SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.20aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Busaad ayaa u sheegtay Xasan in caawa reerkeeda laga casuumay Aroos ay qabaan reer Abtigeed, waxayna ku tiri: “waxaa caawa la guursanaa gabar uu Abtigeey dhalay oo la yiraahdo Fartuun, waxaa guursanaaya nin jooga dalka Qadar oo maal qabeen ah” Xasan ayaa waydiiyay: “xageey ku aqal gelaayaan?” Busaad intay qososhay ayay tiri: “maxaa aqalgelid ah, ninku wuxuu jiraa Qadar oo asagoo maqan ayaa loo aroosinaa, kadibna waxaa loo saaraa diyaarad” Xasan oo layaaban arooska noocaas ah ayaa yiri: “ninka walaashaa aroosaayo maba joogo miyaa?” Busaad ayaa tiri: “annigaba sidaada oo kale ayaan ula yaabay, waxaana kaaga sii daran Fartuun waa 15 jir aad u yar, ninka lasiiyayna waa oday weyn oo carruur badan dhalay, kaasoo ay u joogto islaantiisi carruurta u dhashay” Xasan ayaa ku yiri: “Fartuun raali miyay ka tahay in ninkaas lasiiyo?” Busaad ayaa tiri: “Sureer waxay ii sheegtay inay diidan tahay, laakiin lagu khasbay” kadib ayay waydiisay inuu Xasan u raacaayo Arooskaas, wuxuu ku yiri: “Aroos noocaas oo kale ah weligeey ma arkin” Busaad ayaa ku tiri: “anigaba sidoo kale, inkastoo aan jecleyn inaan Aroosyada aado, haddana midkaan waxaan rabay inaan soo arko sida uu u egyahay Aroos uu ka maqan yahay ninki naagta aroosaayay” Xasan oo aan weli go’aan gaarin ayay Busaad tiri: “waxay reerkeenu baxaayaan galabta ilaa afarta galabnimo ee wixii wakhtigaa ka horeeya diyaar noqo” Xasan oo laballanaa Deeqa Daahir ayaa ku yiri: “waxaan afarta galabnimo ballan leeynahay gabar rabtay inay aragto walaalkeey Maxamed oo aan ka tegi karin, waayoo wuxuu iigu dhiibay farriin muhiim ah inaan ka gaarsiiyo” Busaad oo maseyr galay ayaa waydiisay: “maxay tahay gabadhaas?” Xasan ayaa uga sheekeeyay arrimaha dhexmaray walaalkiis iyo Deeqa Bashiir, markaa ayay Busaad dood billowday oo ay tiri: “muxuu Maxamed ku diiday inuu lakulmo gabadha rabta inay ka raaligeliso khaladki ay ka gashay?” Xasan ayaa yiri: “walaalkeey markaan su’aashaas waydiiyay, wuxuu iigu jawaabay (marabo gabdhaas inay khalad kale iga gasho) waxaana u qaatay inuu iska illaalinaayo inay ka soo ag dhawaadaan” Busaad ayaa waydiisay: “Deeqa inay raali ahoow ku tiraahdo Macalinkeeda wax ka badan miyay wadataa?” Xasan ayaa yiri: “ma sheegi karo waxa kale ee ula jira, balse waxaan filaa inay Deeqa rabto inay uga cudurdaarto gabar saaxiibteed ah oo uu Maxamed ii sheegay inuu midaas arki karin, sababtoo ah inuu ka maleysaneynin inay ku lug leedahay shirqoolkiisa” Busaad intay qososhay ayay tiri: “oo ma gabar kalaa meesha ku jirta?” Xasan ayaa ku yiri: “gabadha kale waxay wax ka ogeyd qorshaha maamulaha iyo Deeqa, waxayna isku reer yihiin maamulaha, walaalkeeyna wuxuu u qaatay inuu maamuluhi gabadhaas u adeegsaday inay Deeqa asaga nabsato” Busaad ayaa tiri: “waaba gabar fidna ah midda aad sheegeyso” Xasan ayaa ku yiri: “Deeqa waxay ii sheegtay inay Mulki wax lug ah ku laheyn dhibkaas dhacay” Busaad ayaa waydiisay: “Mulkida maxay Deeqa u soo raaci wayday?” Xasan ayaa ugu jawaabay: “mawaydiin su’aashaas, balse waxaan u maleeyay inay rabin inay Maxamed hor timaado” Busaad ayaa tiri: “reerkeenu caawa haddii ay arooska aadaan, aniga kaligeey ayaa guriga ku haraaya” Xasan ayaa waydiiyay: “arooska inaad aado miyaad rabtay?” Busaad ayaa ugu jawaabtay: “haddii aad ii raacayso” kadib wuxuu u sheegay inay reerka ka harto haddii uu ka soo gaariwaayo, si ay labadoodu isu raacaan, haddii ay taqaano guriga arooska, sidaa ayay ku ballameen.

