Sida Loo Qoro Maqaal W/Q: Shaakir M. Cabdullaahi.

 

 

12650885_1263865920296419_1516179485426728996_n

 

 

 

 

 

 

Sida Loo Qoro Maqaal

 

Maxaad Wax Ka Qoreysaa?

Ugu horreyn, mowduuca guud ood damacsantahay in aad wax ka qorto ayay tahay in aad si fiican u fahamsantahay ama aad ogmo (macluumaad) kugu filan ka haysato. Xusuusnow mowduuc aadan fahamsanayn amaadan ka heysan xog macquul ah, way adagtahay sida aad wax uga qorto; haddii ay dhacdo in aad wax ka qortana, waxay u badantahay in qoraalkaagu tayada ka arradnaan doono. Waxaa kala duwan ‘mowduuc’ iyo ‘ciwaan.’ Tusaale: ‘maxaa sababa khilaafka soo laalaabta ee MW iyo RW?’ haddii uu yahay ciwaanka maqaalkaagu, mowduuca aad wax ka qoreyso waa ‘siyaasad.’ Qoraa Soomaaliyeed baa geerida Abwaan Gaariye (AUN) kaddib qoray maqaal uu ugu wanqalay ‘Gaariyana ma naga tagay?’ kolkaa mowduuca uu wax ka qoray waa ‘taariikh nololeed.’ Tusaalooyinkan waxan u soo qaatay in la fahmo ‘mowduuca’ waxa uu yahay marka aan leennahay qofku ha fahamsanaado, wax badannna haka yaqaanno mowduuca uu wax ka qorayo. Haddii aadan aqoon badan u lahayn mowduuca aad rabto in aad wax ka qorto, mowduuca laftiisa wax badan kasoo akhri; maqaallo horay looga qoray ama buugaag ayaad kasoo akhrin kartaa.

Maqaal kasta, ka fudud iyo ka murugsanba (complicated) wuxuu ka koobnaanayaa saddex xubin oo kala ah:

  1. Hordhac

Hordhacu waa albaabka laga galayo maqaalka. Waa qeybta sawir guud ka bixisa waxa uu ku saabsanyahay maqaalku. Hordhacu wuxuu akhristaha u sheegayaa waxa maqaalku uu ka hadli doono. Waxaa muhiim ah in hordhacu ay ku jirto weer tilmaan fiican ka bixineysa ujeeddada maqaalka; weerta noocaas ah waa in ay caddahay oo si toos ahna u sheegto ujeeddada maqaalka. Waxaa wanaagsan in hordhacu ka billowdo jumlad akhristaha ku soo jillaabta qoraalka. Jumladda noocaas ah waxa ay noqon kartaa weer ama su’aal la yaab leh, sheeko kooban oo xiiso leh am oraah uu yiri qof aan caan ahayn.

 

  1. Baaxad (boday)

Baaxaddu waxay si faahfaahsan tilmaan uga bixisaa ujeeddada maqaalka. Qeybaha baaxaddu waxay sharraxaad ka bixinayaan fikradaha maqaalka si balballaaran. Halkan, qoraagu waa in uu fikradihiisa daliil ku taageeraa, tusaale ahaan in uu adeegsado xog tirooyin ka kooban. Weerba ta ka dambeysa waa in ay si cad oo faahfaahin dheeri ah leh u falanqayso iyadoo mar walba maanka lagu hayo dulucda guud ee maqaalka. Tani macanheedu waxa weeye, in weeraha iyo xogaha is wata ay u adeegaan xoojinta doodda uu rabo qoraagu in uu soo gudbiyo.

  1. Gunaanad

Sida ereyga gunaanadba ka muuqata, xubintani waa halka lagu soo af-meerayo maqaalka. Qoraagu wuxuu dib u sheegayaa ujeeddada maqaalka isagoo isticmaalaya ereyo iyo weero ka duwan kuwii uu xagga sare ku adeegsaday. Halkan marka la joogo, waa in akhristaha laga raarido in fikradda guud ee maqaalku gudbinayay si wacan loo soo bandhigay iyadoo dood kasta daliil iyo caddeymo lagu taageeray. Intaa waxa dheer, waa in si fiican looga fahmi karo qeybtani in maqaalka uu qoraagu soo gabagabeeyay oo aysan dhicin in hadalku uu go’o iyada oo uu akhristuhu wali sii hanqaltaagayo sidii in qoraalku dhammaan oo kale.

