Siduu noqon doona Muqaalka dhaqaalaha geeska Afrika 2020 iyo 2030?

Siduu noqon doona Muqaalka dhaqaalaha geeska Afrika 2020 iyo 2030?

Qaaradda Afrika, adduunyada inteeda kale waxey u ahayd, qaaraddii faqriga, nolol xumada, musuq-maasuqa, jahliga iyo sicir bararka.

Intey Afrika ahayd tusaalaha halaagga iyo liitaha, Qaaraddaha kale iyo adduunyadu waxey ahaayeen kuwo tusaale u ah Maamul wanaagga, kala dambeynta, hormarka dhaqaalaha, iyo is xulufeysiga dhanka kobcinta Ganacsiga.

Suuq yadii waaweyna ee adduunyada oo wax soo saar ku buux dhaafiyey, dowladdihii lagu tartamijiray dhaqaalahooda iyo dadkooda oo iyaguna tartanka kusoo biiray, farsamada casriga ah oo wax kasta fududeysay. dadka ka faallooda arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha, kobboca dowladdaha iyo qaaraddaha, waxey leeyihiin waxaa la jooga waqtigii Afrika.

Inkasta oo ay weli jiraan wax yaabihii Afrika raggaadiyey ee adduunyada ka reebay, ha ugu horreeyaan, musuq-maasuqa iyo maamul xumada, waxaan la iska indha tiri Karin iney jiraan calaamado inna tusin kara in qaaraddu noqon doonto meel lagu soo hirto 10-ka sano ee soo socota.

Wadamada qaaradda Afrika ku abtirsada sida wadamada kale ee adduunyada, ayey leeyihiin urur goboleedyo iyo gole yaal ay ku mideysan yihiin kuwaas oo u jaan gooya masiirka iyo xeer hosaad yada wadamada iyagoo isku raacaya had ba intii isku dan ah ee wax uun wadaaga.

Isbadalka Dowladdeed, dhaqaale iyo ganacsi ee qaaradda Afrika ka hana qaaday, 10-kii sano ee ugu dambeyey waxaa laga dheehan karaa meelo badan oo qaaraadda ka mida, waxaan se soo qaadan doonnaa isbadalladii ay sameyeen, wadamada la isku yiraahdo Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa ku bohoobay urur gobolleed ka la yiraahdo EAC (East African Community).

Ururrada qaaraadda ka jira gaar ahaan kuwa ganacsiga iyo dhaqaalaha ka shaqeyeeya waxaa ka mida urur gobolleed ka la yiraahdo EAC (East African Community) oo ay ku middeysan yihiin wadamada kala ah;- Kenya, Tanzania, Uganda, Burundi iyo Rwanda, dhawaanna waxaa la filaya inney kusoo biirto koon furta Suudan. EAC waxaa la aas aasay 1967-dii isagoo bur buray 1977-dii, laakin waxaa mar kale dib loo un kay 7-dii juulaay, 2000, kadib wada hadal iyo dhex-dhexaadin loo furay wadamadii ku mideysnaa.

Wadamada ku middeysan urur kaan badan kood, waxey wadagaan taariikh siyaasaddeed oo isku mid ah sida in la gummeystay, xorriyaddii kadibna ay xukun millateri gacanta u galleen, kaas oo usii dhiibay kaligii taliyaal illaa hadda xukunka ku dhagan. Dhammaan wadamadani waxey xorriyaddii heleen xilliyadii 1960 kii, waxaana ugu horreyey Tanzania, Uganda, Burundi oo 1961-dii qaatay iyo Rwanda oo1962 dii heshay iyo Kenya oo iyaduna 1963-kii qaadatay.

Marka laga tago in wadamadaan xornimadoodu iska ag dhaweed amaba isku waqti ahayd, haddana badi waxey galeen dagaal sokeeye iyo xukun millatarii oo talladii dalka xoog kula wareeggay, kaliya Tanzania iyo Kenya ayaa ka bad baaday xaalladdaas.

Uganda, 10 sano xornimadii kadib, waxaa xukunka boobay oo af-gambi dalka ku qabsaday Millaterigii, uu hoggaaminaayey Daada Aamin, kaas oo dalka kusoo rogay nidaamkii qarameynta hantida gaar ka loo leeyahay, taas oo ula jeeday in dalka laga cayriyo dadkii eeshiyaanka ahaa ee dalka horay u joogay dhaqaalaha ugu xoogga badan ee dalkana gacanta ku hayey, isagoo ugu yeeray iney 90 maal mood guddahood dalka uga baxaan.

