waatahay kaga jawaab celinaya.

Maalintii jimcaha markii la gaaray, xasan wuxuu horay usoo kaxaystay saxiibkiis Macalin Yuusuf,Macalin Yuusuf waa nin wayn dhawr iyo afartan jir ah, waa laba xaasle ilaa tobaneeyo carruur ah leh, waana Macalin dugsi qur’aan dhiga,Markii ay yimaadeen aqalkii Xaaji Shariif waxaa loosoo dhaweeyay qaab qurux badan, Macalin Yuusuf ishiisa waxay qabatay Ruqiyo oo markaa taagnayd jikada iridkeeda, Macalin Yuusuf markuu arkayna wuu la ashqaraaray quruxda indha qabadka ah,

Horay ayay u galeen qol Marti badan kaga sii horraysay, salaan kadibna maba laysku sii daahin saxano bariis, hilib, kalluun, iyo qudaar isdaba ordaysaa qolka loogu soo galiyay, meeshiina si marxaba leh baa loogu wada cunteeyey, qof walbaana duco buu halkiisii ka miisay, waa dhaqanka Soomaalida waa is marti sooraan, qolada la marti sooreyna waxay ugu duceeyaan qofka iyo qoyska martisoorey in muraadkooda alle u sahlo.

La soco qaybaha kale

W/Q: Muxamed Xuseen xasan Qoordheere

 

SHEEKOOYIN