Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q13AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q13AAD.

 

Samatar

 

Samatar markaan waa laga wareejiyey gurigii dunsanaa, ee ay qolka ka deganaayeen, waxaana loo wareejiyey guriga Korneeyl Cirfiid, oo aan carruuri joogin, halkaasoo uu ka helay gabbaad iyo nolol wanaagsan. Sidoo kale, waxaa ku biirey ciidankii Ilbir Doolli, oo markan noqday nin gaashaanqaad ah.

Dalmar ayaa habeen habeennada ka mid ah, wuxuu dhegaystay, muxaadaro ka hadlaysa, Jihaadka, weliba waxaa loo shiday muuqaallo laysku jarjaray, oo aad loo farsameeyey, lagana soo duubay oo dagaallo iyo tacadiyo dad loo geeysanay , kuwaasay ku jiraan kuwa laga soo xulay fillimmo dagaal iyo kuwa la metelay. Aragti ugu weyn ee muuqaalladu soo gudbinayen ayaa eheed, in aadan noqon qof naxariis leh, ee damqasho iyo dareen qalbigiisa ku jiraan. Waxaa Dalmar dhegihiisa si wanaagsan ugu dhibcay hadalkii wadaadkii yidhi:

“Qofka daallinka ah, ee aad taqaanno, dilkiisu waa ka ajar badan yahay midka aadan aqoon, waayo, waxaad bulshada ka qabatay, bahal horor ah, oo aad adigu ogeyd halistiisa!” waxaa lagu shubay in uu dilka ka billaabo sida ay dadku u kala xigaan qaraabo iyo aqoon, taas oo ajar badan iyo xasanaad lagu helayo!

Ababinta caynkan ayaa ah, mid ay badi adeegsadaan wadaadda jihaadka iyo jannada beenta ah dhallinta ku dagaaalgeliya, halka ay iyagu dumar guuri i aqalgal iyo Ilo xidh aroos ku jiraan. Waxay ku salaysan tahay in la abuuro sidii loo heli lahaa dhallin aan dhimrin, oo laabta ay ugu jirto kaliya wax argagaxgeli, maxaa yeelay, waxaaba diin looga dhigay in dadka la argagaxgelshaa, ay ka mid tahay walxaha Eebbe weyne loogu dhawaado.

 

Habeenkii Dalmar markuu sariirtiisa tegay, wuxuu qorsheystay inuu ka billaabo dilka Hanad, maadaama, uusan awoodin inuu Ilbir haweysto, oo weliba u dhigo dabin halisa. Waqti xaadirkan Dalmar wuxuu si toos ah ugu biirey kooxo loo tababarayo inay noqdaan Mujaahidiin!

Habeenkaas ka dib ayuu wuxuu Dalmar maleegay dabinkii lagu dili lahaa Hanad iyo Doolli midkood, wuxuuna isaga soo dhigay sidiisii, ka dib wuxuu kula ballamay iney wada hadlaan, oo heshiiyaan, isagoo ciidan u diyaariyey.

Wuxuu rabaa inuu gaadmo iyo ku dilo dhagar, maxaa yeelay, waxay ka mid tahay dhaqammada lagu soo siiyey tababbarrada, oo uu xaq u leeyahay inuu been sheego si uu u dilo qof aan dhiiggiisu u bannaanayn!

Hanad waa nin dhiifoon, wuxuu kula ballamay goobaha ciidankoodu ka talsho, waase, ka diiday, oo wuxuu u sheegay meeshaas ineysan tegi karayn, ee uu isagu u yimaado.

Is jiid jiid badan ka dib, Doolli ayaa ka oggolaaday iney meeshiisa ugu tagaan, markuu Dalmar yidhi:

“Waxaan rabay inaan idin soo baro gurigaan deganahay, oo aan wax ku soo wada cunno, halkaasna aad iigaga war haysaan, balse, kalsooni darraa idinka muuqata waanad i nacdeen, anigu walaalkiin baan ahay!”