Arrintii millatarigu dalka kusoo roogay ee qarameynta waxey keentay in Ajinabigii ugu badnaa dalka isaga cararaan, lana tagaan wixii ay awooddeen farsamo iyo maal intaba, taasi waxey keentay in bur-burkii dhaqaale ee ugu xumaa abid dalka ku yimaado, iyagoo wixii dhaqaala ah, ay heysteen millatariga iyo cidda ku teed san.

Uganda, 8-sano oo Idi Aamin xukumayey waxaa dib u qabsaday madaxweynihii la afgamiyey ee hore, isagana waxaa sii af gambiyey sargaal kale oo muddo 6-billood ah xukumayey dalka, kadib waxaa xukunka dalkaas la wareegay madaxweynaha hadda xilka haya ilaa mudoo ku dhaw 30-sano, Yoweri Museveni.

Burundi Madaxweynihii ugu horreeyey ee si sharci ah loo doorto ayaa isagoo seddex bilood xilka haya la dilay, waxaana ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya labada qowmiyadood ee ugu waaweyn dalka Huutuga iyo Tuutsiga. Burundi, waxaa harreeyey dagaal sokeeye, ilaa iyo markii ay xornimada qaadatay wuxuuna dalku ka gudbi waayey dagaal sokeeye oo u dheexeya qowmiyadaha. Dagaalladaas iyo is qab qabsiga labaddaas qowmiyadood wuxuu Burundi dhaxal siyey in dalku noqdo, wadanka 5-aad ee dunida ugu faqrisan, uguna nolosha liita.

Rwanda waa wadanka ugu yar urur gobolleed kaan, waa dalkii uu ka dhacay xasuuqii ugu darnaa abid, ee waqti yar si fudud loogu dhammaado 1994, xasuuqaas oo ay ku naf waayeen ku dhawaad hal malyan qof wax ka yar 90 maal mood, una dhexeyey isla labada qowmiyadood ee isku heysta Burundi, ee tuutsiga iyo huutuuga. Rwanda dad keedu waxey u badan yihiin reer miyi beeraley ah, oo dad ka magaalooyinka ku nooli waa tirada ugu yar, guud ahaan dad ka daga dalkaas. Waxyaabaha ugu badan ee beeralaydu soo saaraan waa Bunka iyo calleenta shaaxa, oo ay dibadda u dhoofiyaan. Gummeystihii waxyaabihi dalkaas uu uga tagay waxaa ka mida ahaa inuu sifiican u hormariyey dhul beereed ka, wuxuuna u dhisay, Warshado badan oo diyaariya wax soo saarka beeraha iyo hab kii dibadda ay ugu dhoofin lahaayeen, dad ku wax soo saarkooda. Muddo badan ayuuna gummeystuhu dibadda u dhoofin jiray bunka iyo calleenta shaaxa ee dalkaas laga soo saaro, markii dalkii xornimada qaatayna, waxyaabo badan oo ay ka midyihiin nidaamkii suuq geeynta, warshadahii, bacrimiintii beeraha iyo mirihii laga beeri jiray bunka iyo calleenta, wuu aga tagay dalka, laakin markii bur-burki iyo qab qabsigii lagu hallaagsamay ee 1994-tii dhacay, waxaas oo dhan meesha waa ay ka bexeen, beerihii iyo warshadihii waxey noqdeen wax la boobay iyo wax lagubay. Dadkii farsamada beerashada iyo nidaam ka dhoofinta gummeysataha kala haray, waxey noqdeen kuwo qaxay iyo wax la dilay.

Dowladda hadda ka jirta Rwanda, waxey dadaal keeda ugu badan galisay sidii ay udhiira galin leheed una soo nooleyn lehayd, wax soo saarkii beeraha, maadaama, dalku uu san laheyn bad iyo dakad midna, culayska ugu badana uu ka heysto wax dhoofinta iyo wax la soo dagidda, dowladdu waxey xiirir fiican la sameysatay wadamada dariska ah ee ku jira urur gobolleed kaan.

