Sidee u-fekeraa(Maamiya)? Qore: Barkhad Cabduqaadir Awcali

 

11947469_531554340333114_2597997539836599875_n

 

 

 

 

 

Sidee u-fekeraa(Maamiya)?

Eebbe weyne (kor ahaaye) waxa uu abuuray jaadad kala duwan oo noole ah, mid kastana waxa uu siiyay tilmaamo u-gaar ah oo kuwa kale ay kaga duwan yihiin.

Aadamigu waa jaadka uu eebe kitaabkiisa (Qur’aanka ah) ku-tilmaamay inuu haqabtirey oo karaameeyay isaga oo siiyay garaad iyo Maan uu wax ku kala sooco.

Sidaanu wada ognahayba Maanku waa xubinta ugu hillanka culus ee aadamiga ku taal, waa xubinta aan same-adeegsigeeda nolosheena ku-horumarino, xume-adeegsigeedana aan nolosheena dib ugu ridno, waxaa la-yiraahdaa waa xubinta adeegsata tamarta u-badan ee jirkeena.

Garaadku ama Maanku waa xubinta qabata shaqada u-badan ee jirkeena, ogow oo waa xubinta inoo ogolaatay eebbaheena iyo awoodiisa eebbenimo in aan ku-barano, waana majiijiyaha iyo maroojiyaha xiska kala gura aragtiyaha maankeena kusoo dhaca.Fekerku(Maaminta iyo Odorosku) fal ahaan waxa uu la xiriir arrin lafa gurid iyo baraandeg hawleed dhab ah oo dhammeystiran.

Eebe (kor ahaaye) garaadka uma uusan siin aadamiga sidii xoolihii inay tubaha isku-fuulaan, oo ay isu boobaan sida ay ukala itaal roon yihiin, ee waxa uu u-siiyay inay ilaahnimadiisa ku-ogaadaan, una adeegsadaan kala-barashada dawga iyo daw darada( xaqa iyo baadilka), samaha iyo xumaha, Garsoorka iyo Eexda, guusha iyo guul-darrada, dabadeedna ay u-kaashadaan hawlaha iyo hannaanka kale ee noloshooda.

Waxaa maan-gal ah kolkii aad ama aragtid ama maqashid qof leh ama laga sheegayo side u-fekeraa in aad la yaabto.In-kastoo dadku ay dad isla-yihiin, tilmaanta maaminta iyo maamuurinta “fekerkana” ay wadaagaan, haddana waxaa kala jira dar higsigooda aragtiyeed ku gaara guul iyo kuwa ku guuldareysta.Haddaba haddii dooneyso inaad wax ka-bedesho qaab-fekerkaaga waxaa lagama maarmaan ah inaad waqti geliso taabba-gelinta lixdan tusmood;

  • .Inaad raadiso bar-bilow fiican si-aad u-bilowdo hawsha fekerka.

Shaqada fekerka waxaa lagu billaabi karaa adiga oo aragtiyo silloon ka raadiya buugaagta, wargeysiyada ganacsiga, ama Hawraaha iyo hadal soo jeedinta bareyaasha jaamacadaha.

  • .Ammin ku-bixinta hal-fekerlayaasha.

Si-aad u-noqotid hal-fekerle waxaa muhim ah inaad goor badan la-qaadato dadka fekerka saaxiibka u ah, dabadeedna aad ka-qaadatid hannaanka ay u-fekeraan.

  • .Inaad ku-fekerto aragtiyaha wanaagsan

Fekerku waa anshax suuban, marka si-aad usoo saartid aragtiyo cuddoon waxaa kula gudboon kolka hore ammin kufilan inaad u-qaadato.

  • .Ku-dhaqanka aragtiyaha wacan

Waxaa muhim ah aragti walboo suuban markii ay soo baxdo inaad dhakhso u howl-gashid ku-dhaqankeeda.

  • .Inaad ogolaato dareemadaada si-aad u sameyso aragtiyo kaloo suuban.

Dadku ma sugi karaan inay fekeraan, illaa ay dareemaan aragtida lafteeda.

  • Kusoo celcelinta habka.

Si-joogto ah si-aad u-farsameyso aragtiyaha, waxaa lagama maarmaan ah in badan habka fekerka inaad kusoo celceliso.

