Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q6AAD W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q6AAD

Habeenki axadda soo geleysay Bashiir ciddi uguma imaad buundadi Via Ugandha,ku dhawaad toddobadi ayuu ku gaaray asagoo yaaban oo niyada isleh (Soo daahistu maqnaanshaha ayay dhaantaa) wuxuu isku samir siinaayay inuu sugo, laakiin goor dambe ayuu ku talamay inuu gurigeeda ka raadiyo iyo inuu Dugsiga Bareyfatka ka raadiyo haddiiba ay aaday, ugu dambeyn wuxuu aaday Bareyfatki asagoo raba inuu isku aadiyo wakhtiga ay ka soo baxdo oo ah 8 habeennimo, laakiin wuu ka waayay ardadi soo baxday, markaa ayay Bashiir taladu ka walaacday, wuxuu kala garan waayay intuu guriga Habboon aado ayadoo wakhti dambe ah iyo inuu habeen dambe isku beego inti aanay Habboon guriga ka soo bixin.

Bashiir asagoo niyad jabsan ayuu gurigiisi tegay wuxuuna la soo baxay xusuus qorkiisi, markuu akhriyay kaddib ayuu ku qoray January 16.1982 maalinta sabtida habeen Axad soo geleyso kulanki 17aad oo ay Habboon baaqatay, kaddib ayuu dib ugu laabtay maalinti ay billaabatay Habboon iyo dooda la kulanka Xaliima oo aheyd habeenki xigay habeenki sanadka cusub, doodaasna ay soctay labadi usbuuc ee ku xigtay, waxaa halkaa uga soo baxday inay Xaliima ku lug leedahay maqnaanshahaan haddii aanay jirin cudurdaar kale.

Galabti ku xigtay 5:45 pm ayuu Bashiir yimid guriga Habboon, markuu soo galay, waxaa si diiran u soo dhaweeyay Hooyo Faaduma iyo Saciida yareey oo aad ugu faraxday aragtida Bashiir si kal iyo laab ahna ugu soo booday, Habboon oo markaa qolkeeda ku jirtay ayaa markay maqashay codka Bashiir intay ka soo baxday qolka ayada oon Bashiir salaamin albaabka guriga ka baxday, Hooyo Faaduma ayaa ku tiri “Habboon xagee u sii socotaa?” Waxay u raacisay “soow ma aragtid Bashiir inuu noo yimid?” Habboon oo sii baxaysa ayaa tiri “hooyo dhakhso ayaan soo laabanaa” wayna baxday, Bashiir oo yaaban, wuxuu yeelana garan la’ ayay hooyo Faaduma ku tiri “Habboon Dugsi Bareyfat ah ay dhigan jirtay ayay iska daysay, xataa waxaan iri lacagta bishan waan bixinee, iska dhammeyso bisha, laakiin way diiday inay dhammeysato” Bashiir waa gartay xaaladda jirta iyo halka duntu ka miliqsan tahay.

Bashiir marki looga tegay hooyo Faaduma iyo gabadheedi yareyd, fursadna ay hooyo Faaduma u heshay inay afkiisa wax ka baarto ayay ku tiri “Bashiir eeddo macaanoow reerkaaga waa ladan yihiin, adigana wiil fiican ayaa tahaye, maxaad u guursan weyday?” Wuxuu ku yiri “Eeddo waa runtaa, laakiin inaan horta jaamicadda dhammeeyo ayaan rabaa” hooyo Faaduma waxay tiri “Waa sax middaas mana xuma, laakiin gabar yar oo reerkooda ku hoos jirta, ayaa la sii alkuntaa sida Sucaad, Barni iyo teyda Habboon oo kale, si aad wax u sii barato intaad jaamicadda ka dhameyneyso” Bashiir hadalki ayaa ku dhegay, markeey islaantu soo tirisay gabdhihi yaryaraa ee xaafadda deganaa ayna ku soo dartay gabadheeda Habboon, wuxuu hadalkaa u fahmay (Gabadheyda waan kuu ogolahay, xurnimana waa kuu siinaa, laakiin ila socodsii oo aan kugu ogaado, haddaad wanaag ka dooneyso) laakiin Bashiir waxay ahaataba, hadda wax gacan ugu jiraa malaha, xataa hadduu ku dhiiran lahaa inuu islaanta ku yiraahdo (Habboon ayaan rabaa inay xaaskeeyga noqoto).

Wuxuu hooyo Faaduma iskaga difaacay “Arrintaa kuma fekerin, waana arrin fiican” Hooyo Faaduma ayaa ku tiri “islaamaha xaafadda degan oo dhan, waxay jecel yihiin inaad xaafada dhaafin oo dhoocilaha xaafadda aad mid ka arkooto, taana waxay kuu saamaxeysaa in lagugu aamino oo aad filimada u kaxeyso, sidi aad yeeshay habeenki aad hiilka u noqotay Haboon iyo Saciida”.Bashiir oo ku fekeraaya yaa mar islaanta kaa qabta, ayaa waxaa soo gashay islaan deriska ah, markaa ayuu intuu istaagtay isaga baxay guriga, Habboon oo jirtay guriga ka soo horjeeda gurigooda oo eegaysay intuu Bashiir ka soo boxo, ayaa gurigeeda albaabkiisa istaagtay ayadoo sii fiirineysa Bashiir oo waddada sii socda.