 

Tanzaniya iyo Kenya waa labadaba waddan ee ka badbaaday xornimadii kadib xukun kii millatariga iyo dagaalladii soo keeye ee hareeyey badi waddamada Afrika iyo waddamada ay daris wadaagga yihiin. Tanzaniya, Madaxweynihii kowaad ee dalka xukunkiisa qabtay xornimadii dabeed, wuxuu ku dhawaaqay iney qaateen Nimdaamka Hanti-wadaagga oo ay ugu Magac dareen UJAMAA (Socialism), taasi waxey keentay in shirkaddihii iyo warshadahii shacabka dowladdu la wareegto, wixii shaqo ahna dowladda keliya loo doonto, waxaana meesha ka baxay in uu jiro ganacsi iyo illo dhaqaale oo dowladda ka madax bannaan. Ugu dambeyn Tanzaniya nidaamkii UJAMA wuxu dhaxal siiyey in wadanka oo ku dhawaad 50 sano xor ah, siyaasaddiisa iyo Aamankiisuna daggan yihiin, hadana uusan hormar sameyn dalka dhaqaalihiisu. Markii Madaxweynihii labaad xukunka la wareegay wuxuu meesha ka saaray nidaamkii UJAMAA ee hanti-waadagga, wuxuuna ku badalay nidamka kali lahaan shaha iyo ganacsiga xorta ah. Wuxuu dad ka ku dhiira galiyey in hadda wixii ka dambeeya uu san jirin ganacsi ay dowladdu la wareegeyso, marka laga reebo, mashaaric waaweyn iyo shirkaddo ay dowaladdu iyadu leedahay sida shacabkuba u yeelan karaan. Markaas ayey dad kii reer Tanzaniya naftu kusoo noqotay ay na billaabatay in dad ku iskood u shaqeystaan, ayna soo baxeen shirkaddo iyo ganacsato waaweyn oo dalka ka hanaqaaday. Tanzaniya hadda waxey qeyb ka tahay dalal ka Afrikaanka ah ee hormarka degdegga ah ku socdo. Kaddib 2009 kii, waxaa Mashaariic hormarineed oo badan ka fuliyey shiinaha. Shiinuhu wuxuu dakadda iyo Caasimadda Dara-salam ee Tanzaniya uu doortay, in wadmada aan dakadda laheyn ee Geeska Afrika ay kala soo dagaan alaabaha ay shiinaha kasoo iibsadaan, wuxuuna ballan qaaday inuu toos isugu xiro Beijin Caasimadda shiinaha iyo Darasalam.

Kenya markasta ganacsiga iyo dowladdu way kala madax bannaanayeeen, mar walbana waxaa dalka ka jiray ganacsiga xorta ah. Wadamada geeska Afrika ciladda ugu badan ee ganacsigoodu la hana qaadi la’ayahay waxaa ugu weyn labo cilladdood, waddamada qaar oo ay ka maqan yihiin kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha, kenyana way ka bad baaday cilladdaas oo madaxweyna yaashii isaga dambeyey midkastaa wuxuu ku dadaali jiray siduu u hor marin lahaa dhismaha iyo kaaba yaasha dhaqaalaha. Cillada labaad ee la heysata waddamada Afrika waxey tahay iyagoon bad lahayn (Landlocked), taasna way ka bad baaday oo keenya waxey leedahay takadda labaad ee ugu mashquulka badan Geeska Afrika, marka laga tago, tan Tanzaniya.

sawirka koowaad

sawirka labaad

 

Sswirka saddexaad

Billowgii sanad kii 2013 ayey heshiis wada gareen Kenya, Rwanda iyo Uganda kaas oo dhigayey in ay ay seddexda dowladdood ee xubinta ka ah urur kaan wada dhistaan waddo tareen oo casri ah oo isku mari doonta Mombasa, Nairobi, Kampala, Kigali iyo Juba oo koonfurta suudaan ah, in kastoo aysan xubin buuxda weli ka noqon urur gobolleed kan, dowladda dhawaan xornimada qaadatay, ee koon furta suudaan, haddana Baanka hormarinta Afrika iyo dowladda shiinaha oo bixinaya ugu badnaan dhaqaalaha ku baxaya wadadaan, ayaa shuruudaha ka fududeyey. Wadadaan tareenku waxey sahleysa in dowladdaha isticmaala Dakadda Mombaasa ee Kenya u sahlanaato xamuul ka ay kala soo dagaan Dakadda.