 

 

Maqaalkaaga u Wanqal

Waxaa iyadana muhiim ah in loo fiirsado xulashada ciwaanka maqaalka. Ciwaanku (magaca maqaalka) waa oraahda koowaad ee akhristaha dareenkiisa saameyn ama soo jiidasho ku yeelan karta. Waa oraahda jecleysiin karta ama necbeysiin karta maqaalka. Saa daraaddeed ayay tahay in ciwaanka loo xusho ereyo xallad leh. Hababka soo jiidashada leh ee ciwaan loo sameeyo waxaa ka mid ah in qaab su’aaleed la adeegsado. Tusaale ahaan bal u fiirso ciwaannadan: ‘Maxaan u liicnay?,’ ‘Afsoomaaliga yaa matala?.’ Qaabka weydiinta akhristaha ayuu faduul ku dhalinayaa ilaa uu is yiraahdo bal warcelinta su’aashan garo waxa ay tahay. Waxaa kaloo la adeegsan karaa hab KA YAABSI ah oo heerka faduulinta aad u sarreeyo. Tusaale: ‘Farriin ku socota Nebi Muxamed-NNKH,’ ‘Shan hab oo dhimashada looga hortago,’ ‘Iska kay illow,’ ‘Sababta aan u guursan waayay’ IWM. Haddaad doonto mararka qaar u adeegso ciwaanka ereyo kalaasik Afsoomaali takhti ah oy adagtahay in qof kasta garto, si akhristaha dareenkiisa aad usoo jiiddo. Ha halmaamin in aad fasirto ereyadaas iyo in aad maqaalka kaga dhabeyso ciwaankii xiisaha lahaa ood u xambaarisay.

ISKA JIR

Ku dadaal in aad adeegsato Afsoomaali sax ah. Afsoomaali qumman in aad adeegsato waxaa ka mid ah ereyada labanlaabma in aad shiddo. Afsoomaaliga waxaa shedma xarfaha: M,N,L,G,R,D iyo B. Haddii erey in la shido ay ahayd aad shidi weyso ama ku aan shed lahayn shiddo waxaa dhacaya in macnihii uu dhalanrogmo. U fiirso tusaalooyinkan- ereyo: Carab (dad/isir); carrab (xubin); caro (xanaaq); carro (ciid/cammuud). Ka fakar adigoo raba in aad qorto ‘carrabka ayaa nabar kaga soo baxay’ haddaad u qorto ‘carabka ayaa nabar kaga soo baxay.’ Bal haddana dhugo tusaalooyinkan kale- jumlado: (innagu) garabkaagaan taagannahay; (anigu) garabkaagaan taaganahay. Waxaad kaloo ku dadaashaa in aad adeegsato astaamaha qoraalka (punctuation marks) si weeraha ayan isugu dhex yaacin. Astaamaha qoraalka waxaa ka mid ah joogsiga (.) oo loo isticmaalo marka ay weer dhamaato, hakadka (,) oo loo adeegsado kala xiridda laba weer iyo calaama su’aalka (?) oo laga daba mariyo jumlad ay weydiini ku jirto. Ka hadalka astaamaha qoraalka wuxuu u baahayahay maqaal kale oo si gaar ah u qaadaadhiga.

WAXBA HA QORIN!

Ka fakar inta aadan wax qorin ka hor in aad wax qori karto. ‘Karto’ marka aan leeyahay waxa waaye, aad leedahay kartidii iyo aqoontii wax qorista. Qof kasta ayaa wax qori kara. Waxaanse ka hadleynaa qoraal nuxur leh oo raacsan hababka qoraalka ee leysla wada yaqaan. Si aad u qorto wax tayo leh, ugu horreyn wax badan akhri. Mar walba ood wax badan akhriso kartidaada iyo farsamadaada wax qoris wey kobceysaa. Sida aynan beerta waxba uga soo bixi karin iyadoon wax lagu beerin ayuu qofkuna wax fiican u qori karin hadduusan ‘wax badan’ akhriyin. U fiirso waxaan iri ‘wax badan.’ Taa macnaheedu waxa weeye ‘wax yar’ kolka aad akhrido adna wax yar uun baad qori kari doontaa. Ogow hadba weyninka iyo badnaanta dadaalka aad geliso qoraalkaaga ayuu isna la qiimo yahay. Qoraalkii waqti badan la geliyay tayo badan ayuu yeelnayaa hubaashii.

W/Q Shaakir M. Cabdullaahi.

SHEEKOOYIN