Habeenkaas Bashiir wuxuu fadhiistay Baar Balambaalis oo ku yaallay dhabarka dambe ee garoonka Teniska oo habeenkaas lagu ciyaaraayay Houseka maadaama aanay jirin ciyaar Tenis ah, ciyaarta Houseka waa ciyaar la iibsado tigidho ay ku qoran yihiin 15 namber oo ah seddex qeybood oo kala ah shan Aqalka ah, shan Aqalka dhexe ah iyo shan Aqalka hoose ah oo aqal markuu kuu buuxsamo aad qeylineyso, markuu Houseku kuu buuxsamana aad (House) leedahay, maarkaana aad ku guuleysaneyso abaal marinta.

Bashiir markuu baarki ka casheeyay ayuu galay garoonki ay ka socotay ciyaarta Houseka oo uu nambarada yeerinaayo ninka loogu jecel yahay oo la yiraa Cabdalla, waayoo nambar walba oo ka mid ah 90ka nambar, wuxuu u leeyahay magac lagu garto sidda (lucky seven Cabdiladiif, waa nambarka toddobaad, four and four the golden gates, waa afartan iyo afar iyo nine and ziro Shaarlot, waa nambarka sagaashanaad iwm), Cabdiladiif wuxuu no.7 u sitay kooxda horseed, wuxuuna u dhaliyay gool ay horyaalka ku qaadeen oo uu ka dhaliyay kooxda waxool, haddaanu goolkaa dhalin laheyna waxay Kooxda Horseed final la cayaari laheyd kooxda LLPP Jeenyo, Shaarloot (AUN) wuxuu ahaa oday caan ah, nomber 10aad waxaa lahaa Maxamed Xaaji Uureey-Jeenyo, 9-Kilar Horseed, 33-flying birds, shimbiraha duula, 77-Godeey, dagaalki godey, nombarka 15na Cabdalla wuxuu dhihi jiray (my age) habeenkaas wuxuu bashiir la yaabay in aqalki lagu jebiyay 18-right hand, Caalacasha midig, waayo kulankiisi 18aad ee uu la kulansanaa Habboon ayaa caawa suurageli waayay.

Bashiir si fiican uma seexan habeenkaas, waxaa hor imaanaayay sawirki Habboon oo gurigooda ka sii baxaysa markuu soo galay iyo imtixaanki ka qabsaday hooyadeed, kaas oo cabsi geliyay ku laabashada guriga asaga oo aan haynin jawaabta ay Habboon hooyadeed ka sugeyso inta ixtiraamka loo haayo, haddii kale wuxuu ka baqaa in loo arko tuug muraad kale ka leh gabadhooda.

Wuxuu ku fekeray inuu berito subax aado Dugsiga Sare ee Raage Ugaas oo ay Habboon dhigato si uu laba kalmadood ugu yiraahdo inta aanay Dugsiga gelin.Bashiir wuxuu subaxnimadi ku kalahay Dugsiga Sare Raage Ugaas, wuxuuna isha ku haayay dhanka uu islahaa Habboon way ka imaaneysaa, laakiin markeey Dugsiga galeen Ardayda inti ugu badneyd oo uu Bashiir yaaban yahay isna leeyahay (Maxaa qabsaday Habboon?) Ayay soo muuqatay ayadoo la socoto arday kale, markay aragtay Bashiir oo taagan dugsigooda hortiisa ayay ku leexatay, wuxuu ku yiri “inaan wada hadalno ayaan rabay, si aan wax uga ogaado waxa helay xiriirkeeni” Habboon ayaa ku tiri “Haddaad rabto inaan wada hadalno gurigeena iigu imoow” waxay u raacisay “Maaha inaad Dugsiga hortiisa igula hadasho” Bashiir ayaa ku dooday “Soowtaad xalay iiga baxday guriga markaan soo galayba” Habboon ayaa hadalki uga jartay “xaafaddaan wax ka doontay, markaan soo laabtayna waxaan imid adigoo iska baxay” waxay hadalki Habboon ku soo xirtay “Habeen walba waan joogaa guriga haddaad rabto iigu imoow caawa, haddana Dugsigaan gelaa ee waa noo siddaa”.

Bashiir oo u haysta inuu xalay ku khaldamay soo bixidi uu soo baxay, laakiin dareensan inuu dhib jiro, kaas oo keenay in Dugsigi Bareyfatka ahaa looga baxo, ayaa meeshi isaga tegay asagoo raba inuu caawa aado guriga Haboon si uu u soo ogaado isbedelka waxa keenay, kaasoo aanu ogeyn halkuu raad ku leeyahay.

