Socdaalkii Ibn Batuut ee Soomaaliya W/T; Maxamed Xaaji Xasan

Mogadishu-1890

 

Socdaalkii Ibn Batuut ee Soomaaliya.

 

Gugii 1331 ayuu Ibn Batuta u socdaalay koonfurta isagoo qaadaya xeebta bariga Afrika ee caddan illaa Mogadishu, Mombasa illaa Kilwa. Caddan buu markab ka raacay bartamihii Janaayo 1331.

Meeshiisii ugu horreysay ee uu caga-dhigto waxay ahayd magaalada Zeylac, taasoo afar maalin oo safara u jirta Caddan( Magaalada casriga ah e Zeylac) waxay 40 km koonfur bari ka jirtaa jabuuti dhanka xeebta) dadkii degaanka ah waxaa uu ku sheegay inay ahaayeen Barabara ” Muslim madow oo raacsanaa mad-habka Shaaficiga, inkastoo uu Ibn Batuuta sheegay inay badankoodu ahaayeen Shiico, kuwaasoo diidanaa sadexdii khaliif ee ugu horreeyay. waxay dhaqan jireen geela iyo iddaha.

Zeylac illaa Muqdisho, dhulku waxaa uu ahaa mid saxaro ah, safarkii dhulka ahaana waxaa uu qaatay laba bilood. Magaalada Zeylac waxaa ay ahayd magaalo weyn lehna suuq weyn laakiin wasaq iyo ur badan laheyd.

Sababta urka ugu wacanna waxaa uu ku sheegay inay tahay cadadka kalluunka iyo dhiiga geela ay ku qalayeen waddooyinkooda yar yar. Si uu urtaa isaga ilaaliyo waxaa uu seexan jiray markabkiisa korkiisa inkastoo biyuhu aad u darnaayeen.

Lugtii labaad ee safarkiisii dhanka badda ahaa waxaa uu qaatay 15 habeen kaasoo uu Muqdisho ku soo gaaray. Magaalo aad u weyn oo geel badan iyo iddaba lagu gawraco ayuu ku sheegay. Muqdishu waxay caan ku ahayd dharka oo illaa Masar ay u beec geyn jirtay.

300px-Somalia_o1800s

Waxaa caado ka ahayd magaalada marka doomuhu yimaadaan in doomo magaalada laga leeyahay oo la oran jiray SUNBUUQ ay kuu yimaadaan oo ay cunto iyo soo dhaweyn kugu sooraan. Ganacsaduhu hadduu aqbalo sooryadaas waxaa uu ku qasbanaa inuu dego guriga qofka sooray aqbalana adeegiisa suuq geynta ganacsigiisa Muqdisho uu ka rabo.  Ibn Batuuta sida uu sheegay faa’iido ayaa ugu jirtay dadka deegaanka dhaqankaas. Maadaama Ibn Batuuta ahaa nin caalim ahaa oo uusan ganacsade ahayn waxaa toos u casuumay Qaadigii magaalada Muqdisho.

 

MAAMULKII MUQDISHO KA JIRAY

Suldaankii magaalada Muqdisho waxaa ahaa “Abukar Sheekh Caamir” Waxaa uu ahaa (1)Barbara(Soomaali waayo ibnu batuuta wuxuu rumeysnaa iney Soomaalida oo dhami tahy Barbara) Afka deegaankana waa ku hadlayay (2) (Af Soomaali) sidoo kalena Carabiga waa uu yaqaanay.

fadin2b

Ibn Batuuta waxaa qaadiga baray Ibn Burhaan oo ahaa nin Masaari ah.  Suldaankii waxaa uu amray in Ibn Batuuta joogo guriga loogu tala galay ardayda, cuntana waa u diray.

Cuntadii la siiyay Ibn Batuuta waxaa uu ku sheegay inay ahayd bariis subag lagu daray, maraq iyo hilib, digaag, kalluun iyo qudrad. Muus aan bislaan oo caano lagu kariyay, caano dhanaan, gacmo cambo iyo qudrado kale jaad ah.

Dadka reer Muqdisho waxay wax u cunayeen sidi dadkii Carabta ahaa oo kale, aad ayayna u ballaarnaayeen una cayilnaayeen. Saddexdii maalin ee ay Suldaanka la joogeen saddex mar baa wax la siinayay.

Mogadishu_marketplace_1882

Maalintii afaraad ee joogiddoodii waxay ahayd maalin jimco ah, suldaankii waxaa uu u soo diray dhar ay masaajidka u xirtaan. Dharku waxaa uu ahaa kuwa xariir lagu sameeyay ( surwaal waagaa lama aqoon) qeybta kore waxay ahayd maryo Masar laga keenay oo xariiqyo laha, iyo alaabo kale oo Qudus laga keenay iyo cimaamado Masaari ah oo la tidcay.

Fakr_Ud_Din_Mosque

Masaajidkii bay aadeen waxayna la tukadeen suldaankii iyo intii boqortooyadiisa ku hareersaneyd.  Salaaddii kadib suldaankii waxaa uu istaagay qabrigii aabbihii ka dibna waxaa uu salaamay wasiirradiisii iyo amiiradiisii iyo abaanduulayaashii ciidankiisa.  Batuuta waxaa uu yiri dhaqankii salaanta suldaanka iyo caadooyinkii uu sameynayaba waxay iila ekaayeen kii uu Yemen ku soo arkay: Far baa dhulka lagu taabanayaa, ka dibna madaxa ka dibna Alle baa laga dalbanayay in awooddiisu sii jirto. ibn Batuuta waxaa uu qeexay dadkii la socday suldaanka gurigiisa illaa masaajidka oo aad isugu dhawaa. Niman afar dabool madaxa ku watay, dad badan oo kale ayaa jiray oo caga caddaa, kooxo askar ah iyo muusigyahanno tumayay turumbo beebab iyo gurbaanno.

 

Falanqo iyo Faalleyn.

(1)  Wuxuu ibn Batuuta qirey, dadka deganaa labada Magaalo ee Zeylac iyo Muqdisho inay  ahaayeen, Soomaali ama Barbar ku hadlaya Af Soomaali,  Madmadoow oo Muslin ah,  haddana  Carabiga yaqaanay,  sidoo kale waxaa halkaas ku cad in  dadka Ibn Batuuta kula kulmay  deegaamadaas ay xiriir wanaagsan la lahaayeen,  Khilaafooyinka Islaamka iyo carabtaba.

(2)  Wuxuu  sheegay in  Suldaan  Abubakar Sheekh Caamir, oo  ka mid ahaa  Immaamyadii Muqdisho inuu  ahaa nin Soomaali ah kuna hadlayey  Af Soomaali,  balse uu  carabigana ku hadli karayey,  tannoo caddeyn buuxda u ah in  800 Sanno ka hor  Mogadisho ahayd  magaallo ilbaxnimo oyo horumar leh,  ayna ka talinayeen  Dad Soomaaliyeed oo deegaankaas u dhashay kuna noolaa  waagaas.

W/T Maxamed Xaaji Xasan

Xuquuqdu waxay gaar u tahay

Mareegta Laashin.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.