Qaabkani waa qaabka loo carbiyey Dalmar inuu dadka dago, oo uu malas iyo dabin u dhigo, markuu doonayo inuu fuliyo hawlgaladiisa.

Ballantii ka dib ayuu la kulmay, Abuu Salmaan, oo ahaa taliyihiisa gaarka ah, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu nimankaas khaarajiyo, lana siiyo, hubkii hawlgalka iyo ciidan dhawr ah.

Abbuu Salmaan ayaa aad ula dhacay sida uu ugu heellan yahay fulinta dhagarta saaxiibaddiis, waxaana u soo baxday inuu u adeegsado arrin ka wayn, oo ah, inuu ka takhalluso Korneyl Cirfiid, oo iyagu markaas halis u arkayeen iyo Ilbir midkood, si ay awooddooda u wiiqaan markay dilaan Taliska Kooxda Ilbir.

Dilka qofka ay u arkaan inuu liddi ku yahay aragtidooda, ha ahaado qof waxgal ah ama mooryaane, iyaga waxaa ka go’an inay qaarrijiyaan, waddo walba oo ay u mari karaan.

Waxaa loo sheegay labadan dilkoodu inuusan waxba tareyn, oo hadhoow lagu fulin doono dil toogasho ah, balse, ay madaxdoodu ka mudan yihiin. Arrintii ayaa la rogrogey, waxaana laysku af gartay in Korneylka la dilo, oo la qaarajiyo marka horre.

Dalmar arrimahan uu dhexdabaalanayo wuxuu u arkaa jidkii iyo marinkii Jannada, waana nin jidbeysan, heer uu habeenkiina ku qarwo, dharaartiina isla hadro kaligii! Habeenkii ballanta ayaa laysu yimid, wuxuuna u fididey casuumad ballaadhan, ka dib markii qorshaha la beddelay, waxayna isla tageen maqaayad, gurigiisa guri aan ahayna wuu soo tusay.

Waxay uga sheekeeyeen xaalka Samatar iyo in muddooyinkii dambe in Samatar joogo guriga Korneylka, haddana, iskool la geeyey, oo nolol wanaagsan uu galay, aadna looga jecelyahay gurigaas.

Dalmar waxaa u soo baxday fursaddii uu ku booqan lahaa guriga, kuna ogaan lahaa qaabka ugu habboon, ee loo qaarajin karo Korneylka, oo markii hore aad ugu adkayd.

Wuxuu u tegay Abbuu Salmaan, wuxuuna uga sheekeeyey xaalada cusub iyo warbixinta uu helay. Abbuu Salmaan oo isagu ah, abbaanduuliyaha fulinta dilalka dadka caanka ah, ee magaalada awoodda ku leh, ayaa aad ula dhacay shaqada uu qabtay, wuxuuna ku tirtirsiiyey, oo kula dardaarmay, inuu xidhiidhiyo Samataryare, oo soo booqdo, lana sheekaysto, hadyadona u geeyo, iskana dhigo nin Samatar lexejeclo ka hayso, maalin walbana soo gudbiyo, waxaa uu kala kulmo xaalada Korneyl Cirfiid.

Dalmar hawshii ayuu ku dhaqaaqay, wuxuuna maalin walba, oo Jimce ah booqasho ugu tegi jiray Samataryare, oo hadda noqday wiil guri iyo gacal leh, aadna looga qaddariyo guriga Korneeylka, si aad ahna loo xannaaneeyo. Korneylku wuxuu weligiiba jeclaa ILBIR ,una yaqaannay wiilkiisa curad, Samatarna wuxuu ka dhigtay, wiilka uu dhalay wiilkiisa Curad ama yaraankiisa.

Hanad iyo Doolli waxay u maleeyaan inuu Dalmar isbeddelay, oo xidhiidhkoodii walaalnimo soo celiyey, balse, midkoodna ma dareensana, inuu yahay wedkii dili lahaa iyo nin dabin u maleegaya.

 

La soco Qaybaha dambe.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN