Sidee ula dhaqantaa kirishboyga? WQ: Hassan Mudane

Sidee ula dhaqantaa kirishboyga?

Waxaan dhowr jeer isweydiiyey waxa sababay khilaafka mar waliba dhex mara kirishbooyada ka shaqeeya baabuurta dadweynaha iyo dadka gaariga saaran? Waxaan rabaa in aan kuu soo gudbiyo tusaale ku saabsan sida ay dadka qaar uga fal-celiyaan la dhaqanka kirishbooyada. Waxaan ka shaqeyn jiray meel ka fog gurigayga, waxaan subax walba u raaci jiray mid ka mid ah baabuurta dadweynaha ee loo yaqaan caasi ama hoomeey. Inta badan waxaan la kulmi jiray khilaaf u dhaxeeya kirishbooyada iyo dadka gaariga saaran. Dhowr jeer ayaan ka qeyb qaatay xallinta khilaafaadkooda illaa markii dambe aan isku shuqliyey in aan wax ka ogaado sababta ka dambeeysa isku dhacyadaas.

Waxaan xusuustaa maalin, in aan soo raacay gaari uu kirishboy ka ahaa wiil qalbigiisu ka buuxay kibir iyo islaweyni. Ka hor inta aan la gaarin meeshii aan kaga dagi lahaa ayuu i weydiiyey lacagtii bas raaca. Waxaan u taagey toddoba kun, wuu tirsaday, kadibna inta uu isoo eegay ayuu igu dhahay soo dhammeystir lacagta! Waxaan dareemaayey kibirka iyo isla weynidiisa, durbadiiba waxaan go’aansaday in aan u qiro waxa uu iga dalbanayo taas oo ah, ‘I baro waxaan ahay libaax’ Isla markiiba waxaan bilaabay in aan u dhoolacaddeeyo kaddibna waxaan ku dhahay walaal ma haysto lacag aan ku dhammeystiro. Inta uu shib iga dhahay ayuu iga jeestay, jawaabtiisii waxay noqotay mid suuban! Ma uusan ila dagaallamin, mana uusan ii gafin. Xilligaasi waan haystay lacag igu filan, balse waxaan doonay in aan tijaabiyo sida uu uga fal-celin doono haddii aan siiyo tixgelinta ku dhisan erayada sixirka ee saameeya qalbiyada bini’aadamka?

Markii aan gaariga ka sii dagaayey ayaan weydiiyey su’aal aheyd: Ka warran haddii aan ku dhihi lahaa waryaa qaado lacagtaas haddii kale iska soo celi, maxaad sameyn laheyd? Intuu qoslay ayuu igu dhahay, xoog ayaan kaaga qaadan lahaa. Xoog aa! Halkaas waxaa iiga soo baxday, haddii bini’aadamka uu kaa helo waxa uu kaa doonayo taas oo ah tixgelin, xushmad iyo erayo suuban, waxaa la hubaa in aad kasban doonto qalbiyadooda kana nabad gali doonto shartooda.

Daraasaddii aan sameeyey waxaa iiga soo baxday labo arrimood:

  1. Kirishboyga oo dadka gaariga soo raaca ka waayey tixgelin iyo erayo wanaagsan toona, taasina waxay keentay in uu dadkaba u arkey in ay cadow ku yihiiin danahiisa iyo sharafkisa.
  2. Maadaamo uu ka waayey wixii uu ka mudnaa taas oo la oran karo tixgelin ku dhisan erayo suuban sida walaal, aboowe, guddoomiye, saaxiib. Asagana wuxuu isku arkaa in uu yahay qof weerar lagu yahay sharafkiisan iyo dantiisa.

Sikastaba, isku day in aad ku dhaqanto xikmadii Abraham Lincon (Madaxweynihii hore ee dalka maraykanka) wuxuu yiri “Dhibic malab ah waxaa lagu ugaarsan karaa duqsi ama tixsi ka badan kii lagu ugaarsan lahaa fuusto dacar ah.” Sii waxa ay dadku kaa doonayaan oo ah tixgelin, xushmad iyo in aad dhowrto sharafkiisa. Haddii aad sidaas fasho waxaa la arkaa in aad si fudud ku adoonsan doonto qalbiyadooda.

WQ: Hassan Mudane

Qoraaga buugga Sirta Guusha

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

 

SHEEKOOYIN