sawirka koowaad Sagaal sawir

Wax yar kadib markii laga heshiiyey dhismaha wadada tareenka, markale Uganda, Kenya iyo Rwanda waxey isla gaareen heshiis kale oo ku saabsan salliidda iyo gaaska, Uganda waxaa laga soo saari doona, salliid,ugu dambeyn diyaar noqon doonta 2020. Uganda Marka ay soo saarto salliidda oo ceeriin ah waxey u baahantahay iney nadiifiso, kadibna dibadda u suuqgeyso iyaduna isticmaasho. Si ay Uganda salliideeda u nadiifiso waxey ubaahantahay Warshaddii salliida nadiifin lahayd iyo Dakaddii ay ka dhoofin lahayd, labadaas ba Uganda ma malahan, laakin waxey diyaar ku yihiin Kenya, sidaas darteed waxaa loo baahday in salliidii oo ceerin Kenya la keeno marka hore si ay u sifeyso.

Waxaa lagu heshiiyey in tubbooyinkii salliidda qaadi lahaa la billaabo dhismahooda kuwaas oo kasoo bixi doona Kampala ilaa ELDORED oo Kenya, halkaas oo ay ku diyaar san yihiin dhuumo horrey u dhisnaa oo toos u tagaya Mombasa oo ah halkii laga dhoofin lahaa salliidda, ayna ku taalo warshadii nadiifin lahayd.

Waxaa dib loogu celin doona Uganda dhuun kale oo ka tagi doonta Mombaasa oo qaadi doonta salliiddii oo nadiif ah diyaar na u ah in la isticmaalo, waxeyna uga sii gudbi doonta, Kigali Rwanda, oo ku qaadan doonta salliiddaan qiimaha ugu yar, iyaduna waxey awood u yeelan doonta iney kasii iibisio wadamada kale ee dariska.

Rwanda waxey salliddaas ku heli doonta qiima jaban iyo si fudud, sidoo kale waxey ballan qaaday 2020 ka, haddii Uganda salliid soo saarto kenyana ay noqoto cidda labaad ee ka faaideysa, iyadana seddexaad la siiyey in aan iyadana, dalkeeda laga heli doonin qof ree Rwanda ah oo gaajo iyo oon u dhinta.

Sawirka Shanaad Sawirka Lixaad6 Sawirka 7aad

9-kii August, 2015 waxaa booqday dalka Uganda Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, waxey shir wada qaateen dhigiisa dalkaas, waxeyna halkaas ku gaareen heshiis qeexayey sidii Uganda sonkor Raqiis ah ku keeni lahayd Kenya, maan daaba Keenya lafteedu warshad sonkoreed oo xooggan leedahay, haddana waa ay ku heshiiyeen in Uganda Sonkor Raqiis ah soo galiso Kenya, taas badalkeeda, Kenya waxey Ugana u gallin doonta xoollaha nool oo ay Lo’du ugu badan tahay iyadoo canshuurta wax badan laga dhimayo.

Arrinta kale ee ay Kenya qorshaheeda gacanta ku heyso waa Mashruuca loogu magac daray (LAPSSET) Lamu Port-South Sudan-Ethiopia Transport, waa dhismaha Dakad cusub oo laga dhisayo magaalo xeebeed ka Lamu ee dalka Kenya, kaas oo ay ka faaideysan doonan, Ethopia iyo koon furta suudan, waana Mashruuc dhabar jab iyo wal wal ku ah Suudan ta waqooyi.

Mashruucan waxaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo 2030 ka, hadduu guuleysto waxaa salliidda iyo gaas koonfurta suudaan loo soo wareejin doona, dakaddaan cusub iyada ayaana lagu sifeyn doona, lagana dhoofin doona, waana labadda shaqo ee ay hadda Suudan ta waqooyi u heyso, koonfurta Suudaan kala go’ii kadib.

Etoobiya ayaa ah dowladda labaad ee isticmaali doonta dakaddaan cusub, waxaa kaloo mashruucan ku jira dhismooyinka waddooyin waaweyn, waddooyin tareen iyo dhuumaha shidaalka iyo salliidda qaada, oo toos u tagi doona koonfurta Suudan iyo Etoobiya.

 

Markaad intaan oo dhan aqrisay ayna caqli gal iyo wax dhici doona kuula muuqdaan dalkaagii soomaaliya waxaas iyo wax u dhaw maka fileysa xiligaas?

 

W/D: Maxamed Axmed Cali Royal

Email:Mohamedmidnimo@gmail.com

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.