Kolka kasta oo aad feker sameyneyso oo aad ka-fekereysid xal u-raadinta mushkiladaha isku-dhafka ah waxaa muhim ah inaadan xalkooda ka raadin hal-wadiiqo, oo mararka qaar waa inaad qaabishaa qaybo kamid ah fahamka dadka kale.        Balse intaadan dadka kale ku-waafaqin fahamkooda waxaa muhim ah inaad kolka hore ka fekerto adigu oo aad is-weydiiso weydiimo u-dhacaya qaabkan oo kale;

Aragtidee kasii fiican qaabkan……..                                                                                            

Waxaa iyana lagama maarmaan ah mar walba kala duwanaanshiyaha inaad mudnaanta siiso, adiga oo la-kulmaya xeeldheerayaasha daneysa kala duwanaanshiyaha aragtiyaha. Fekerkaaguna ha ahaado mid tixgelinaya guusha iyo guul-darrida aad ka dhaxli kartid hawshaada, marnabana haka-cabsan maan-aragaaga inaad kobciso.Waxaa jirta oraah oraneysa;

“Haddii aad dooneysid inaad fekerto waxaa loo fekeraa sida guuleystayaasha

Macnaha ugu milgaha culus ee ay oraahdu inoo tilmaameyso ayaa ah, in guuleystayaashu ay yihiin dadka ugu fekerka fiican.Haddaba waxaa muhim ah inaan in door ah ka ogaano sida ay u-fekeraan dadka guuleysta.John C. Maxwel  waxa uu muddo 40-sano ah lafa-gurayey guuleystayaasha iyo siday u-fekeraan, waxa uuna yiri qaab-fekerka iyo xirfadihiisu waa 11  kuwaasoo kala ah;

Inaad aragtid xikmadda ku-jirta ka-fekerka wax weyn.

  1. Dareen gelinta tayada fekerka diiradda aad saarayso.
  2. Daah-furidda farxadda kujirta hal-fekerka.
  3. Xaqiijinta faa’iidada ka-dameysa ogaanshiyaha aragti aanan saxnaanteeda la hubin.
  4. Siideynta awoodda istaraatiijiyadeed ee fekerka.
  5. Dareemidda tamarta maan-galnimo ee fekerka.
  6. Ku-raaxaysiga casharada kujira rogaal-celiska fekerka.
  7. Is-weydiinta qaabbilidda qaab-fekeradda loogu jecel yahay.
  8. Dhiirigelinta aragtiyaha fekerka ka qayb qaatay.
  9. Aqoon/xirfad u-yeelashada raaxada keli-fekerka.
  10. Ku-raaxaysiga agaasimka dib u-noqosho ee sagxadda u-hooseysa fekerka.

Dadka sida fiican u-fekeraa si-joogto ah ayey nolosha wax uga bartaan, si-dareen leh ayey wax u-dhageystaan, si-ballaaran ayey wax u-eegaan, si-dhammeystiranna way u-noolaadaan.Ka dib marka ay wax badan nolosha ka-ogaadaan, waxay awood u-helaan inay isku-xiraan aragtiyo jalleecmada hore dadka kale ula muuqda kuwo aanan xiriir lahayn.Meel-dheer wax ka-aragu waxa uu suura geliyaa qofkiisa ama urukiisu inay gaaraan deegaammo ayan dadka kale itaal ulahayn gaariddeeda(Indheergarad)

Haddaba awooddaada fikir si ay u-kobocdo waxaa lagama maarmaan ah;

  • inaadan aad uga fekerin waxyaabaha aanan macquulka ahayn.
  • Inaad isku-deydo u-fekeridda qaab ka-weyn sida caadiga ee aad u fekeri jirtay.
  • Inaad dhiirigelin ka-raadiso guuleystayaasha waaweyn.
  • Awooddaada fikir koboceeda inaad ka-eegto meelo kala duwan, oo aad u-eegto marxalado kala duwan.

Waxan fili nala aragtay sooyaalka fikir ee dadka sida weyn u-fekeraa siduu u-dhantaalan yahay, haddaba siday tahay iyo sidii kaloo san ee aad filaysidba raac si-aad feker mire-dhal fiican u-sameyso.

 

Qore: Barkhad Cabduqaadir Awcali

barkhadawcali@gmail.com

 

SHEEKOOYIN