Sidii la ahaa sidan ayaa ka dambeysay!

Ramla

Sidii la ahaa sidan ayaa ka dambeysay!

 

Markii aad maqasho “Soomaaliya”, waxaa kugu soo dhacayo waxyaabo badan, oo noocyo kala duwan leh. Muddo dhowr iyo laabatan sano ah, waxa ey dhexdabaalaneysay mashaqooyin kala daran, oo aan ku saleysneyn diin, bani Aadannimo iyo dhaqan.

Gumeysiga ka dib, Soomaaliya, waxey soo martay xaalado kala geddisan. Soomaalidii hore, waxey ahaayeen dad ey ku weyntahay nabadda iyo midnimada, hal mowqif ayey wada lahaayeen, waxeyna u noolaayeen si wadajir ah, ayagoo ku tiirsan dhul beereedkooda, xoolahooda iyo wixii ey ku soo maalaan xooggooda. Soomaalidu waa, dad isku diin, af, iyo dhaqanba ah, manhajka waxbarashada ee xilligaas jiray, wuxuu ku baxayay af-Soomaali.

Burbur aad u xoog badan ayaa dhacay, kaas oo daaqadda ka saaray dowladnimadii, sharcigii iyo kala dambeyntii, waxaana la bililiqeystay xafiisyadii dowladda. Intaas kuma ekaanninee, dagaallo sokeeye ayaa billowday, waxaana ku dhintay dad tira badan, kumannaan kale wey dhaawacmeen, dhawaacaas oo jir iyo maskaxba leh. Waxaa barakacay Soomaali badan, dad is dhalay iyo kuwo isla dhashay ayaa is waayay.

Marka laga soo tago saameynta ey waxyaabahaas ku yeesheen nolosha dadka iyo dhismayaashii dalka ka jiray, waxa ey sidoo kale saameeyeen diinta, afka iyo dhaqanka.

Waxaa soo baxay kuwo sheeganaayo wadaad, oo diintii ku jimeeyay fekerkooda, sidoo kale, ururro wata magacyo diimeed, isla markaana dhiigga shacabka banneystay. Nasiib darro, weli waa kuwo dhacaayo, ayagoo leh wejiyo kala duwan.

Ma sahlana, in Soomaalida ey noqoto sidii hore, ayadoo ey u sabab tahay dhibaatooyinkii dhacay, oo ah kuwo aan laga faalloon karin. Soomaali badan ayaa u carartay dibadda, si ey ugu noolaadaan, ka sakow nimcooyinka daadsan dhulkeenna, webiyada iyo badaha waaweyn ee aan leenahay, waxaa nalagu yaqiinnay, oo aan ummadaha kale uga duwaneyn, in aan nahay dad isku diin, af iyo dhaqan ah, maanta arrintan waa sii gabaabsi.

Diintii waxaa loo qaatay si qaldan, wixii ey mamnuucday ayaa la banneystay, waxaana bulshada Soomaaliyeed ku dhex jira, Soomaali diinta ka baxday, oo Kirishtan noqotay ama madhabka Shiicada qaadatay, oo aan Soomaali aqoon.

Dhaqankii waa mid sii dhimanaayo, afkiina ma heysto, cid erey bixin ku sameysa, dad badan oo aan aqoon af-Soomaaliga ayaa jira, ma ahan ku hadalkiisa oo keliya, ee qoraalkina waa lamid.

Wixii dhacay ka dib, ma habboona ku fekerka, in Soomaali eysan kala qeybsaneyn. Waxaa jira dad badan oo iska indha tira, kala duwanaanshaha inaga dhex jira, dabcan ma ahan mid xal keeneysa, oo soo afjareysa dhibkan dheeraaday, waa in xalka loo raadiyaa, sida maanta ey tahay Soomaalida. Waa in qof walba loo tixgeliyaa, waxa uu aaminsanyahay, waa in la iska illoobaa, in diinta lagu mideysanyahay!

Diintu ma ahan sheegasho oo kaliya, waxey u baahnatahay ku dhaqan iyo in ficil la raaciyo, marka laga soo tago kuwo caddeystay gaalnimadooda, ee Soomaalida ka mid ah, waxaa jira kumannaan aan ku dhaqmin diinta, oon kala soocin wixii ay diintu banneysay iyo wixii ey diidday.

Si kale haddaan u dhaho, waxa halkan ina dhigay, waa ku dhaqan la’aanta diinta, musiibo iyo mucjiso ka weyn ma jirto, in markii arrin lagu kala duwanaado, uu mid aan wadaad eheyn soo noqdo wadaad, asagoo soo daliilsanaayo xadiis ama aayad qur’aan ah, oo uu si kale u leexiyay.

Haddii Soomaalidu eysan noqon karin, sidii ey ahaan jireen, oo ey ku midoobi karin diintooda, waa in sida hadda ey tahay isu maamushaa, isu tixgelisaa aaminaadda kala duwan, ee la kala heysto, ma ahan in ey isku horseeddo kuwo hor leh, oo ey isku daaliso wax goor hore lagu kala baxay.

Soomaalida wax badan kagama duwana, dadka caalamka ku nool, ku filan intii kala gaartay, u tashta aayahiinna idinkoon isku xadgudbeyn.

 

WQ: Ramla Gobdoon.

SHEEKOOYIN