Deeqa maalintaas toban jeer ayay labalabeysay inay aado ama iska dhaafto guriga Macalin Maxamed, laakiin goor dambe ayay soo aaday, waxayna gurigi timid asagoo uu ka tegay Xasan Xuseen kadib markii ay ka soo daahday, laakiin waxay lakulantay Caasha Xuseen oo markaa guriga ka baxeysa una socota Biibitadooda, waxay Caasha u sheegtay Deeqa inay maqan yihiin Maxamed iyo Xasan oo goor dhow baxay asagoo fariin u haayay, markaa ayay Deeqa tiri: “walaaleey goormeey soo laabanaayaan?” Caasha ayaa tiri: “ma aqaan goorta ay soo laabanaayaan, laakiin Maxamed wuxuu habeenadi inta badan igu soo maraa Biibitadeena inta uu guriga aadin” markaa ayay Deeqa ka dalbatay inay Biibitada u raacdo si ay u soo barato, waxayna isu raaceen Biibitidi ay Caasha ka soo beddeleysay hooyo Khadiijo, waxayna ugu tageen hooyo Khadiijo oo meel fadhida ayadoo gacanta ka duuban, kadib markii ay ku soo gadoontay jelemed shaah ah oo ay dabka ka soo qaaday, Caasha waxay aragtay Caydaruus oo nadiifinaaya halki uu shaaha ku daatay, markaana waxay ku carartay hooyadeed oo ay waydiisay waxa ku dhacay, Hooyo Khadiijo ayaa tiri: “jelemedan afka weyn ayaa igu soo gadoontay markaan rabay inaan shaaha tarmuusyada uga shubo, laakiin wiilkaan kheyr Allaha siiyee ayaa daawa iiga keenay farmashiyaha oo gacanta iga duubay ee howsha ka qabo wiilka” isla markiiba Caydaruus waxaa howshi kala wareegay Caasha iyo Deeqa Bashiir oo galeen nadiifin iyo inay dabka saaraan shaah cusub, markay howshi kala fududaatay ayay hooyo oo markii horaba kaligeed bixi jiray ay damacday inay baxdo, Caasha oo ka cabsi qabta inay hooyadeed baxdo kaligeed ayaa ku tiri: “hooyo kaligaa miyaad bixi kartaa waaba xanuunsan tahaye?” hooyo Khadiijo ayaa ku tiri: “waa fiicanahay” Caydaruus ayaa yiri: “anigaa sii raacaaya hooyo ilaa guriga” inta aanay hooyo Khadiijo hadlin ayay Caasha la soo booday mahadcelin iyo inay Caydaruus u dirsato inuu u soo qaado dooshe ay ku soo illowday guriga, doolshahaas oo lagu iibiyo Biibitada, markii ay bexeen hooyo Khadiijo iyo Caydaruus ayay wada sheekeysteen Caasha iyo Deeqa oo markaan heshay qof ay kala socon karto arrimaha Macalin Maxamed, inti hore sheekadoodu waxay ku saabsaneyd isbarasho, kadib ayay Caasha tiri: “marki walaalkeen laga soo eryay macalinimada waxay nolosheenu gashay meel ciriiri ah, Aabe waxaa dacwad uga socotay qol uu ijaar ugu jiray oo arji qore ah, haddii qolkaas laga saarana waxaan ku dhaweyn inaan gadano guriga hadda dhismaha uu ku socdo, laakiin adiga ayuu Rabbi nagu kaa badbaadiyay, kadib markii aad kiiski ka wareejisay walaalkeen, waxaa markiiba nasoo galay mushaarkiisi oo dhan, taana waxay noo saamaxday inaan boos kale iibsano, keenana aan dib u dhisano iyo inuu Aabe qabsado qareen u dooda xuqiiqdiisa, wallaahi Aabe iyo Hooyo way idiin duceeyeen adiga iyo saaxaabtaa” Caasho inta ay hadleysay Deeqa mar way naxdaa, mar wadnahaa xanuuna, marna way ku farxdaa siday reerka uga badbaadiyeen inay ciriiri sii galaan.

 

La soco. …….21aad.

 

SHEEKOOYIN