Habeenki kulanka 20aad ee Bashiir iyo Haboon wuxuu ka dhacay qolka Habboon oo u diyaargaroowday inay caawa qaabisho, Bashiir ayaa ku yiri “Habboon maxaa iska kaa bedelay oo aad uga baxday Dugsiga Bareyfatka ahaa?”

 Waxay tiri “Waxba iskama kay bedelin, laakiin waxaan nacay Bareyfatka oon iska dhaafay aadidiisa” Bashiir ayaa yiri “Wax kale majiraan oo aad iskaga deysay?”

Habboon ayaa tiri “wax kale oo maxay ah!”

Bashiir ayaa yiri “Waxaan mooday inuu jiro dhib kale oo aad uga baxday Dugsiga habeenki aan ku sheekeysan jirnay”

Haboon ayaa tiri “Dugsigaas waxbarashadeydi kale ayuu iga mashquuliyay, qofki raba inuu ila sheekeystana halkan ayuu igula sheekeysan karaa” Bashiir oo garowsan inuu arrinku dalab leeyahay, balse aan ogeyn halkuu dalab ka leeyahay ayaa yiri “haddeey siddaa tahay, habeenada aan kuu imaanaayo waa inay kala fog yihiin, wallow ay hubanti noqoneyso inaan xiriir leenahay” Habboon ayaa tiri “hal habeen ayaan bannaanka ku kulmi karnaa, habeenkaasna waa habeenka jimcaha soo gelaayo oo aan shaneemo kuu raaci karo” hadalkaas Bashiir wuxuu ka fahmay inay Habboon rabto inay Xaliima kulmaan habeenkaas, ayna ka dhigeyso midka uu kula kulmi karo meel guriga ka baxsan.

Qofka waxa ugu horreeya ee uu barto ayuu inta badan raadiyaa, Bashiir wuxuu indha furay gabar sheeko dhexmartay oo aan ciddi ogaan xiriirkooda iyo inay kala tageen iyo sababta ay kula tageen, wuxuu cuqdad ka qabaa in la ogaado sheekadiisa, marka way ku adagtahay inuu dhaqankiisa bedelo, hadduu beddelaayana ma rabo inuu u bedelo Xaliima daraadeed, laakiin haddeey tahay mid ay Habboon lafteeda go’aansatay ayna run ka sheegeyso isbedelka ku dhacay is aragooda wuxuu Bashiir isleeyahay wax dhib ah malaha, balse waxaa shaki geliyay habeenka jimcaha firaaqada ku aadan, inkastoo ay caadi tahay in habeenkaas ay dadku ugu firaaqa badan yihiin, Bashiir wuxuu go’aansaday inuu baaro sababta dhabta ah.

Habeenki khamiista ayuu tegay guriga Habboon, inkasta uu joogin wax badan oo markuu reerka salaamay kaddib uu yiri “Waan sii baxaa” Markaana Habboon oo islaheyd wuxuu soo gelaa qolkaaga ay ku tiri “waabad sii carareysaaye, caawa meel miyaad ka daahsan tahay?” Bashiir intuu albaabka la istaagay ayuu yiri “meelna kama daahsani, laakiin isleeyahay yaan lagu fahmin inaad Habboon kaliya u timaado oo intaad qolkeeda ku xarooto habeen walba goor dambe haka bixin” wuxuu u raaciyay “inta badan waxaan isku dayaa inaan raadgato” Habboon ayaa tiri “habeen dambe waxaan kuugu imaanaa Buundada dusheeda” Bashiir ayaa yiri “ma imaan karo habeen dambe, sababtoo ah waxaan ballan leenahay wiilal saaxibadeey ah” Haboon ayaa ku tiri “waayahaye goormee ii imaanee?” Wuxuu yiri “habeenka axadda ama isniinta midood” Habboon oo isbedel ka dareentay hadalada Bashiir ayaa tiri “habeen go’an oo aad ii imaaneyso ma ogid miyaa?” Bashiir ayaa ugu jawaabay “habeeno go’an waa laheyn, laakiin waxa badelay oo Dugsigi kaa saaray ayaan garan la’ahay” waxay tiri “waxaan ka baqay in sheekadaas leygu fahmo, siddaa daraadeed ayaan iskaga dhaafay” Bashiir ayaa intuu qoslay ayuu yiri “Ma nacday Dugsiga Bareyfitka ah mise waa ka baqday inaad ku kashifanto?” Habboon oo garatay laba codleynta ayaa tiri “Waa isku mid labadaba oo waxaan nacay inaan ku kashifmo”.

Waxaa Bashiir u soo baxday inuu jiro qorshe ka dhan ah oo ay wado Xaliima, wuxuu talo ku gaaray inuu ka sugo afka Habboon.

W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

 

SHEEKOOYIN