Shirib Garnaqsi ah. W/C: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

  quotescover-JPG-55Waa shiri Garnaqsi ah oo dhex maraya laashin: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”  iyo madaxa alshabaab, oo ah hoggaamiyaha guud ee Axmed Aw Cabdi Godane. Doodda waxaa igu dhaliyay qarax lagu hoobtay oo ka dhacay xeebta Liido, ee magaalada Muqdisho, qaruxu wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca xeebta Liido, lagu na gummaaday shacab aan wax ba galabsan siyaasad na aan shuqul ku lahayn. Qaraxa waxaa ku geeriyooday dad aad u tira badan, waxaa se uur ku taallo iyo ciil igu reebay shan ruux oo hal qoys ka wada dhintay, shantaas ruux waxaa ku jiray gabar uur leh oo xaamilo ah. Waxay ka koobnaayeen, Seddax gabdhood, oo midi uur leedahay iyo wiil la dhashay, muruga taa ka wayni ma jirto, sidaa aawgeed, waxaan go’aansaday inaan suugaanta ku muujiyo dareenkayga gaar ahaan, SHIRIBKA. Sidaas ayuu na ku yimid shiribka garnaqsiga ah. Doodda waxaa billaabaya aniga waxaa na iiga jawaabaya Hoggaamiye Axmed Godane. Waxay na u dhacday sidaan ee ka bogasho wacan:

Shiribmaal:

  • Gurya shacab haddaad gashiin
  • Gebi ahaan maxuu gubtiin?

Godane:

  • Gaala kujirta gees walboo
  • Guullihi uumayeey gebeen.

Shiribmaal:

  • Gaala miyaa qof guulleheey
  • Gacan u taagta goorya fiid?

Godane:

  • Garab qofkaan nasiin garaad
  • Waa gaalo godna waa gelee.

Shiribmaal:

  • Gablan ahaa i garab joog
  • Haddii kalana waa galbee?

Godane:

  • Gafuurra duub waxay garbee
  • Haddaad garayso waa geddaas,

Shiribmaal:

  • Gabannadaan is goowracaa
  • Intaad kusoo gardaadisiin?

Godane:

  • Waxaan kusoo gardaadinnaa
  • Gooba qarsoonya god ka hoos.

Shiribmaal:

  • Gogosha dowlo maad gashee
  • Garrantu gef miyaaad gelee?

Godane:

  • Nimaan gerkiisu goof ahayn
  • Gogol kula gar qaada maa.

Shiribmaal:

  • Maad gugi tobanaad gasheen
  • Guulnaadan gaarin xaad gashiin?

Godane:

  • Guryaha nabaddooy goglaan
  • Inaan la gam’inaan galnaa.

Shiribmaal:

  • Gar qaadee shacabkuu galliin
  • Gole barwaaqo aan galnee?

Godane:

  • Inaan galiimo waa gardhaa
  • Ganuunkiyaanse haan galayn.

Shiribmaal:

  • Goodkiina shaqo yaa gadaan
  • Gadaalse yaad usii gashiin?

Godane:

  • Gadaal Amxaaradaan galnaa
  • Goodkana Carabtaa gadaan.

Shiribmaal:

  • Gumaadkaad Liido gaysateen
  • Gef waayee ma garaawsateen?

Godane:

  • Guutooyin qaasahaa galoo
  • Gummaadki Liido waa ba guul.

Shiribmaal:

  • Seddaxdi Garasood hal goof
  • Ka goysay guul miyaad dhadiin? (Ilma Khayrre)

Godane:

  • Seddaxdii Garasoon hal goof
  • Ka goynay waa ba guul Ilaah.

Shiribmaal:

  • Haddii gummaad naqaayo guul
  • Ganuunya dhiilu wees gefeen!

Godane:

  • Gole shacab haddaan galnaan
  • Garteeda xaaja goy naqaan.

Shiribmaal:

  • Gef iyo gablan gaysatee
  • Geerida yaa ku gaar maraa?

Godane;

  • Guullaan ka tuugay geerideey
  • Iyo gefkayga heesu gayn.

Shiribmaal:

  • Gar-gaar qof raba gowraciis
  • Yaan layga goyn miyaad gudbee?

Godane:

  • Garay xirtee ninkaan gabyoow
  • I gaar mar waa ba i gashee.

Shiribmaal:

  • God Naara iyo geeri uun
  • Garwaaqso in laguu gelbaa.

Godane;

  • Godkaan gelaayo aan galee
  • I gaar mar aan dadkaan gubee.

  W/C: Xasan Cabdulle Calasoow ” Shiribmaal”

SHEEKOOYIN