Shidaalka Soomaaliya: Ma belayaa laga dhaxli doonaa mise Barwaaqo?Q1AAD W/Q: Hassan Mudane

Shidaalka Soomaaliya: Ma belayaa laga dhaxli doonaa mise Barwaaqo?Q1AAD

 

“Abeesadu waxa ay cuntaa ciida, laakiinse caqli badnaan iyo taxadar inta ay ka qabto, way u habeen seexataa si aysan oga dhammaan.”

Murti Soomaaliyeed

Horudhac

Maxay tahay casharada ay Soomaaliya ka baran karto musiibadii ku dhacday waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta shidaalka? Maxay tahay sababta loo doonayo soo saarista shidaalka Soomaaliya? Yaa ka faa’ideysan doona? Waa saddexda su’aal oon doonayo in aan ku dhex falanqeeyo maqaalkan.

Qeybta koowaad: Waxaan ku bilaabi doonaa taariikhda Soomaaliya oo kooban kaddibna waxaan si kooban u eegi doonaa belaaya laga filan karo haddii dhaqaalaha dalka uu noqdo mid ku tiirsan kaliya dhoofinta kheyraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka.

Qeybta labaad: Waxaa ku xigi doona sida looga baxsan karo dabinka ay dhigto isku haleynta ama ku tiirsanaanta dhoofinta shidaalka.

Qeybta saddexaad: Waxaan si kooban u eegi doonaa casharada laga baran karo haddii dalkeena macaadintiisa  ceyriinka ahi ama shidaalkiisa la soo saaro.

Qeybta afaraad: Waxaan dulmar ku sameyn doonaa qasaaraha iyo faa’iidada laga filan karo soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Qeybta shanaad: Waxaan saadaalin doonaa oo odorosi doonaa, kuwa ka faa’ideysan kara soo saarista shidaalka  iyo macaadiinta  Soomaaliya.

Qeybta lixaad: Ugu dambeyntiina, waxaan soo jeedin doonaa tallooyin ku saabsan sida looga hortagi karo musiibada ka imaan karta soo saarista shidaalka Soomaaliya.Taariikhda Soomaaliya oo kooban

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada dhaca dhanka bari ee qaaradda Afrika. Waxa ay xoriyadeeda heshay sanadkii 1960. Intii u dhaxeysay 1969 ilaa 1990, waxaa soo maray maamul militari oo uu hoggaaminaayey Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Wixii ka dambeeyey sanadkii 1991 ilaa 2006, dalka waxaa ka jiray  ciyaar siyaasaddeed ku dhisan qabiil oo ay dhex maraysay hoggaamiyo kooxeedyo kala duwan. Sanadkii 2006, ciyaar siyaasaddeedkii Soomaaliya waxa ay gashay marxalad kala guur ah. Halgan siyaasaddeedkii ku dhisnaa qabiilka waxa ay isku beddashay mid ku dhisan diin.

Wixii ka dambeeyey sanadkaas, ciyaar siyaasaddeedkii Soomaaliya waxaa ku soo biiray koox diimeedyo kala duwan, mid walbana li’di ku ah dowladii timaada. Sanadkii 2012, waxaa dalka ka dhacay doorasho madaxtinimo oo ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiiq Shariif Shiiq Axmed iyo Xasan Shiiq Maxamuud. Afar sano kadib, waxaa dhacday doorasho labaad oo ay xilka ku kala wareegeen Madaxweynii hore Xasan Shiiq Maxamuud iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Si kastaba, taariikhdaas dheer ee aan soo koobay, Soomaaliya waxa ay aheyd dal aan marnaba khayraadkiisa la taaban oo aan dibadda loo soo saarin. Bal aynu dib u yara milicsano taariikhda sahanka shidaalka Soomaaliya, oo ah mid soo billowday xilligii gumeysiga. Xilligii gumeystaha uu joogay dhulka Soomaalida ayaa waxaa jiray dhul-baarayaal Talyaani iyo Maraykan ah, waxa ay summadeeyeyn astaamaha shidaalka. (HIPS, 2014). Wixii ka dambeeyey kontomeeyadii, shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo Maraykanka ayaa ahaa kuwii billaabay in ay baaritaan ku sameeyaan shidaalka Soomaaliya. Shirkadda Eni (oo markii hore loo yiqiin Agip) iyo shirkadda Sinclai ayay ahaayeen kuwii baaritaanka ku sameeyey dhulka Soomaalida. Waxaa xigay baaritaano kale, oo ay sameeyeyn shirkaddaha kala ah: ConocoPhillips, Shell, Amoco, Total iyo Texaco. Markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya, 1991. Waxaa joogsaday howlihii sahminta shidaalka Soomaaliya. (HIPS, 2014).

Haddaba, shidaalka ku kaydsan Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 110 bilyan oo fuusto, sidoo kalena xeebaha Soomaaliya waxaa dhex yaala shidaal badan oo aan weli la qiyaasin inta uu la’eg yahay. Taasi Soomaalida waxa ay marna u noqon kartaa filasho wanaagsan marna musiibo. Hadba waxa ay ku xiran tahay sida loo maamuli doono hantida ka soo xaroota khayraadkaas. Shan iyo labaatan sano kaddib, dagaalkii sokeeye ee Soomaaaliya, waxaa dib u soo noolaatay hankii ay Soomaaliya ku doonaysay in ay ka mid noqoto waddamada dhoofiya shidaalka. Balse, su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, ma la joogaa xilligii ay Soomaaliya soo saaran laheyd shidaalkeeda?

 

La soco qeybta labaad…

WQ: Hassan Mudane
Jaamacadda Istanbul Ticaret University.
Barashada Afrika iyo Xiriirka Caalamiga.
Homar.ahmed@istanbulticaret.edu.tr
Istanbul/Turkey

SHEEKOOYIN