Sidaan Uga Bixi Karnaa Dhibaatada Dhaqaale?

11737126_966724440047021_671912404_n

Sidaan Uga Bixi Karnaa Dhibaatada Dhaqaale?

———————————————————–

 

Si mashaqada dhaqaale iyo midda lacageed, ee ka aloosan dalka dacalladiisa kala gaddisan loo qabbiro, waxaa qasab ku ah dawladda dhexe iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira, in ey ka shaqeeyaan hannaan ey guntiga ugu dhuujinayaan dhaqaalaha kooban, ee ka soo gala gudaha dalka.images-1

Tillaabooyinka in la qaado aan marnaba la huri doonin, waxaa ka mid ah;

1- In la dhimo qarashka ku baxa siyaasiyiinta, heer qaran ilaa heer gobal.

2- In shaqada laga dareeriyo shaqaalaha laga maarmi karo.

3- In canshuurro adag la saaro shirkadaha iyo qof kasta, oo shaqeeya, ama iskiis u ganacsada.

4- In soohdin loo dhigo qiimaha lacagta qaranka iyo sarifkeeda.

5- In bangiyada shisheeye xeer adag lala galo, si suuqa iyo waqda ganacsigu u xasilaan, fadhiidka dhaqaalana looga baxo.

6- In hay’adaha iyo laamaha dawladda qaar ka mid ah la is ku daro.

7- Adeegga bulshada loo qabto, in ilaa iyo xad la dhimo qarashka ku baxa, si guud iyo si gaaraba. images

Hawlahaas oo dhan waa wadiiqooyinka ey ku taliyeen culimada dhaqaalaha, balse, inagu sidaas baddalkeeda ayaan u shaqaynaa.

Shaqaale cusub, xildhibaanno gobaleed cusub, wasiirro dawladeed ciiddaas ka badan, maareeyeyaal, kormeerayaal, agaasimayaal iyo boqol magac, oo aan la aqoon adeegga ey bulshada u hayaan.

Wixii yaraa, ee aan ka soo dawarsannay dunida, waan maaraysan la’ nahay, waxaan u dhaqmaynaa sida dawlad hodan ah, oo qof kasta shaqo iyo mushaar siin karta.

Qorshe dhaqaale, oo yool iyo ridda dheer xambaarsan ma qabno. Taasi waxay nagu kallifi doontaa, in aan waligeen gacan hoorsanno asaaggeen iyo nacabka umadda, maahsanaanteennuna ey sii daba dheeraato, is kuna halleynno dhididka iyo dhecaanka quruun kale.Unknown

 

W/D: Cabdicasiis Maxamed Shidane

SHEEKOOYIN