“Soomaaliya Allow dowlad la’aanta ku sii haay. W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Soomaaliya Allow dowlad la’aanta ku sii haay!”

Marka aad ciwaanka qormada aragto is la markiiba maskaxdaada waxaa kusoo dhacaya waa maxay ninkaan in kaartamaya, habbaaramaya iyo sababta loogu maajig daray qormada magac bixitaankaan yaabka leh!
Haddaba sadarradaan aan xarriiqayo sii raac adaa ogaan doona’e.

Ammin aan sidaa usii fogayn, waxaa Soomaaliya yimid wadaaddo “Tabliiq” ah ka na soo jeeda, Waddankii la dhihi jiray “Zaire” haddase loo yaqaan (Democratic Republic of Congo) kuna yaal Afrikada dhexe. masjid ayay kusoo degeen sida caadada ah Tabliiqu ma degaan ma na aadaan Hoteellada iyo xaafadaha’e waxay toos u abbaaraan meelaha Eebbe lagu caabudo oo ah masaajidda markii la soo dhaweeyay la na sooray, Salaaddii waqtigeeda la jooga na la tukaday ayaa wadaad istaagay Tabliiqa ka mid ah, makarafoonkii ayuu qabsaday si uu ugu khudbeeyo Jameecada masaajidka soo xaadirtay, salaan, bariidin iyo furfurasho ka dib ayuu yiri:

“Soomaalia Allow dowlad la’aanta kusii haay”

Dadkii dhagaysanayay oo aad u yaabban indhahana taagtaagaya ayuu arkay oo anfariirsan, waxuu na yiri: is dejiya sababta aan sidaas u iri: anaa idin la wadaagaya’e. wuxuu ka sheekeeyay waddanka ay kasoo jeedaan iyo halka ay ka yimaadeen iyo sida “Diintu kusoo gaartay wuxuu yiri: Eebbe la caabudo oo kali ah inuu jiro maanan ogayn ma na garanjirin in hal Ilaah jiro taa beddelkeeda na waddankeenna diima badan ayaa ka jira oo qola waliba mid haysato Muslimku na Diimahaa ayuu nooga mid ahaa laakin aad ayuu u yaraa annagoo Diimahaa badan isaga dhex nool iyagana aaminsan mid ka mid ah ayaa waxaa dhacday Dowladii Soomaalia ee awoodda badnayd ka dib dadkii Soomaaliyeed Adduunyada ayay u hayaameen, waxaanna nasiib u yeelannay inay nagu soo qaxaan qayb ka mid ah Ummaddii Soomaaliyeed annagu na waan soo dhawaynay in kastoo aanan lafteennu dhaqaala buuran lahayn hadda na Afrikaan danu hayso ayay noo ahaayeen gogol ayaanna u fidinnay. Soomaalidi waddanka ayay ku faaftay qoys ka mid ah Soomaalida hayaanka ah, ayaa soo degay guri aan magaalada ku lahayn, waa na ka kireysannay markii aan is barannay oo aan is dhex galnay akhlaaqdooda iyo dhowrsanaantooda aan ku qanacnay ayaa waxaa Eebbe qaddaray oo sabab uga dhigay in qoyskii aan ka dhashay ee aan anigu ka midka ahaa ay soo Islaamaan dhammantood oo ay Toowxiidka noo qabtaan qoyskii Soomaaliyeed ee aan soo dhawaynnay sidaa na aan Islaam ku noqonno.

“Diintii islaamka” ayay si wanaagsan noogu turxaax bixiyeen noo na fahansiiyeen ilaa aan garto inaan aqoon kororsi Diinta Islaamka ku saabsan u aado waddanka Sacuudi Carabiya gaar ahaan magaalada barakaysan ee “Maka” hadda na anaa ah daaci u adeegaya dar Ilaahey waxaan aaminsanahay haddii aan dowladdii soomaalia burburi lahayn “Diintu” na ma soo gaarteen! Waa na hanuuniyayaal Eebbe noo soo diray Soomaalidu waa dad qur’aanka iyo sunnada Nabiga (S.C.W). xambaarsan waa na dad Ilaaheey karaameeyay ka na wada dhigay ummad Muslimiin ah dhammaantood
qixitaankii ay adduunyada ku qaxeenna waddan kasta waxbuu ka faa’iiday runtii qaar xun way ku jiraan sida bili-aadamka kale laakin inta wanaagsan ayaa ka badan inta xun waxaan hubaa haddii aan dowladii Soomaalia burburi lahayn Diintu meela badan ma gaarteen, marka waxaan khudbadayda ugu doortay magac bixitaan qallafsan ee ah “Soomaalia Allow dowlad la’aanta ku sii haay.”

Waa abaalka aan u haayo dadka soomaaliyeed!
magac bixin kan ka wanaagsan ka na qurxoon waa u doori lahaa laakin ka naa dareen gooniya xambaarsan. waxaad na ogaanaysaa marka aad u kuur gasho macnaha ku jira! Ducadaan mar na habaar ah mar na anfariir!! Hadda ba waa dhacdo dhab ah. waxaa na iiga sheekeeyay Sheekh saaxibkay ah oo markaa goob joog u ahaa arrintaan yaabka leh anna waxaan jeclaysatay inaan qalinka ku weeleeyo. Waa arrin mar na kaa nixinaysa mar na kaa farxinaysa. Maxaa yeelay haddii lagu yiraa “Soomaalia Allow dowlad la’aanta ku sii haay.” aad ayaad u naxaysa una xanaaqaysaa sababtoo ah qof nimadaada, qalbigaaga, iyo jaceylka aad u qabto dadkaaga iyo dalkaaga ayaan kuu oggolaanayn inaad hadalkaa adag sii dhagaysato sii na maqasho. Laakin marka si dhab ah laagaaga sheekeeyo tusaalaha ku jira aad dhuuxdo, waxaad ogaanee inay jiraan dadyow jecel dadka Soomaaliyeed abaal na u haaya iyo inay jiraan dhiig Soomaaliyeed oo u taagan kor u qaadidda “Diintooda iyo Sharafta dadkooda Soomaaliyeed” ummadaha kale na kula dhaqma wanaag iyo ixtiraam oo aaminsan inay yihiin safiirro mar na Diintooda gudbinaya.
Mar na sharafta dadkooda iyo dalkooda gudbinaya!

Hadda ba adigu ma ogtahay in labadaa waajib ku saarantahay lagaa na doonayo inaad noqoto tusaale lagu daydo! dadka aad la nooshahay ee kaa dhaqan duwan kaa dabeecad duwan kaa Diin duwan kaa af duwan kaa na hidda duwan ixtiraama, xushmeeya, adigoo taadana dhowraya toodana ku xushmaynaya si taadu kuugu nabad gasho, qofkii aad ka reebi karto halaagga na ka reebaya si xil kas iyo xushmadi ku jirto!”

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN