Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q49AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

 

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q49AAD

Dooddii waxaa ka haray oo isaga tegey Afdahab, waxuuna isku dhaafay Qodax iyo hooyadii.Hooyo Khadro oo warkeeda sii wadato ayaa tiri: Igaarkeey, xeey tahay jileecaan, waxaan kugu ogaa inaa tahay geesi Libaax ahe?

Waxaan la hadlaa Aabbo waxuuna kuu soo diraa Wixii aad u baahan tahay, laakiin waan soo naqaa ha i maqashiin.

Qodax: fiqfiq fiqfiq, Hooyo, Waxaan rabaa inaan runta caddeeyo, dembiga aan leeyahayna qirto, Waa kaas Saaxiibkeey Caddiinle adduunka ka tegey, Saaxiibkeey kalena meeshii loola cararay ku waashay.

Hooyo Khadro: Hooyo, innagaa kuu imaaheyno ee bal sabar intaas.Haye hooyo, ii soo dhaqsada hee, ayuu ku wargooyay Qodax.

Qodax iyo hooyadii waxeey ku ballameen in si degdega loogu tago si loo baajiyo imaashihiisa.

Cantaar waxeey saaxiibo aan kala harin ahaayeen Caddiinle iyo Qodax, waxeey ahaayeen waxa la yiraa isku ruux, reer walbaa kolka ay wiilkooda waayaan waxeey ka dayi jireen xaafadaha labada kale.

Cantaar, waxuu ka soo jeeday reer xaalkoodu yahay ”Qutulyoon la dirir” balse waxaa isaga mar walbaa caawin jiray asaxaabtiisa ay balwadaha kala geddisan mideeyeen, kuwaas oo ka soo jeeday laba reer Burjuwaasi ah ayna u wehliso tubo meel u suran oo lismeeyso. Kolkii Qodax loo dhoofiyay Masar ayaa Cantaarna loo dhoofiyay Dalka Talyaaniga ,kolkuu tegeyna waxuu ku xirtay dhallinyaro Mukhaadaraadka isticmaasha, kolkuu tan ka culus isticmaalayna, waa isku dardarsamay, waxuuna ku sugan yahay magaalo ka mida dalka Talyaaniga isagoo aan saxarada ceshan karin, waxna kala ogeyn.

Maalintu Waa Sabti, Saacaddu waa 01:30 Daqiiqo Subaxnimo, Maxaad Cali, waxuu ka soo baxay mininkiisa, kolkuu soo cantuugay dhawr xabbo oo Canjeero lagu qasay Subag sixina iyo shaah, waxuuna jac ku soo yiri Waddada hor marta mininkooda ,kolkuu laba jiiro galayna waxuu la kulmay Bas taagan Tabbeelaha baska aada Beledka. Xoogaa muggoow hee saarnaana waa ka degey haddana mid kale ayuu meel u istaagay, mugoow raacay intaanu wax badan socon ayuu ka degey, waxuuna abbaaray Wasaaraddii lagu ballamiyay inuu iska xaadiriyo.

Maxaad Kolkuu tegey Wasaaradda MB, waxaa markiiba loo gudbiyay Wasiirka, kolkuu la kulmay oo uu xoogaa wareystayna waxuu u yeeray Agaasimaha waaxda Shaqaalaha, waxuuna amray in Maxaad Cali oo ku meeleeyo Waaxda Maaliyadda, weliba loo magacaabo Khasnaji ku xigeenka Wasaaradda.

Maxaad Cali, Muggaan xaalkiisu waa baraanbir, waa ka yimid Wakaaladdii uu ku cabursanaa oo weliba isagoo muddo badan ka shaqeyhaayay lagu maagay. Maxaad Cali Hadda ayaase laga rabaa inuu kartidiisa iyo daacadnimadiisa muujiyo. Muggaan waxuu heystaa garab adag ”Inkastoow nin geesi yahay, oow geed adeyg yahay, haddaan garabka laga qaban, guri oodi maaye”

Agaasimaha waaxda shaqaalaha, waxuu la qumay Maxaad Cali Waxuuna soo marmarsiiyay Qaybaha wasaaradda si uu u kala baro Shaqaalaha Wasaaradda, ugu dambeyntiina waxuu keenay, Xafiiskii loo soo diray Madaxiisa waa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta, kolkeey is barteen warbixintiisana la siiyay ayuu ku yiri: Maanta iska noqo, berri subax si toosa u soo shaqa gal, waxaan kuu diyaariheynaa Xafiiskii iyo meeshii aad fadhiisan laheyd, waxaadna is baraneysan Madaxa Khasnadda oo hadda Bangiga ku maqan. Sidaas ayayna isku soo macasalaameeyeen isaga, Agaasimaha Maamulka iyo kan shaqaalahaba.

Maxaad kolkuu ka soo tegey Xafiiskii Maamulka waxaa isku haray Labada agaasime, waxaana dhex maray hadaladaan:

Agaasimaha Maamulka: Mudane, Maxuu ahaa ninkaan uu wasiirka kuu soo dhiibay? Aawayse warqaddii lagu soo meeleeyay?

Agaasimaha Shaqaalaha: Mudane, Ninkaan waa shaqaale hore oo ka tirsanaa WB, Hadda ayaa innagana naloo soo wareejiyay, Warqadiisana hadda ayaa la diyaarihaa waana laguu keenaa isla maanta.

Agaasimaha Maamulka: Ok, waa gartay, Kolleey codkiisa ayaan qiyaasi karaa ee waa qolama?

Agaasimaha Shaqaalaha: Mudane, taas nagala her, kolleey waa u jeeddaa waa uun Soomaali, waana nin odaya oo xilkasnimo ka muuqato e.

Agaasimaha Maamulka: Waa tahay, kolleey anaa ogaahaayo.

Waxaaan uun kaa sugaa warqaddiisa, waxaana kala ballamaa Madaxa Khasnadda inuu u diyaarsho meeshuu fadhiisan lahaa.

Sidaas ayay ku kala tageen labadii agaasime ee wasaaradda MB.

Garyaqaan Cosoboow, isagoo fadhiyo  Xafiiskiisa ayuu tel ku wacay Maamma Dahabo, waxuuna u sheegay in Maxkamaddii Wiilasha ay tahay Maalinta Talaadada berri dambe, Saacaddu ay tahay Saddex saac subaxnimo.

La soqo qaybaha kale

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN