Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q 25AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q 25AAD.

 

Samatar

Ilbir wuxuu go’aansaday, inuusan cid kale wax u sheegin, samatarna wuxuu ka codsaday inuu afkiisa haysto, isaguna wuxuu u dhaqaaqay siduu 24 saacadood gudahood ku baajin lahaa colaad, sidoo kalena dambi ugu oogi lahaa Barroow oo colaad hor leh oo dhinac kale ah ugu abuuri lahaa, Hodana u badbaadin lahaa:

 

Ilbir wuxuu u tegay, Qaare habeennimadii waxaa la degay shax, waxaa loo tegay Oday Caraale adeer labaad ugu began(Aadan) Hodan waxaana loo ballanqaaday lacag uusan maleysanayn, iyadoo loo sheegay inuu Barroow gabadhoodii diley oo uu qariyey meelna uusan ku sheegin, haddana uu doonayo inuu dadka madaxa isu geliyo, inuu arrinkaas beeshiisa ka dhaadhacsiiyo, colaad hor leh iyo garna ku furo Ganacsade Barroow.

 

Oday Caraale iyadoon waagu beryin ayuu u tegay, Hodan Aabbaheed Hiirad oo bannaanka ula soo baxay, Oday hiirad waa nin reero badan, war iyo wacaalna uma hayo ubadkiisa, maalinba mid dhintey iyo mid dhoofey iyo mid guursadey ayaa looga warramaa, waa dhaqanka odayaal badan u yaqaanan ragganimada, isagoo arrinkii la yaaban, ayuu u sheegay inay gabadhooda diyadeeda doontaan iyo weliba haddii kale foodda lays daro.

 

Oday Hiirad hungurina waa galay waana yara murugoodey, hase yeeshee beer naxaa kuma yaalle wuxuu u qalab qaatey inuu Ganacsade Barroow buurta kala dhaco, Oday Caraale oo hawshiisii fushay ayaa waaberigii isu keenay toban oday oo uu xalay mirey dhammaantoodna ka soo dhaadhiciyey arrinkii loo wakiishay.

 

Subaxnimadii ayaa lagu jarmaaday gurigii Barroow, iyadoo la wargeliyey inuu raq iyo ruux meel ku sheego gabadhoodii,

 

Ganacsade Barroow oo isla quman ayaa yidhi:

“ Gabadhii mudaba xaalkayagu ma fiicneyn, ninbaa nagu dhex jirey, ka dib gurigay joogi jirtey, markii dambena way baxsatey meel kuma sheego, haddana waxaa noo madlan, inaan maanta bur iyo biyo u kala baxno, annaga iyo reer Darruur oo Korneylka waa la hadlay, waqtigaan u qabteyna waxaa u hadhay 12 saacadood, berri subaxnimada waxaan ku qaaddayaa weerar”

 

Oday Carraale ayaa intuu istaafay yidhi:

“ Arrimahaaga ganacsi iyo awoodaada nooga sheekee kumaanan dhihine aaway gabadhii aad naga guursatay iyadoo nool, haddaad dishay qabrigeeda na gee, midna kaa dhegaysan mayno, gabadhayada inaad xumaan ka sheegto, adigoo dilay, waadna ogtahay dhiigeeda ma lihid ee dhaqankeeda ayaad leedahay, adigu waxaad haysataa 2 saacadood, haddaadan nagala soo eekaanin arrinkaasna, Adeer na fillo”

 

Oday Carraale oo madfacuu doonayey riday ayaa salka boodhka ka jaftay, Odayadii kalena waa oogsadeen.

 

Ganacsade Barroow, ayaa waagu ku baryey, wuxuuna arkay inuu dhiiqo lugaha la galay, xaalkuna ku ciirsan yahay,sidoo kale Barroow wuxuu oggaaday, in hadduu tolkiis kala qaybsamo aysan dantiisu ku jirin, Odayada u hanjabeyna ay yihiin kuwa uu awoodooda ku xisaabtamayo, Beesha hoose ee uu ka dhashayna aysan u dulqaadaneyn oo isaga ka soo horjeesanayaan.

