SOOYAALKA IYO SIIYAALKA: WAA MAXAY KAALINTOODA HORUMARKA?

 

 

Yuusuf

SOOYAALKA IYO SIIYAALKA: WAA MAXAY KAALINTOODA HORUMARKA?

 

       Cunsurka SABAN-ku waa falgal aad u muhiim ah, waana tiir ka mid ah dhidibbada asaasiga u ah jiritaanka adduunka. Sida cunsurka DHUL-kuba muhiim ugu yahay nolosha aadmiga ayuu SABAN-kuna daruuri ugu yahay baaqi ahaanshaha insaanka. Si ay ummadi ILBAXNIMO ama HORUMAR u sameyso waxaa lama huraan u ah in ay helaan DHUL ay ilbaxnimadaas ku yagleelaan, WAQTI ay ilbaxnimadaas ku qotomiyaan uguna sameeyaan rukunno aad u adag oo ay ilbaxnimadaasi ku istaagto.

 

Sida maqaalkeynnaba ka muuqata, SABAN-ku waxa uu kaalin weyn ka qaataa horumarka uu insaanku tiigsanayo. Waxa uuna u qeybsamaa sidatan soo socota:

  1. SOOYAAL(PAST): oo ah waqtigii lasoo mooday; waxa uuna isugu jiraa laba arrin oo kala ah: GUUL iyo GUULDARRO. Guusha iyo guuldarriduna waxa ay door weyn ka ciyaaraan HORUSOCOD-ka ama DIBUSOCOD-ka ummadeed. Tusaale: umaddii sooyaalkeeda ka soo hooysay guulo badan, waa ummadda leh DOONIS ay horay ugu socon karto; sababtoo ah ummaddaasi waxa ay isku daydaa ama ay ku dadaashaa in ay ilaaliso guulihii ay ka dhaxashay sooyaalkeeda. Balse, ummaddii guuldarro kala kulantay sooyaalkeeda; fashalkaasu waxa uu sabab usii noqon karayaa jab kale in ay waajahdo. Culimada ka hadasha Kobcinta Insaanka(Human Development) gaar ahaan kuwooda ka hadla Borogaraaminta Luuqadda Dareemaha Maskaxeed(Neuro Language Programming) ayaa aad ugu dooda in dhacdooyinka uu soo maro insaanku saameen aan la dhayalsan karin ay ku leeyihiin noloshiisa. Waxa ayna ku taliyaan in lagu dadaalo borogaraaminta luuqadda dareemaha maskaxeed ee carruurta gaar ahaan inta ay yaryar yihiin laguna borogaraamiyo afkaar abuuri karta ama ku dhiirigelin karta dhallaanka in ay guulo aad u waaweyn hiigsadaan. Baaris-cilmiyeed la sameeyey ayaa lagu ogaaday in carruurtu marka ay jirsadaan 5 gu’ 95%(sagaashan iyo shan boqolkiiba) in ay carruurtaasu cabqariyiin yihiin, marka ay gaaraan 12 gu’na 5%(shan-boqolkiiba) kaliya ayaa xafida sifada cabqarinnimada. Shantaasuna waa kuwa helay borogaraamin sax ah, borogaraaminta dhallaankana waxaa qeyb ka qaata kannaalla badan, sida:

–       Qoyska(waalidka, walaalaha, iwm),

–       Dugsiga/iskuulka(maamulka, macalimiinta, ardayda, iwm),

–       Saaxiibbada(kuwa xaafadda, iskuulka, masjidka, iwm),

–       Isgaarsiinta(barnaamijyada laga tebiyo raadiyaha, tv-ga, sidoo kale kuwa lagu baahiyo intarneetka; facebook-ga, twitter-ka, iwm),

–       Xisbiyada Siyaasadda(cilmaani, islaami, libiraalli, iwm),

–       Xarakaatka Diiniga ah(Wahaabi, Ikhwaani, Takhfiiri, iwm),

–       Dariiqooyinka Suufiyada(Qaadiriya, Axmadiya, Saalixiya, iwm).

