SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.17aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

 

Deeqa waxay soo martay guriga saaxiibteed Mulki Hilowle si ay ugu sheegto nasiibka ay ku soo heshay guriga Macalin Maxamed Xuseen, laakiin Mulki oo aan wejiga siin karin Macalinkeeda ayaa ka diiday inay berri galab u raacdo xaafadda Macalinka, inkastoo ay Deeqa aad u jecleyd inay Mulki wehel u noqoto, haddana middaas uma suurta gelin, Mulkina waxay ku adkeysatay “ma hor tegi kari Macalin Maxamed” Deeqa waxay kaga tagtay saaxiibteed niyad jab, waxaana qalbigeeda ku sawirmay cabsida ay saaxiibteed ka qabto aragtida Macalin Maxamed oo ay marki hore caadi ka aheyd, waxay soo xasuusatay hadalki niyada u dhisay ee uu Xasan ku yiri “walaalkeey aad ayuu ugu farxay wanaagi aad sameysay iyo geesinimadi aad sameysay” waxay Deeqa is tiri “armuu ku farxay mustaqbalkiisa soo noqday, laakiin aanu u baahneyn aragaaga” Deeqa ma taqaano micnaha uga dambeeya raaligelinta ay ugu socoto Macalinkeedi hore iyo walwalka uu ku haayo la kulankiisa, mar waxay isku qancisaa: (waa caadi inaan raali ahoow ku iraahdo, laakiin maxaa kale oo jira) waxay nafteeda waydiisay: (intaas oo kali ah haddii aan ugu socdo dhib miyaa?) waxay isugu jawaabtay: (m

aya maya maya dhib maaha) haddana waxay is tiri: (haddii uu ku yiraahdo maxaad iga soo doontay, soow dhib maaha?) waxay isku qancisay: (maya maxaa iga galay haddii uu dhoho) Deeqa ayadoo isla hadleysa ayay gashay gurigooda, makaas ayay muraayada armaajada isku fiirisay, inuu ku yaalo weji la soo eryaayo iyo in kale, intay isku qososhay ayay is tiri: (horta saaxiibteey Mulki inaan dhiiqada ka saaro oo aan Macalin Maxamed u sheego runta miyaan ugu socday? mise wax kale?) Deeqa intay isla yaabtay ayay habeenkaas ku seexatay inay cabsi la’aan berri galab ugu tagto.

Galabti dambe ayay Deeqa Bashiir soo hor istaagtay guriga Maxamed Xuseen, ayadoo cabsi iyo rajo ku wada jirto, waxaana albaabka ka furtay Caasha Xuseen oo markay Deeqa waydiisay inuu Macalin Maxamed joogo ay Caasha ku tiri: “wuxuu goor dhow aaday suuqa ee soo gal guriga wuu imaanaayaaye” markay guriga wada galeen oo ay Deeqa ku fadhiisatay gambar loo dhigay ayay isbarteen Deeqa iyo Caasha oo ka fekeraysa sababta ay gabadhaan u soo raadisay walaakeed, waayoo weligeed ma arkin gabar soo raadineysa walaalkeed Maxamed aan ka aheyn Sureer inti ay wada socdeen, waloow ay markaaba u haysatay inay Sureer tahay gabar xaafada degan isla markaana ay walaalkeed ka dareemeysay inuusan raali ka aheyn raacideeda.

Caasha oo aan weli fursad u helin inay waydiiso sababta ay walaalkeed ugu timid, ayuu qolkiisa ka soo baxay Xasan Xuseen oo markuu arkay Deeqa salaamay, Deeqana markay aragtay Xasan waxaa ka soo fuqday neef weyn, waayoo way ogtahay inuu la socdo muraadkeeda, Xasan ayaa ku yiri: “walaal Deeqa waan u sheegay Maxamed inaad galabta u imaaneyso, laakiin nasiib xumo wuxuu ii sheegay inay galabta wasaarada shir ku leeyihiin maamulayaasha Dugsiyada” Deeqa oo ka dhex gashay ayaa tiri “dhib maleh walaal” Caasha oo labadooda midba mar fiirineysay ayaa tiri: “ma istaqaanaan labadiina?” Xasan ayaa yiri: “haa waa isnaqaanaa”

La soco……..18aad.

 

 

SHEEKOOYIN