Sheeko taxane ah:Quraafaadka Faaliyaha Q9AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Sheeko taxane ah:Quraafaadka Faaliyaha Q9AAD

Marki uu G/shle Cusmaan hadalkii ka baxayna waxaa hadal gaaban oo uu ku jiro ixtiraan ku tiri Maryan, oo iyada dhegaheeda u furtay hadalkiisa lana socotay sida uu u waaninayo wanaag badnaanteeda ayaa tiri . “Walaal Cusmaan, ballan ayaan kaa qaaday in aan ku cammal falayo waanadaada , meel dheer ayaana kamarayaa kuwa aad sheegayso ee siriqda la ilaalsanayo dadka jilicsan, walaal waxaan mar kale ku leeyahay ilaaheey guul la taaban karo ha idinka gaarsiiyo howsha wanaagsan oo aad ugu jirtaan dadkiina iyo dalkiinaba”.

G/le Cusmaan: “Waan u bogay sida wanaagsan oo aad iila garatay kuwa aan ku leeyahay ka dheeraaw”.G/le Cusmaan kolkuu intaa yiri, waxa uu u soo jeestay xaaskiisa Khadiijo oo dhiniciisa taagnayd dhabarkana ku hayso Maryan wuxuuna ku yiri: “ Khadiijo waxaan filayaa in aynaan jirin wax no harsan oo aan ka wada hadleyno?”.

Khadijo: “Maya walaal, ma jiraan wax noo harsan oo aan ka ballamayno ee ilaaheey guul ha idinka gaarsiiyo howsha aad u socoto ee lagu soo dhcinayo dhulka balaaran iyo dadka ku nool oo xabashida gumeysato, reer yurubna beri hore u boobeen, macsalaama qalbigeygi ilaaheyna ha ku soo nabad celiyo”.

Intaa keddib G/shle Cusmaan wuxuu dhunkaday labadiisa ciyaal iyo xaaskiisa Khadiijo ,wuxuuna gacan qaaday Maryan isaga oo raali ka ah howsha loo diray wuxuuna yiri, “Nabaadiino iyo nooli kulantee, Khadiijo iyo Maryan ee gaariga kora, si aad caasumada u gashaan berri subaxnimadi haddii ilaaheey yiraa”.

Khadiijo, labadeedi ciyaal iyo Maryan Gaariga ayey koreen ,waxaana gaariga hore u saarnaa shufeerka oo isaga sii koray inti ay ismacsalaamaynayeen, Shufeerki wuxuu dhaqaajiyay gaariga ,G/shle Cusmaan isagana wuxuu gacanta u haadinayay xaaskiisa,carrurtiisa iyo Maryan oo aan isaga waxba uga duwanayn walaashiis.

G/le Cusmaan marki uu reerka ambabixiyay,gaarigana dhaafay meel ishiisa qabanayso wuxuu ku laabtay gurigiisa isaga oo diyaar u ah in uu kicitimo shaqadi loo diray.

 Gaariga wuxuu magaalada Gaalkacyo ka baxay afarti galabnimo wuxuuna foolka saarey waddada dheer ee isku xirto caasumadda iyo degmada Gaalkayo, inti uu gaariga meel fog gaarina laba saac keddib waqtiga wuxuu guda galay habeen,saas darteedna ma jirin Maryan wax u muuqanayay oo ay ka arkayso waddada hareeraheeda, haddii ay cadadanta bisha kaalmeyn lahaydna in ay ku aragto dhulka u dhexeeyo degmada Gaalkacyo iyo magaalada Muqdisho, bisha waxay ahayd habeenadi u danbeeyay ee tirsiinada soddanka casho oo ay kooban tahay bisha.

Maryan gaariga siday iyada iyo Khadiijo istaagidiisa ma badnayn wuxuuna istaagay oo kaliya maqaayad ku taal dhinaca waddada ee degmada Buurane kuna dhow degmada Mahadeey ,waxayna halkaa ka cuneen cunta wacan oo ay habeenkaa Maryan tiri, “ allah yaa dhulka oo dhan ka simo barwaaqada halkan taal”. Waxaana hadal gaaban ugu jawaabtay Khadiijo oo markaa wajigeeda ka muuqday daal kuna tiri, “Soomaaliya waa ka siman tahay barwaaqada halkan taal, dadkeenana waa u dhaqan Cad iyo Caano, gobal ay xoolaha ku yar yihiina waa gaaban yahay”.