Haddaba, ummaduhu waxa ay u koraan ama ay u barbaaraan sida carruurta oo kale. Borogaraaminta ummadahana waxaa qeyb-libaax ka qaata guulaha ay hantiyeen iyo guuldarrooyinka ay la kulmeen. Bulshadii baraarugsanna waxa ay ku dadaashaa in ay ilaaliso(qorma iyo oraahba) guulihii iyo guuldarrooyinkii soo wajahay; guulaheedii hore waxa ay ku dhiirigeliyaan sii baacsiga guulo kale oo hor leh, halka guuldarrooyinkeeduna u yihiin duruus iyo cibrooyin ay ku tusaale qaadato si aynaan qaladaadkaas mar kale usoo noqon.

  1. SIIYAAL(FUTURE): oo ah waqtiga soo socda oo aanan weli la gaarin. Siiyaalku aadbuu muhiim ugu yahay horumarka aadmiga, muhiim ahaanshihiisuna waxa ay gaartay heer culimada qaar soo hindisaan cilmi lagu magacaabo cilmiga mustaqbalka/siiyaalka(Futurology), oo ah cilmi daraaseeya mustaqbalka iyo sida uu ahaan doono ama si kale haddaan u dhigno siiyaalka waxaa aad uga hadla cilmiga istaraatiijiyada ama daraasaadka istaraatiijayadda(The Strategic Studies). Siiyaalku waxa uu noqday qeyb weyn oo taariikhda ka mid ah, ummadaha qaar(gaar ahaan kuwooda horumaray) waxa ay qorsheeyaan 100, 200 ilaa 300 sano oo soosocota waxa ay rabaan in ay gaaraan, sida ay doonayaan in ay u ekaadaan, doorka ay jecelyihiin in ay ka dheelaan masraxyada quruumaha adduunku ku tartamaan. Ummadahaasuna waa seddax:

–       Bulsho boos fiican ka heysata baratanka adduunka, oo ku jirta shanta dawladood ee ugu horreya dhanka Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada, Isgaarsiinta, Ciidanka, Tikniloojiyadda, Iyo Waxbarashada. Bulshooyinkaan ku jira kaalinta 1aad waxa ay ku dadaalaan in ay kaalintoodaas sii xajistaan, mid kastana waxa ay qorsheeysaa in ay noqonto midda huggaamisa dawladaha ku jira kaalintaas.

–       Bulsho boos wanaagsan ka heeysata loollanka adduunka, balse aanan ku qanacsanayn booskaas, waa bulsho dooneysa in ay ku biirto kooxda huggaamisa loollanka adduunka. Muruq,maskax iyo maalba waxa ay ku bixisaa waddadii ay ku gaari lahayd kaalintaas 1aad oo ay uga mid noqon lahayd shanta ummadood ee dunida hormuudka u ah.

–       Bulsho boos liita ka taagan isriixriixa bulshooyinka adduunyada, ahna bulsho baraarugsan oo og waxa ay dunidaan u joogto, halka ay ka joogto, halka laga rabay in ay joogto; isku soo duube waa bulsho dareensan booskaanu in uusan ahayn boos gobeed balse yahay boos gunnimo. Sidaasna, ummaddaanu waxa ay u qorsheeysaa sidii ay uga guuri lahayd booskaan una deegaansan lahayd boos ku habboon ama guryasamo.

 

Seddaxdaan bulsho inta kasoo hartayna waa bulshooyinka lagu loollamo dushooda si kheeraadkooda loo boobo; kuwaanna waxaa ugu horreeya Afrikaanka, Muslimiinta, Carabta, Eeshiyaanka marki laga reebo dawlado yar sida Shiinaha, Hindiya, iwm.

Si ay ummadi u ogaato heerka ay dunida ka joogto waxaa lama huraan ah in ay u dhug lahaato afar dhinac; waa in ay isku sameeysaa waxa loo yaqaano “SWOT ANALYSIS” , afartaas dhinacna waa:

I.         Meelaha Ay Ku Sarreyso (Strengths): oo ah dhinacyada ee ka xooggantahay si ay usii xajisato jaanibyada ay ku xooggantahay.

II.         Meelaha Ay Ku Hooseyso(Weaknesses): oo ah dhinacyada ee ummaddaasi ka liidato si ay liidnaantaas ugu bedasho xoognaan.

