Shiribka iyo Suugaanta Caalamiga ah (Interview with Prof. Ali jimale Ahmed)

Waxaa hubantiya in bulshada Soomaalidu tahay Afmaal, sida badan adeegsata Afka marka loo fiirsho qoraalka.Middaas waxeey haddana ku tusee in aa nahay bulsho leh dhaqan iyo Suugaan mug weyn oo soo jireen ah.

Suugaanta Soomaalidu aad ayay u laamo badan tahay, waxeeyna u baahan tahay in dedaal  iyo ammin la geliyo, si ay u noqoto mid la jaan qaadda midda suugaanta carra edeg.
Markaad u  fiirsato  dadka Soomaaliyeed waxaa ku dhacay dhibaatooyin culus oo intooda badani yihiin  Obolos iyo aafooyin gudaha uun ka yimid. Dhibaatooyin aan innagu isu keenay. Dhibaatooyin  wax badan galaafatay, sida:”  Dad, hanti, han iyo hidde, dhaqan iyo wax kastoo soomaaliyi laheydba”. hubaal Suugaantuna waxeey ka mid tahay waxyaabahaas dhibku  habsaday, inkastoo haddana aan ogahay ineey jiraan dad isku xilqaamay ineey waxuun ka samatabixiyaan daadadkaas rogmanayay ee wax kastaa jirida u saarey.
 
Shiribku, waxuu ka mid yahay laamahaa faraha badan ee Suugaanta Soomaalida. Aniga qof ahaan aad ayaan u xiiseeyaa Shiribka, maxaa yeelay  waa suugaan miid ah oo aad u macaan marka ay isu raacaan Jiibta, Jaanta iyo orka oo ay isla helaan koox Barbaara oo isla yaqaan Hab dhaciisa iyo weliba mugga lagu laro Guuroow Shirib lagu afjaraayo.
Waxaan hubaa in in badan oo naga mida inaaney ogeyn Shiribka miligiisa iyo mugga ballaaran uu  leeyahay, weliba Kaalinta uu ka geli karo Suugaanta Adduunka kuwooda ugu culus.
 
Maalmo aad u dhaw ayaan nasiib u helay inaan akhriyo  wargeys ka soo baxa dalka Gaana [Ghana], Kaas oo la yiraa
” The Mamba” Journal of Africa Haiku Network.”
(Suugaanta Gaana aad ayaan u xiiseeyaa intii ka dambeysay marki aan ku tegay booqasho dalkaas iyo hay’adihiisa waxbarasho, sida jaamacadaha ku yaalla caasimadda Accra.) 
Nasiib wanaag waxaan cadadkaan ama xirmadaan Mamba Journal kula kulmay Wareysi qiima badan oo lala yeeshay Aqoonyahanka ah caanka  ee Soomaaliyeed, kaas oo ah mid aad looga yaqaan Maxfallada suugaanta, afka dhaqanka Ummadaha kala duwan Waa buuni Prof.Cali Jimcaale Axmed. Wareysiga oo ku saabsanaa Gabayada Caalamiga ah ee Prof. Jimcaale iyo Waxa uu uga hadlo Gabayadiisa iyo aragtidiisa guud ee Suugaanta. Si gaara waxaa diirada lagu saaray Gabay ku jira Buuggiisa Gabayada ee caanka ah ee la yiraa “Fear is a Cow” oo  la yiraa  “Haiku-ish”, iyo guud ahaanba suugaanta la yiraa “Haiku” oo ka mid ah tiirarka suugaanta ka jirta dalka Japan.
Runtii waxaa aad ii cajabiyay sida quruxda badan ee uu Prof.Jimcaale isu barbardhigay Suugaanta “Haiku iyo Shiribka”, iyo sida quruxda badan ee uu u sharxay Shiribka iyo taariikhdiisa.  Meeshaas waxaan ka gartay in Shiribku la barbardhigi karo Suugaamaha Caalamiga ah sida aan hadda ku arkeyno Wareysiga Professorka.
Ma rabo in aan madaxxanuun iyo tororog idinku wareersho, waxaan halkaan idiinkugu soo lifaaqay Lingiga Journaalka  The Mamba, Wareysiga Prof. waxaad ka heleysiin bogga 86aad iyo 94aad. Inta xiisaha iyo xamaasadda u heysa Suugaanta soomaalida ku soo dhawaada.
 
 
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

SHEEKOOYIN