SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.34aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

 

Xasan markuu galay guriga reer Bashiir, waxaa si farxad leh u soo dhaweeysay Deeqa oo ku tiri: “Xasan yaa gurigeena ku keenay?” wuxuu u sheegay inuu soo maray guriga Mulki iyo inuu soo raacay Mulki walaalkeed Feysal oo albaabka uga laabtay, Deeqa iyo saaxiibteed waxay ku jireen qolka Deeqa oo ay ku sheekeysanaayeen, Xasana markuu salaamay hooyo Ruquyo kadib ayuu galay qolki ay fadhiyeen labada gabdhood, markaa ayay Deeqa u soo baxday inay cabitaan u keento, inti ay Deeqa maqneyd ayuu Xasan ku yiri Mulki: “waxaan u soo baxay inaan idin soo xasuusiyo ballanta jimcaha oo ay ka harsan tahay berri oo kali ah” Mulki ayaa tiri: “waxaan aniga iyo Deeqa ka wada hadleynay, goorta aan xaafadiina aadayno” Xasan oo gartay inay Mulki raali ku noqotay inay gurigooda tagto ayaa yiri: “salaada kadib inaad timaadaan waa xilliga ugu fiican, haddii aad ka soo hormartaana dhib malaha” Mulki ayaa tiri: “Deeqa waxay ii sheegtay inay reerku ku mashquulsan yihiin howlaha Biibitada, sidaa daraadeedna ay habboon tahay inaan dhakhso tagno si aan u kaalmeeyno” Xasan ayaa yiri: “jimcaha waxaa subaxda hore Biibitada taga ciyaalka, waxaana laga beddelaa galabti, idinkana waxaa tihiin marti oo majirto cid howl idiin dirsaneysa” markaa ayay Deeqa keentay cabbitaanki, waxayna Xasan ku tiri: “Mulki ma kuu sheegtay inay jidka isku arkeen walaalkaa?” Xasan ayaa ku yiri: “maya, ma ii sheegin” Deeqa ayaa ku tiri: “markay iska hor yimaadeen ayay Mulki dhinac martay, markaa ayuu Maxamed ku yiri: (Mulki waan ogahay waxa aad ii sameyseen adiga iyo Deeqa Bashiir, waana ku mahadsan tihiin, raalina waa idinka ahay) Mulki oo u qaadatay inuu walaalkaa wax walba ogyahay, ayaa wax walba u sheegtay” Mulki ayaa tiri: “Deeqa maxaan sheegay, naga aamus waa war badan tahaye” markaa ayaa lawada qoslay, kadibna waxaa Xasan looga sheekeeyay qaabki ay maamulaha ugu wareejiyeen shirqoolki uu u dhigay Macalin Maxamed, waxay Mulkina ka sheekeysay halki ay ku kulmeen ayada Macalin Maxamed oo markaa u socday guriga Eedo Xabiibo iyo siduu uga keenay Sirta Nolosha ay qarineysay.

Wax yar kadib waxaa soo gashay hooyo Ruquyo, cabbaar marki laga hadlay kulanka gabdhaha iyo Macalinkooda ayay hooyo Ruquyo waxay Xasan ku tiri: “islaanta agoonta haysata Eedo noocee ah ayay kuu tahay?” su’aashaa markay dhammeysay ayay Mulki isku naxday, ileyn waxaa fakatay sir ay reerka u sheegtay, Xasan ayaa yiri: “waan ku ixtiraamnaa inaan dhahno Eedo Xabiibo” hooyo Ruquyo ayaa tiri: “waxaan mooday inuu Aabahaa islaanta guursaday, waayoo xaafada oo dhan sidaa ayaa laga aaminsan yahay” Xasan ayaa yiri: “waan ku farxi lahaa haddii ay run ahaan laheyd, waayoo hooyo Khadiijo wax badan ayay Aabe ku tiri naag kale guurso, asagana wuu diidanaa” hadalka Xasan waa lalayaabay, wuxuuna ka soo tegay asagoo soo adkeeyay ballanti jimcaha, kadibna wuxuu soo maray adeegi loodiray.

Busaad markay caro qolkeeda lagashay, kadib waxaa derbiga bannaanka soo wada fadhiistay Cabdiqani oo caraysan iyo ilma Adeeradiis, markaa ayuu Cabdiqani yiri: “waxaan garan waayay sababta ay Busaad u qiimeeyneeyso wiilka diiday inuu gurigeena soo galo!” Suleymaan ayaa yiri: “sidi aan xaafadaan u soo degnay, waxaan ka reeysanay inaan Busaad wehel uga noqono kalinimada, Xasana wuxuu ka kaafiyay inay wax labarato oo aqoonteeda kor u soo kacdo, waxaa kale uu ka kaafiyay cidlada iyo kali ahaanshaha” Yoonis ayaa waydiiyay: “Suleymaan ma waxaad isleedahay xiriir ayaa ka dhexeeya labadooda” Suleymaan ayaa yiri: “haa xiriir wuu ka dhexeeyaa, laakiin magaran karo xiriirka aad ula jeedo inuu ka dhexeeyo iyo inkale” Cabdiqani intuu madaxa qabsaday ayuu gudaha guriga galay, kadibna wuxuu u gudbay qolka walaashiis Busaad, markuu soo galayna wuxuu arkay walaashiis oo barkinta ku ooynaysa, wuxuu ku billaabay feer iyo haraati, qayladi iyo ooyinti Busaadna waxaa laga maqlay xaafadda, marki walaalkeed laga celiyay oo ay hooyadiis ku xanaaqday ayuu Cabdiqani yiri: “maxay ugu ooyneeysaa wiilkaas” Cabdiqani waxaa mar kale bannaanka ula soo baxay Suleymaan oo ku yiri: “walaasheen Busaad way jeceshahay Xasan, laakiin ma filaayo inuu Xasan ogyahay jaceylka ay u qabto” Cabdiqani ayaa waydiiyay: “sidee ku ogaatay inay jeceshahay? maxaadna goor hore noogu sheegi wayday?” Suleymaan wuxuu yiri: “hadda ayaan ogaaday inay jeceshahay, waana adiga qofka sii jecleeysiiyay, waxaadna ku khasbay inay hadda bannaanka keento dareenkeeda, waayoo haddii uu Xasan ka maqnaado saacad, walaasheen waa laga dareemaayay inay wax ka maqan yihiin, markaana Xasan wuxuu ila ahaa mid aan waxba ka ogeyn, haddii uu wax yar Busaad ka soo daaho, sababta ay u tebeyso” Cabdiqani wuu garan waayay wuxuu Suleymaan ka hadlaayo oo dhan, waxaana u muuqata inay suuragal aheyn inay wax ka dhexeyn karaan Xasan iyo walaashiis.

Hooyo Basra ayaa habeenki u sheegtay Aabe Saxardiid arrinta Xasan iyo inuu guriga uga maqan yahay cuqdad ka gashay halki uu yiri oo loo sheegay, waloow aanu canaanan karin dumaashiis Sureer oo hadalka sheegtay, haddana wuu ka xumaaday inay sheegto hadalkaas carada ka keentay.

 

La soco. ……..35aad.

 

SHEEKOOYIN