Kolki ay casheeyeen , in yarna halkaa ku nasteen shufeerki ayaa ugu yeeray in ay soo koraan gaariga. Khadiijo iyo Maryan waa koreen gaariga iyaga oo kala xanbaarsan Mahad iyo Maryan yareey, waqti yar keddibna shufeerki waa dhaqaajiyay gaariga , waddada ayeyna dib ula qabsadeen, marki uu gaariga nus saac socdayna, Maryan waxay bilawday hamaahsi waxaana indhaheeda ku soo dhacday hurdo, waxaana markaa la hadashay Khadijo oo muddo aamusneed kana fikiraysay maalmaha ay Muqdisho ku hakanayso tiradooda ,isla markaana la yaabaneed Maryan oo aan daalin mudada dheer oo ay wadada ku soo jireen ee daashay marki laba saac oo kaliya ugu harsanayd gelitaanka magaalada Muqdisho, waxayna Maryan ku tiri iyada oo gacanta dhabarka uga dhufaneyso, dooneysana in ay ka qaado hurdada ku soo degtay ,una sheekayso inti Muqdisho laga gelayo, waayo waqtigi dheeraa oo ay waddada ku soo jireen ma jirin wax iswaraysanayay, sheeko warkeedaba iska daa ,oo ruux walbo naftiisa ayuu ku howlanaa kana fikirayay ayaamaha fooda ku soo haayo sida ay noqon aayaha  nolasheeda, shufeerkana wuxuu ahaa nin da’ ah oo aan ku jirin sheeko, iskana werdinayay inta uu socday gaariga, “ Maryan maxaa ku helay sow adiga iga wanaagsanaa oo aan daalin waqtigi dheeraa oo aan waddada soo haynay”.

Waxaana u jawaabtay Maryan oo iyada naf’ahaanteeda la dirirayso hurdada ka soo dhacday, waxayna tiri, “abbaay aamusnaanta oo badatay iyo anniga oo waayay wax ii muuqanayo waddada hareeraheeda mugdi awgiis ayaa daalka iyo hurdada iga keenay”.

Maryan inti ay hadalka waday ayey waxay aragtay if ka muuqanayo waddada hareeraheeda oo ka imaanayo nalal suran halka ugu sareyso tiirar bir ah oo ku safan wadada hareeraheeda ,waxayna tiri, “ abbaay Khadiijo waa maxaay magaaladan aan soo galnay miyeyna Muqdisho ahayn”.

Khadiijo: “abbaay aniga kuma fiicni aqoonta dhulka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho ,waxaana halkan u malaynayaa degmada jowhar,waxaasa innooga war roon oo aan weydiinaynaa shufeerka isaga ayaa si fiican dhulka u yaqaan”.

Khadijo inti aynan u jeesan shufeerka waxna aynan weydiin waxaa u jawaabay isaga ,kuna yiri, “gabartaydi waa runtaa magaaladan waa Jowhar waxaana ku yaal warshada Sokorta”.

Maryan iyo khadiijo sheekadi halkeedi ayey ka wateen, shufeerkina wuxuu dib ugu laabtay werdigiisa, waxaana in yar keddib la soo galay degmada Balcad, shufeerki ayaana u sheegay magaca magaalada iyo in ay Balcad ku taal warshada weyn ee dharka.waxay soo gaareen kontroolka laga soo galo magaalada Muqdisho waqti yar keddib marki ay soo dhaafeen degmada Balcad

Marki Gaarigoodi la baaray ayaa shufeerki wuxuu khadiijo weydiiyay halka uu ku yaal guriga uu geynayo, Khadijana waxay u sheegtay in gurigooda ku yaal degmada Shibis gaar ahaan xaafad ku dhow Shineema xadarmuut. Shufeerki wuu ka dhaqaaqay kontroolka wuxuuna gaarigi ku dhigay waddada Balcad ee toos u gasho bartanka magaalada Muqdisho, dhinaca barina ka marto degmada Shibis, ka bacdina ku soo dhacdo wadada Jamhuuriyada. Wuxuuna marki uu marayay wejiga baar Kulmis mar kale Khadiijo weydiiyay halka uu gurigooda ku yaal maadaamo uu ku soo dhawaaday xaafadi ay u tilmaantay, waxayna ku tiri, “ Adeer iska soco guriga ma foga, anniga ayaana ku toosinayo kolki aad ku dhawaato”.

Waqtiga markaa wuxuu ahaa shanti iyo shan afartan daqiiqo, waxayna dadka deggan deegaanka ka soo baxeen salaada subax, jawiga hawadana aad buu u fiicnaa,qabow yar ayaasa jiray, waxaa iyagana wadada marayay dad soo kalahay oo doonayo in shaqooyinkooda dhaqsi u tagaan, Maryan iyada way yaabaneed oo markaa waxaa idhaheeda ku daaleen daawashada wadada hareeraheeda, Khadiijo iyada waxay ku howlanayd gabadheeda yar oo korkeeda ku gaadisay, odaygi gaariga wadayna waxaa ka muuqanayay daal fara badan, waxaa mudda gaaban gudaheeda la gaaray sarta weyn ee Biixaani waxayna Khadiijo oo ku howlan nadiifinta gabdheeda shufeerki ku tiri, “Adeer ku leexo wadada bacaadka ah ee hormareyso iridka weyn ee sarta Biixaani ,xaafadana guda galeyso”.

Shufeerki wuxuu ku leexday wadadi loo tillmaamay wuxuuna in yar marki uu socdayna Khadiijo ku tiri, “Adeer gaariga jooji, gurigana waa kaa”.