III.         Fursadaha Ay Heysato (Opportunities): oo ah fursadaha hor yaalla ummaddaas, ee looga baahanyahay in ay ka faa’iideysato.

IV.         Qatarrada Ku Soo Foolka Leh (Threatens): oo ah qatarrada ku hareereysan ee nolosheeda halis gelin kara; qatarradaasu ha noqdeen kuwa insaan kale ku hayo (dagaal, goodis, dhulboob, faragelin, iwm) ama masiibooyin dabiici ah(daadad, dhulgariir, duufaan, abaar, cudurro, iwm), si ay uga hortagto qatarradaas uguna beddasho fursado iyada ku habboon.

 

U dhug lahaanshada afartaan qodob waxa ay door weyn ka ciyaaraan wanaagsanaanta siiyaalka ummaddii u dareen lahaata qodobbadaan, balse ummaddii dammane ka ah siiyaalkeedu ma qumanaado. Qeybintii cunsurka waqtiga waxa innooga haray qeyb aan ugu magac dhabay (Saakayaal):

  1. SAAKAYAAL(PRESESNT): oo ah waqiga saakay taagan, waqtiga saakay taaganna waa isku dhafka SOOYAAL-kii tegay iyo SIIYAAL-ka soo socda; waa barta ay iska jaraan ama ku kulmaan Sooyaalka iyo Siiiyaalku. Waqtiguna waa silsilad isgureysa, oo saakay wixii yaalla waxa ay berrito isku bedalaan sooyaal, wixii siiyaalka ahaana waxa ay berrito isku rogayaan saakayaal. Sidaas aawadeed, ayuu saakayaalku u leeyahay muhiimad aad u ballaaran, waana geedfadhiga lagu daraaseeyo sooyaalka iyo siiyaalka ama waaba laabka lagu baaro natiijooyinkii sooyaalka laga dhaxlay iyo qorshayaasha siiyaalka ee la damacsanyahay in la iskudubarido si loo taabageliyo.

 

Ugu dambeeyn, kaalinta horumarineed ee sooyaalka iyo siiyaalka waa is weydiinta iyo jawaab u helidda su’aalahakan:

  1. Maxaa inoo soo hagaagay?
  2. Maxaa innaga soo qaldamay?
  3. Sidee usii hagaajinaa wixii horay noogu soo hagaagay?
  4. Sidee u saxnaa wixii horay nooga soo qaldamay?
  5. Halkee ayeynu joognaa maantay? Guryasamo mase Gabaaddiir?
  6. Halkee ayeynu dooneynaa in aynu gaarno sanaddada soo socda?
  7. Sidee ku gaari karnaa barta aan dooneeyno?
  8. Maxaa innaga liita? Maxaase inoo hagaagsan?
  9. Maxaa inna hortaagan oo ku gudban waddada aynu ku soconno?
  10. Maxaa innagu kaalmeen karaya kusii socoshada waddada oo aynu kaashanaa?

Su’aalahaan iyo qaar kaloo badanba jawaab u heliddooda kaalin mug weyn leh beey ka qaataan horusocodka ummadaha/dawladaha, jawaabaha su’aalahaanuna waa falaaqeynta sooyaalka iyo odorosidda siiyaalka bulsho si saakayaalka bulshadaasu u wanaagsanaado waqti walba. Sidaa daraaddeed, ogaal u lahaanshaha sooyaalka iyo siiyaalkuba waxa ay qeyb weyn ka qaataan quruxsanaanta saakayaalka, dhanka kale ka damanaanshaha labadaas waqtina waxa ay horseed u noqdaan foolxumada saakayaalka; waana tan haysata ummadaha laga tagay oo ay fanka hore kaga jirto ummaddeyna Soomaaliyeed. Hadaba, sidee ummadda Somaalidu wax uga baran kartaa sooyaalkeedii tagay misna u saadaalin kartaa siiyaalkeeda/mustaqbalkeeda dhaw iyo midka fogba?

 

W/Q: Mohamed Yusuf Ali Abtidoon, Khartoum – Sudan.

E:-mail: abtidoon01@outlook.com/abtidoon01@gmail.com

Taariikhda: 05/08/2015

SHEEKOOYIN