SIRTA NOLOSHA Q. 8aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Mulki oo Deeqa uga jawaabeysa sababta ay dugsiga uga soo tagtay ayaa ku tiri: “waa sida aan uga soo tegay saaka, waana ka bedelanaa dugsigaas” Deeqa oo layaaban ayaa tiri: “wixi dhacay annigaba waa ka xumahay, waana adiga qofka i dareensiiyay xummaantaa aan sameeyay, laakiin haddii aad go’aansatay inaad iiga tagto moolka aan ku jiro” Mulki ayaa hadalki ka dhexgashay oo tiri: “saaxiib kaagama tegin ee waxaan uga tegay Maamulaha kugu yiri nabso qof aan wax dembi ah kaa gelin” Deeqa way ilmeeysay, markaas ayay Mulki tiri: “Deeqa, waxaad tahay saaxiibteey marna walaasheey, inaad iga xumaatana ma jecli, sidaa daraadeed waa ku soo laabanaa dugsiga, haddii aad rabtana waxaan kuu noqonaa markhaati inuu Maamulaha kugu yiri nabso Macalin Maxamed, waa haddii aad rabto inaad saxdo khaladki aad ka gashay Macalinkaas” Deeqa ayaa waydiisay: “yaan ku dacweynaa Maamulaha?” Mulki ayaa tiri: “Boliiska ama aan Wasaaradda Waxbarashada aadno” Deeqa oo cabsi gashay ayaa tiri: “haddii ay Boliisku i xiraan ! ama dugsiga layga eryo?” Mulki ayaa tiri: “waxaad nabsataa Maamulaha sidi aad u nabsatay Macalin Maxamed oo waxaad tiraahdaa wuxuu igu khasbay inaan Macalinka nabsado” Deeqa waxay Mulki ka tagtay ayagoo go’aan iyo Talo fiican meel wada dhigtay.

Subaxdii ku xigtay waxaa Dugsiga Hoose/Dhexe ee Dhagaxtuur iskugu yimid Ciidamo Boliis ah oo uu horkacaayo Taliyaha Saldhiga Hodan, waxaa kale oo la socda Agaasimaha waaxda Dugsiyada Wasaarada Waxbarashada iyo Kormeerayaal ka tirsan Wasaarada oo ay la socdaan Deeqa iyo Mulki, waxay Dugsiga soo galeen marki ay billaabatay xisadii koowaad oo ay ardaydu kala galeen fasalada, waxaa galay dareen dhammaan Macalimiinti iyo ardaydi, kuwaasoo markii dambe la yaabay marki lala tagay Maamulihi dugsiga, kaasoo ay kala soo bexeen xafiiskiisa, waana lagaran waayay sheekada socota, taasoo ay qaar ka mid ah u qaateen inay dacwad jirto, laakiin aanay ogeyn cidda wax dacwaysay iyo cidda ladacweeyay, sidaa ay tahayna kuwa isku raacsan aragtidaas ay qaarkood ku doodaayaan inay Deeqa dacweeysay Mulki ama Mulki dacweysay Deeqa, Maamulahana loo watay Arrintaas, kuwa kale ayaa qaba inay Wasaaradu haaysato labada gabdhood, laakiin aanay ogeyn waxa ay ku haaysato, waxaa dugsiga looga tegay Maamule ku xigeenka oo loo sheegay inuu Maamule ka sii yahay dugsiga, laakiin aan wax kale loo sheegin, marki ay Macalimiinti waydiiyeen waxa jirana wuxuu u sheegay inuu Maamuluhu imaanaayo una sheegidoono waxa jira, Maamulihi iyo gabdhihiiba maalintaa cid dugsiga ku soo laabatay majirin, waxaana dugsiga laga rawaxay ayadoo lawada yaaban yahay.

Maalinti ku xigtay ayay yimaadeen Masuuliyiinta Wasaarada oo uu la socdo Taliyihi Saldhiga, waxayna soo galeen ardayda oo saf kujira, markaa ayay xafiiska la galeen Maamule kuxigeenki, kadibna ay dhexda ka soo xirteen, dhiilo cusub ayaa gashay Macalimiinti iyo ardaydi dugsiga, waxaana taas ka sii daran inta saacadood ay xafiiska ku xirnaayeen, ugu dambeyn marki ay ka tageen ayay xafiiska isku sii daayeen Macalimiinti si ay u ogaadaan dhacdada layaabka leh oo ka dhacday dugsigooda, taasoo cabsi ku abuurtay inay maantana qof ka wadan rabaan dugsiga, Maamule kuxigeenki ayaa u sheegay: “Maamulihi dugsiga waa xiran yahay, anigana waxaa la iigu yimid in su’aalo layga waydiiyo Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga, waxaana laygu yiri adigaa masuul ka sii ah dugsiga inta looga soo magacaabaayo Maamule kale, waxaana lagu haystaa Maamulaha sanadii hore kiiski lagu eryay Macalin Maxamed oo ay Deeqa tiri waxaa igu khasbay Maamulaha inaan nabsado Macalinka” Maamulaha Dugsiga cid ka malaysaneysay majirin inuu sameeynaayo waxa lagu eedeeyay, waayoo wuxuu ahaa nin aad u fiican oo loo qaadan karo in la nabsanaayo, inkastoo Macalin Maxamed laftiisa aan la aaminsaneyn inuu ku kacay waxa lagu eryay, waxaase hubaal ah in midkood lanabsaday, Macalimiinti oo dhan waxay u qaybsameen mid yaaban, mid dhafoorka haaysta iyo mid qaadan la’ waxa lasheegaayo inay run yihiin.

La soco………9aad.

SHEEKOOYIN