Soomaaliya waxay maraysaa qarnigii 16AAD! WQ: Hassan Mudane

 unnamedSoomaaliya waxay maraysaa qarnigii 16AAD!

Dib u eega taariikhda waa laga dabqaataaye” (Abwaan Shube)

Prof. Dr. Paul Collier oo ah qoraaga buugga ‘Beyond the Bottom of Billion’ wuxuu yiri “Waddamada soo koraya [Sida Soomaaliya] waxay nool yihiin qarnigan koow iyo labaatannaad balse xaqiiqdu waxay tahay in ay soo marayaan qarnigii afar iyo tobanaad.” Bal aan kuu tilmaamo tusaale caddeyn u noqon kara waxa uu qoraagu sheegayo. Markaad eegto qarniyadii afar iyo tobannaad illaa sideed iyo tobannaad dadka reer Yurub waxay u dhiman jireen shuban biyood balse maanta oo ah qarnigii koow iyo labaatannaad, shuban biyoodkaas waxaa u dhinta oo welina u dhimanaya dad badan oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.

Qormadan waxaan ku soo gudbinayaa dood cusub oo aan doonayo in aan ka furo arrimaha qaaradda Afrika gaar ahaan Siyaasadda Soomaaliya. Doodayda koowaad waxay leedahay: Hadaad isbarbardhig ku samayso adiga oo ka dab qaadanaya taariikhdii, noloshii iyo xaaladdii ay soo mareen reer galbeedka gaar ahaan Midowga Yurub, qarnigii lix iyo tobannaad iyo nolosha ama xaaladda aynu hadda ku suganahay waxaad ogaanaysaa in Soomaaliya ay soo marayso qarnigii lix iyo tobannaad balse ay iska nooshahay qarnigan koow iyo labaatannaad.

Haddase, maxaan sidaas u leeyahay? Bal aan wax yar kaaga warramo sidii ay ahayd noloshii reer Yurub gaar ahaan billowgii qarnigii lix iyo tobannaad. Billowgii qarnigii lix iyo tobannaad Yurub waxay ku jirtay nolol aan qurux badneen waayo xilligaas waxaa jiray dagaal diimeed u dhaxeeyey wadaadka ugu sarreeyo ee kaniisada iyo boqorka Faransa, Jermani, Ingiriiska iyo Iswiidhan. Boqoradaas waxay wadeen kacdoon ay kaga soo horjeedeyn maamulkii kanniisada, taasina waxay sababtay dagaal qaatay muddo dhan soddon sano. Dagaalkaas wuxuu sababay burbur, qaranjab, barakac, gaajo iyo abbaar, caafimaad darro, dhaqaale xumo, sadbursi siyaasaddeed, kalsooni darro u dhaxeysay bulshada iyo kala qobqobnaan.

Ka hor dagaalkaas, Yurub waxaa ka jiray nidaam ku dhisan maamul dhexe, tusaale waxaa awoodda ugu sarreeyo haystay wadaadka ugu sarreeya ee kanniisada, waxaa ku xigay boqorka oo asagana ahaa madaxa boqortooyada, waxaa ku xigay waaliga oo asagana ahaa madaxa goballada. Amarka ama go’aanadda siyaasaddeed wuxuu ka imaanaayey wadaadka ugu sarreeyo kanniisada illaa wuxuu hoos ugu daadagaayey waaliga, sidaas ayay isugu xirneed maamulkii dhexe ee Yurub.

Dagaalkaas waxaa sababay qaar ka mid ah waddamada Yurub sida Faransa, Jermani, Ingiriiska iyo Iswiidhan oo xilligaasi dalbanaayey maamulka ka madax bannaan wadaadka kaniisada. Dagaalkaas kaddib waxaa jiray heshiis taariikhi ah, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii; heshiiskaas waxaa la oran jiray Heshiiskii ‘Westphalia’ wuxuuna dhacay sanadkii 1648. Taariikhyahanadu waxay ku tilmaamaan heshiiskaasi in uu sabab u ahaa curashada nidaam siyaasaddeedka cusub ee hadda dunida ka jira. Wixii ka dambeeyey heshiiskaas Yurub waxay noqotay mid kala qeybsan oo kala madax bannaan.

Haddaba, ma rabo in aan waqti badan kaaga lumiyo ka sheekeynta taariikhdaas balse waxaan rabaa in aan wax un kaaga faahfaahiyo Yurubtii nooleed xilligaas, sidii ay u noolayd iyo hab-dhaqan siyaasaddeedkoodii. Waxay kuu noolaayeen nolosha aan hadda ku nool nahay oo kale sida: Dagaal, burbur, qaranjab, barakac, abbaar, caafimaad darro, nadaafad xumo, dhaqaale xumo, sadbursi siyaasaddeed, midabtakoor, kalsooni darro u dhaxeysay bulshada iyo kala qobqobnaan.

