SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.38aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Markay bexeen Tahliil iyo Geedi, ayaa Deeqa oo rabta inay Caasho wax ka waydiiso arrinta laga sheegay Caydaruus iyo xiriirka ka dhexeeyo ayada iyo wiilkaas lasheegaayo, ayay Mulki u iljebisay ayadoo rabta inay ka celiso hadalka ay damacsaneyd, laakiin markay ka tageen Biibitadi ayay Deeqa waydiisay sababta ay ugu iljebisay, markaa ayay Mulki tiri: “waxaan diidanaa inaad Caasho kala hadasho arrimaha Caydaruus” Deeqa ayaa tiri: “waxaana rabay inaan Caasho ka ogaado go’aanka ay ka qaadaneyso wiilkaas” Mulki ayaa tiri: “go’aankeeda ma ogaan kartid hadda, qofkana go’aan magaari karo ilaa uu ka helo wakhti uu uga fiirsado go’aankiisa, midda kale waxay Caasho u baahan tahay inay lakulanto Caydaruus iyo inay wax ka waydiiso shakiga soo kala dhex galay” Deeqa ayaa tiri: “maba ogin inay Caasho iyo Caydaruus wax ka dhexeeyaan iyo inkale, taa ayaana ka mid aheyd waxyaabaha aan waydiin lahaa” Mulki ayaa tiri: “walwalka Caasho ka muuqday ayaa markhaati ka ahaa inuu xiriir kala dhexeeyo Caydaruus, midda kale labada wiil sababta ay noogu yimaadeen oo ay noogu sheegeen xogta Caydaruus, waxay ula jeedeen digniin ay siinaayaan qof xiriir laleh wiilkaas, qofkaas oo aan aheyn aniga iyo adiga” Deeqa ayaa tiri: “waxay sheegaayeen Tahliil iyo Geedi maxaad u aragtaa? aniga inay been sheegaayaan ayay iila muuqdaan oo uu Tahliil rabo Caasho inuu ka qaado Caydaruus” Deeqa ayaa ugu dartay: “sida muuqatana Caasho magaceeda waxaa wiilasha u soo sheegay Caydaruus, waa sida ay Caasho laheyd inay magaceeda soo xansadeen” waxaa lagu soo gunaanaday in berri laga war sugo.

Samatar safarkiisi waxba kama soo faa’iidin, markuu tegay degaanki uu hooyadiis ku ogaa, waxaa loo sheegay inay hooyadiis guursatay nin askari ah iyo inay ula guurtay gobalka Galguduud oo aan la ogeyn meel ka degan yihiin, wixii ka dambeeyana wuxuu soo ogaaday sababta keentay kala tagga Aabihiis iyo Hooyadiis oo ay sabab u tahay inuu Aabihii ogaaday reerka ay Hooyadiis u dhalatay, kadibna uu madaxeeda siiyay ayadoo wallac ah, wuxuuna Aabihii ku dooday in loo qariyay reerka ay u dhalatay Hooyadiis Suleeqo oo markaa aheyd gabar aad u qurux badan, Korneel Dirir wuxuu arkooday ayadoo 16 jir ah oo ari la jirta, arrimaha guurkeedana kuma qaadan wax ka badan laba sitimaan, waxay isqabeen waxaan ka badneyn laba bilood, markuu furay wixii ka dambeeyayna wuxuu Hooyo Suleeqo ka tiray taariikh nololeedkiisa.

Caydaruus wuxuu habeenkaa ku maqnaa guriga reer Xuseen oo uu rabay inuu xiriir saaxiibtinimo layeesho Maxamed, markay guriga ka soo wada bexeen ayay wadada ku soo sheekeysteen, intaa ayuu Maxamed ka helay deganaanta iyo sheekada Caydaruus, taasina waxay keentay inuu ka codsado inay isu raacaan Baar Bulsho oo ah meel fadhi wanaag ah oo neecaaw leh, halkaa oo ay ku sheekeystaan rag culus oo u badan maamulayaal dugsiyo iyo agaasimayaal wasaaradeed, kooxdaas waxay Baarka leeyihiin habeenka intiisa hore, wixii tobanka ka dambeeyana waxaa goobta soo buuxsama dhallinyarada, Maxamed iyo Caydaruus waxay fadhiisteen meel gaar ah oo ay ku sheekeystaan, inkastoo aanu Caydaruus ka hadlin arrinta uu ugu socday oo aheyd inuu walaashiis waydiisto, haddana wuxuu u sheegay inuu qorsheynaayo inuu guursado qalinjebintiisa ka hor, markaa ayuu Maxamed waydiiyay inay qof u diyaarsan tahay, Caydaruus oo arrintaa ka aamusay ayuu Maxamed u sheegay inay reerkiisa ku ballameen inuu gabar layimaado inta aan dugsiyada laxirin, haddii kalana uu guursado gabar uu abtigiis dhalay, markaa ayuu Caydaruus waydiiyay: “yaa kuu diyaarsan?” Maxamed ayaa sirtiisi u sheegay Caydaruus, wuxuu uga sheekeeyay waagi shaqada looga eryay Deeqa Bashiir daraadeed iyo inay Deeqa dib ugu soo celisay rajadiisi, markaa ayuu yiri: “waxaan jeclaa gabar aan macalin u ahaa oo aan dusha ka ilaashan jiray, gabadhaas oo aan islahaa ha kuu soo korto, laakiin waxaan ka naxay markaan ogaaday inay kaalin ku laheyd shirqool uu ii dhigay maamulihi dugsiga, gabadhaas oo layiraahdo Mulki Maxamed Hilowle, taas ayaa wakhtigeeygi ku lumay, haddana lama joogo xilligi ladoonan lahaa, mana aha qof wakhtigaan badeeda lageli karo, waayoo haddii ay wax nadhex maraan, waxaan u ekaaneynaa dad ku heshiiyay shirqoolka maamulaha, mana aqaano waxaan iskaga difaaci karo in laygu daro gabadha uu abtigeey dhalay” Caydaruus ayaa yiri: “waa howl aad u culus, meeqa sano ayay jirtaa Mulki?” Maxamed ayaa yiri: “ayada iyo mid uu abtigeey dhalay waa isku da’ waana 15 jir” Caydaruus ayaa yiri: “haddii ay isku da’yihiin, ma aqaan waxay ku kala duwan yihiin, midda kale waxaan qabaa arrinti dugsiga ka dhacday iyo arooskiina inay waxba iska gelin, waxaa kale oo kuu furan inaad reerka u sheegto inaad gabadhaa sugeyso iyo inaad ayada lasocodsiiso inaad mustaqbal ka rabto”.

 

La soco. ………39aad.

SHEEKOOYIN