 

Barroow ayaa wuxuu la hadlay dhawr qof oo taageerayaashiisa ah, markuu u sheegayna afkay gacanta saareen, waxayna yidhaahdeen waa nalaga gar joogaa, ee gabadhii waa inaan raq iyo ruux keena, waa inaan Korneylka u tagnaa oo barrinaa, kana xaal marinayaa hadalkaagii xalay.

 

Korneylka oo gurigiisa hor fadhiya ayaa waxaa albaabka uga soo galay, Xirsi dheere iyo Geedi lugey oo wada socda, fadhiga ayuu korneylkii ka kacay, maadaama nabaddoone ka socda dhinacay is khilaafsanaayeen u yimaadeen, markii la wada sheekaystay wareysi iyo kaftan ka dib ayaa loo sheegay inay ergo ka yihiin, Barroow, galliin iyo hoyaatina ka yihiin, gefkii xalay ee hadalkiisa, nabad iyo wanaagna wadaan.

 

Korneylka oo yaaban waxaa is beddelay ayaa yidhi:

“ Aniga maxaa iiga aadan hawshiina oo aan qabtaa?

Xirsi ayaa hadalkii qabsaday oo yidhi:

“ Kor waayeel waa wada indho, Barroow waxaannu ka wadnaa nabad, adigana waxaannu kaa rabnaa gabadhii oo bedqabta, ergaannu nahay, erga nabadeed baanu nahay, arrinkaanu u soconaana waa mid islaax iyo wanaag, waxaad tahay nin aannu wanaag ku baraney, dhallinyaradiina adiga u oday ah, Odayna meeshuu joogo waa u Ood, ee waxaannu kaa dooneynaa, inaad arrinkaas noo fududeyso”

 

Korneylkii oo yaaban ayaa yidhi:

“ Gabadha meel kuma ogi waase raadinayaa, waana idinka gudoomey ergada, ballana waxaa igu ah, wixii wanaag iyo walaalnimo ah inaan hagran, balse hadda meel kuma ogi, mana ihi nin marwo nin qabo afduubta ama isagoo og ka aamusa”

 

Odayadii warsan iyo weedhsan ayaa laysku raacay, waxaana lagu kala tegay inuu Hodan wax ka raadsho, iyaguna ay intaa wanaagga ka shaqeeyaan.

 

Korneylka ayaa wuxuu garan waayey isbeddelka meesha uu ka yimid, sidoo kale wuxuu oggaaday, in baryootankan odayada uu ka dambeeyo Barroow, Korneylkii ayaa ku jahawareeray shaxda iyo jar duqeedka ay ciyaarayaan, Barroow iyo Ilbir.

 

Ilbir wuxuu dabagal ugu dhaqaaqay isaga iyo Qaare nimankii basaasi jirey, waxaana caddaatey iney yihiin Axmed Askari iyo Saaxiibkiis Daahir, ka dib markii la buha buheeyey, waxay sheegeen in lacag la siiyey, waxaana loo dhiibey Hanad inuu xidho garaaco oo ka soo saaro, meesha laga helayo, Abu Salmaan iyo Dalmar.

 

Samatar yare oo goor duhur ah intuu Iskool ka soo baxay usoo socda dhinaca, guriga ayaa arkay, Hodan iyo saaxiibteed oo indho shareeran, Hodan baa isu sheegtay, waxayna tidhi hay sheegin, Samatar waa xog ogaal, markaasuu uga warramay in xaalladu xuntahay, waxayna ka codsatey inuu ka caawiyo, qaabka ugu fudud ee ay ku tegi karto dalalka deriska ah, si ay socodkeeda usii ambaqaado, waxayna farriin u fartey, Ilbir inuu habeenimada meeshaas ugu yimaado.

 

 

La soco qaybaha dambe

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.