Dhanka kale, haddaad eegto Soomaaliya gaar ahaan wixii ka dambeeyey dagaalkii sokeeye ee 1991. Soomaaliya weli waxay ku jirtaa: Dagaal, burbur, barakac, abbaar, caafimaad darro, dhaqaale xumo, sadbursi siyaasaddeed, midabtakoor, musuqmaasuq, kalsooni darro u dhaxeysa bulshada iyo kala qobqobnaan.

Siyaasadda Soomaaliya

Doodayda labaad waxay leedahay: Haddii mustaqbalka fog aan laga xorreyn Siyaasadda Soomaaliya labo cadow oo kala ah: Wadaad xume iyo Qabiil, lagama filan doono Siyaasadda Soomaaliya is-beddel weyn oo bulshada u horseeda nabad, caddaalad, kalsooni, siyaasad wax soo saar leh, wada noolaansho ku dhisan xushmad iyo is-aamminaad taas oo wada gaari karta dhulka Soomaalida degto. Dhanka kale, haddii Siyaasiga Soomaaliyeed uu noqdo mid xor ah oo ka madax bannaan qabiilkiisa iyo faragelinta wadaad xume, uuna noqdo Siyaasi ku abtirsada bulshada balse uusan noqon mid ku abtirsada qabiilka, waxaa suurtagal ah in uu bulshada ku hogaansho siyaasad ku dhisan rabitaan bulsho, lana yimaado siyaasad wax soo saar leh.“Noqo Siyaasi ku abtirsada bulshada intii aad noqon lahayd mid ku abtirsada qabiilka”

Marka aan leeyahay siyaasadda Soomaaliya ha laga xorreeyo wadaad xume, u lama jeeddo wadaada Soomaaliyeed kuwooda wanaagsan ee bulshada bara diinta iyo dhaqanka islaamka balse waxaan ula jeeddaa kuwa diinta ku dhex wada dantooda iyaga oo diinta u adeegsada sida aallad oo kale, si ay ugu dan gaaraan. Sidoo kale, marka aan leeyahay Siyaasiga Soomaaliyeed ha noqdo mid ka madax bannaan oo xor ka ah qabiilkiisa, waxa aan ula jeeddaa in siyaasiga Soomaaliyeed uusan noqon mid ku tiirsan kana shidaal qaata qabiilkiisa, waayo haddii Siyaasiga Soomaaliyeed uu noqdo mid dhageysta waxa qabiilkiisu sheegayo ama uu noqdo mid ku abtirsada qabiilka, sidoo kalena uusan weli garan iskana furfurin silsiladda qabiil ee ku xiran kuna xeeran, waxaa suurtagal ah in uu bulshada ama waddanka ku hogaansho siyaasad ku dhisan caddaalad darro, qabyaalad iyo Siyaasad aan wax soo saar lahayn.

Sideedaba, hadaan isweydiino maxaa dib u dhigay bulshada Afrika gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed? Qabiilka iyo abtirsiimaha ay bulshadeenu adeegsato wuxuu ka mid yahay waxa dib u dhigay oo ka reebay dunida horumartay. Qabiilku waa wax aynu anagga abuurnay ama ay bulshadu dhistay balse maahan wax cirka inagaga yimid. Markaad eegto dadka ku nool dunida horumartay, maba tirsadaan mana garanayaan tobanka awoowe ama abtirsiimaha aynu anaggu abtirsano kaliya waxay garanayaan qoyskooda iyo qarabadooda sida: Awoowe, Aabbe, Hooyo, Walaal, Eeddo, Habaryar, Adeer iwm. Laakiinse intaas wixii ka badan kuma abtirsadaan. Tusaale, waddankan aan hadda ku noolahay ee Turkiga waxa jira oday aan saaxiibo nahay, waxaan weydiiyey su’aal ahayd: Yaad tahay? Markaas ayuu igu dhahay waxaan ahay Türk ama Turkish. Waxaan markale ku dhahay bal soo abtirso? Ma aamminaysaa! wuxuu dhaafin waayay magaca Awoowgii. Balse odayga Soomaaliyeed ee ku nool miyiga haddaad ku dhahdo soo abtirso, durbadiiba wuxuu tixi karaa illaa toban awoowe!

Haddase, maxay tahay farqiga u dhaxeeya labadooda? Kaliya farqiga u dhaxeeya waxay tahay, mid wuxuu ku soo barbaaray bulsho iyada isku abtirsata balse aan ku abtirsan qabiilka, kan kalena wuxuu ku soo barbaaray bulsho ku abtirsata qabiilka. Mid wuxuu nool yahay oo uu la jaanqaadayaa casriga cusub ee dunida, kan kalena wuxuu iska nool yahay qarnigan koow iyo labaatannaad balse wuxuu soo marayaa qarnigii lix iyo tobannaad!

WQ: Hassan Mudane

Qoraaga Buugga Sirta Guusha

Mudanep5@gmail.com 

SHEEKOOYIN