Shufeerki gaariga ayuu joojiyay gurigga iridkiisa,gurigooda wuxuu ahaa guri ka dhisan dhagax,wuxuuna ahaa dhismayaashi hore ee la dhisay waqtigi uu joogay gumaysigi Talyaaniga, wuxuu ahaa mid aad u qurux badan, wuxuuna u dhisnaa qaab iska soo horjeedo. Marki gaariga la joojiyay,Khadiijo iridka ayey iska furtay si tartiibana uga soo degatay gaariga ,Maryanna waxay u soo taagtay Mahad iyo Maryan.

Maryan way aamusnayd iyada waxayna dib u soo xasuusatay maalmihi ay kuu soo biirtay reerkan iyo inti aynan abaarta ka dhicin deegaanki ay ku noolaan jirtay, niyadana waxay iska lahayd, “ ilaaheey wuxuu kuu qoray cidna kuma dhaafsiin karto weyna ku soo marayaan muddada laguu xadiday in aad ku noolaato dunida guudkeeda”.

Maryan iyadana way ka soo degtay gaariga waxayna Khadiijo ku tiri marki la soo wada degay “ Mee guriga ay deggan yihiin ehelka G/le Cusmaan’.

Khadiijo : “ha degdegin ,waad baran oo indhahaaga ayaad ku arki doontaa ehelka G/le Cusmaan iyo in ay ka sii wanaagsan yihiin isaga”.Khadijo intaa marki ay Maryan ku tiri waxay abaartay iridka guriga keddibna garaacday, waxaana ka furay G/le Cusmaan Aabbihii oo isaga ah nin xoog leh oo aynan ka muuqan da’diisa oo ahayd shan iyo lixdan jir. G/le Cusmaan aabbihi marki uu iridka furay wuxuu arkay xaaski wiilkiisa ,kumana ahayn degdeg iyo filan waa oo way sugayeen imaantinkooda ilayn wiilkiisa ayaa taar ugu soo sheegay ka hor inti aynan ka soo bixin magaalada Gaalkacyo , wuxuuna Khadijo ku yiri, “Khadiijo ii waran gabartaydi ,ilaaheey ma idin nabad keenay, horay u soo gal gurriga, Maryan iyo ciyaalkisa aaween”.

Khadiijo: “ Adeer Axmed aad ayaan u fiicanahay, ilaaheyna waa na nabad keenay, Maryan iyo ciyaalkina waa kuwan ,waana soo galaynaa ee aan alaabta kala soo degno gaariga si aan isaga fasaxno odaygaa waayelka ah”.

Adeer Axmed isaga bannaanka ayuu u soo baxay wuxuuna si fiican u salaamay ciyaalkiisi iyo Maryan oo gedigoodba hilow u haayay, ka bacdina wuxuu salaamay shufeerki ,wuxuuna Khadiijo ku yiri, “gabartaydi iska daa sida loo dejinayo alaabta ee guriga horay u gala ,una taga hooya Faaduma oo ku jirto qolka u shisheeya guriga”.

Khadiijo,labadeedi ciyaal iyo Maryan horay ayey u galeen guriga, waxayna u tageen hooyo Faaadumo oo soo jeedo werdina aqrisanayso, hooya Faadumana marki ay aragtay dadka u soo galay in ay yihiin awlaadeedi si fiican ayey u soo dhaweysay, keddibna waxaa Khadiijo bartay Maryan oo ay horay u qabtay sheekadeeda iyo in aynan waxba ka duwanayn awlaada wiilkeeda. adeer Axmed iyo shufeerkina alaabti ayey soo dejiyeen waxayna soo geliyeen guriga , guriga wuxuu ka koobnaa shan qol, musqul iyo banaan u dhexeeyo iska soo horjeedka qolalka u dhexeeyo, waxaana ku noolaa adeer Axmed iyo hooyo Fadumo oo iyaga ah G/le Cusmaan hooyadiis iyo Aabihiis, waxaana wehliyay gabar yar oo da’deeda tahay toban jir oo ay dhashay adeer Axmed walaashiis, gurigana maalmahaa u joogtay in ay kaalmeyso hooya Faadumo, lana joogto inti laga furayo dugsiyada oo xirnaa waqtigaa.waayo waxaa maalmo ka hor gabartoodi Sahra ku xirootay dugsiga tababarka milatariga ee Xalane keddib marki ay dhameysatay waxbarashada dugsiga sare, wiilki ku soo xigay Cusmaana wuxuu ku maqnaa qurbaha , midki isaga kuu sii xigayna wuxuu lahaa xaas wuxuuna degganaa degmada Xamarjajab.

Marki ay alaabti ku xireeyeen guriga, adeer Axmed waxuu iska fasaxay odaygi darwalka ahaa wuxuuna u soo jeestay xaaska wiilkiisa ,ciyaalkeedi iyo Maryan oo la sheekaysanayo hooyo Faadumo wuxuuna ku yiri, “Ilmahaygi hadda waad daalantihiin waxaana sheekadiina ka bogan doonaa kolki aad nasataan ,daalkana idinka baxo ee Khadiijo orad Maryan seexi qolka Sahro ,adiga iyo ilmahaadana waxaad seexataan qolka Maxamuud qurbaha ka aaday,dayaxna ka guursaday”.Khaddiijo: “waayahay adeer, waan seexanaynaa inti daalka innaga deynayo”.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN