SINJIGAA, ISKU HIILSHA W/Q: Cabdicasiis Axmed Barrow

IMG_8911 - Copy

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SINJIGAA, ISKU HIILSHA

Aduunyadu waa waaya badan, waa taariikh gunuddo Sheekooyin iyo dhiggaallo cajiib ah, waana midda noocyadeeda badan lagu kala ogaado, hanaanka kartida, hufnaanta , iyo habacsanaanta dadkan kula asteysan dowrarka kala jaadka ah.
Garaadka iyo garashaduna dadka dhammaan uma sinna oo guullaa qofba abuuriddiisii inoo kala duway, oo manihin simanayaal dhan walba , waase lakala fariidsanyahay, oo dhiiranaanta hadalaka inbaa hibo u leh, Maan iyo garasho haboonna qofkii leh waa uu yaqaan shakhsigii galaday iyo kii gabay, Ruux abaalshay iyo kii abaadshay intaba .
Waa Afar Saaxiibo ah , marna ah walaalo, oo waxaa isku dhiig iyo heyb ka dhigay jinsiga, waana wada Soomaali, Marna waa kuwo Ayaan daran waa Meeshii rag ugu xaraga badnaayeen , inkastoo ay dheeh qurxoonyihiin , dhar wacanna guntanyihiin haddana uma faan badna sidii aabayaashoo oo dhammaan waa Qaxooti, Sharci darro ku joogo dal aan kooda aheyn, hayeeshee uu waayahu biday, waxaase kaaga sii daran dhammaantood waxey wadaagaan xirfad , hadii aan si kale u iraahdo hal shaqo ayeey wada qabtaan, inkastoo ay goobo kala duwan ka howlgalaan .

Waa kuwo isku gurmado markii midkood uu dhibaatoodo, waa kuwo isi sheeko fahmaya, iskaba daa’ iney kala fogaadaane dheefta uma kala soocna oo waa kuwo inta badan jeebka wada wadaago, Midna kan kale ma yaqaan hebtiisa Amma Qabiilka uu yahay Oo waa walaalo Magaca Soomaaliyeed ka dhaxeeyo, Maalintii Aamma Habeenkii Midkood haddii uu meel kale aado waa kuwo isweydiiyo oo yiraahdo … Hebel Maxaa ku dhacay? , haddii uu Fogaan Maqalkiisa Tirada uu watana ay xerantahay waa kuwo isku walaaco!, isna baadi goobo.

Hayeeshee habeen habeenada ka mid ah ayaa waxa ay ka yimideen Xaflad ay ka heesayeen Fanaaniin Soomaali ah oo Cadad toolmoon(Wanaagsan), iyaga oo madashii ku sugan ayuu mid Shanaad oo kamid ah Saaxiibada Dhiigga Soomaalida iyo Heybta xirfadda mideysay, waxa uu ka codsay iney meel aan fogeyn u dhaweeyaan , si fudud ayeey uga aqbaleen, goortii ay dhaqaaqeen waxaa la bilaabay kaftan iyo kajan u badan Madashii qurxooneyd oo ay ka yimaadeen, waxaana meesha ka baxay Feejignaantii dheereyd maadaama meesha ay qoray yo qaniin leedahay , haddii aan sii micneeyo Askar iyo tuugba laga baqayo,.

Iyaga oo baraad la’ ayaa lagaaray meel dhowr mitir fogaan ahaan uga beegan dhismihii Xafaladda ay ka socotay, Asxaabtii kale ayaa iyagoo sidii u faraxsan waxey dib ugu soo laabteen guryahooda oo aan sidaa ukala fogeyn.,,, dabadeed maxaa dhacay? Saaxiibadii maxey la kulmeen? .

Aboowe-yaal Kibaandho ma haaysatiin?
Xaafaddu waa islii , Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Afartii Asxaabta ahaa ayaa iyaga oo maraya Wadada 12-aad kuna wajahan tan 11-aad qosol iyo sheekana iska wata waxaa dhinaca ay wadada ka socdeen dhanka kale marayay Gabar Soomaaliyeed iyo rag Fara badan oo qofba dantiisa u socday, hasa -ahaatee gabadhii ayaa is hal-haleel ah waxey usoo jartay wadadii Laamiga aheyd oo ay gaadiid badan marayeen.
Hanaanka joogga iyo jalaqsanaanta Inantaasi waxey aheyd Mid aad u qurux badan oo waa Nuuca Soomaalida ku tilmaamaan “Qalanjada” waxaa mar ka muuqanayay go’aan iyo dhiiranaan xagga socodka iyo tilaaba-qaadka oo aad mooddo in ay meel tiigsaneyso, Asturnaanta huga iyo dharka ay xerneydna waa mid muujinayay Caqiidada diinta ay haaysato, dhankastana waxey aheyd gabar Heemaal wanaagsan edebna loogu daray.

Markii ay Wiilasha usoo dhawaatay ayeey Eegmo jaleecday, waxaase dusheeda laga riday yax-yax oo waa ay xishootay , Markii ay labadii hore dhaafeen ayeey malaha hoosta iska canaanatay ileen waxa gubaya dhiiggee , oo Labadii danbe ayeey inta cod hoose ku tiri (ABOOWE-YAAL kIBAANDHO “SHARCI” Miyaan haaysatiin?) Waxeyna ugu jawaabeen “Maya Abaayo” kadib ayeey ku tiri (walaalayaal iska jira xagga hore , dhinaca bidix waxaa taagan Askar yaan la idin qaban ) .

Ma garan karo in la yiri Mahadsanid iyo In kale , waxaanse arkayay dhalinyaradii oo durbaba isku baaqeyso, oo isku waraneyso Fariintii gabadhii u sheegtay ineysan ku daadan godka hortooda ka qodan, habka hadalka iyo Af-gaabnida ay gabadha ula hadashay Wiilasha waa sidii lagu yaqiinay Hablaha dunida ugu xushmadda Badan ee Soomaaliyeed.

FIKIRKII FOGAA EE JAAMAC!
Markii laga soo badbaaday Shabaagtii Askarta u daadsaneyd , sababna ay u aheyd in la bad qabo Gabadhii Asluubta badneyd ee Soomaaliyeed, waxaa nin walba uu qabtay Hooygiisii , waxaase dhowr saacadood kadib Jaamac oo kamid ahaa dhalinyaradaasi uu dib u xusuustay Abaalkii ay u sameysay Gabadha Soomaaliyeed, waxa sidoo kale Maankiisa ka guuxayay hab-samida ay ula hadashay iyo sida ay u tilmaantay?, waxaase uu isisii weydiiyay in lagu yiri Mahadsanid iyo in kale ?, kaaga sii darane waxa uu haddana hoosta iska su’aalay maxey raggii ka horyimid aaney uga digin Sida ay Inantuba Sameysay?.
waxaase uu dhammaan weydiimahaasi ugu helay Jawaab in ay Inantu tahay Hooyada barri, ragguna ay ka calool adag yihiin dumarka, waxase uu Jawaab u waayay Wixii loogu abaal gudi lahaa Inantaasi , Mar haddii aan la aqoon halka ay ku nooshay, sawaadna aan la weji aqoon, haddiiba xitaa garaadku siin waayay Eraygii Mudnaa in lagu yiraahdo waa <<Mahadsanide>>, waxase uu isku qanciyay inuu leeyahay gabdho badan oo walaalo Soomaaliyeed ah oo u uur-dabcayo, walaashiis Asluub badanna uusan galaddeeda waligii hilmaamidoonin .

W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow
Caguje79@gmail.com
Nairobi-Kenya

SHEEKOOYIN