Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q34AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q34AAD.

Samatar

Reer Kayse arrinkaas war kama aysan haynin, waxayna u qalab qaateen sidii ay arrinka loo keenay u dhiqi lahaayeen, gabadhooda cafis uga dalban lahaayeen, arooskeedana uga qayb qaaddan lahaayeen.

Laba kala bariday kala war la’ ee waxaa qaylodhaantu gaadhay, Ciidankii Ilbir iyo Korneyl Cirfiid, oo u dareemay, dadka deegaankaas iney ujeedo iyo ula kac sidaa u faleen.

War xuni dugsi ma fadhiistee, judhiiba waxaa laysla dhexmarey wixii dhacay, waxaana oogsamey dareenka beesha raggii dhintey ka soo jeedeen, waa laysu oday iyo habarwacdey, waxaana la gorfeeyey in aan wada xaajood la gelin, balse, maydka meesha laga soo qaaddo lana asturo.

Dubad oo odayada shir gudoominayey ayaa yidhi:

“ War rag waa is dilaa, waana is dhacaa, dhacdo ugub waxaa ah oo aan horrena loo maqal, Rag inta la diley la qaawiyey, Xubnaha qaarna laga jarey,   dadka sidaa falay waa dad xigaalkeen iyo gacalkeenba ah, mana jiro, utun iyo aanno ay maanta noo tirsanayaan, arrinkani waa mid keenaya cidhib xumo iyo in dagaal gumeed laysku qaaddo, waa inaan marka horre maydka aasanaa” Duugnaa” ka dibna aan ka xaajeysanaa, Bah Dareemaley waxay faleen wixii laga yeeli lahaa”

Ragga qaar baan arrinkan ku qanacsanayn oo dagaal u horranayey, balse, sidii dhaqanka ahayd, warsan ayaa la yidhi, taladii Oday Dubad, dhaqanka dadkani waa mid wadatashi iyo ku salaysan aragti is weydaarsi, marka talada la rogrogana waxaa la qaata, go’aanka quman ee kama dambeysta,   salkaa boodhka laga jaftey, inaan la degdegin oo wax la hubsadana waa laysku raacay.

Xaaskii Kayse ee Koraad ayaa markey oggaatey sida wax u dhaceen dareentey dhiillada ka iman karta haddii loo qaato in beeshoodu hawshan ka dambeysey, waxayna ogeyd, colaadii sokeeye ee horre jabkii ku dhacay reerkooda, ka dibna waxay u qalab qaaddatey inay baajiso dab iyo bello soo fufeysan, waxayna u hawlgashay inay arrinkaa ka hortagto.

Rag iyo dumarba qof garaad iyo garasho dheeri, waa jiraa waxay niyada iska weydiineysaa, waxaa sidatani idiinku dhacaysaa waa dulmigii aad gabadhii yareyd ee ugubka ahayd ka gasheen iyo talo xumadii aad kula kacdeen.

Nimaan garan wuxuu geeystay ma garowsado dhibka gaadhee, waxay talo ku soo ururuurisay inay dabagasho sidii wax u dhaceen.

Ka dib ayay dhallintii iyo dadkii ka dhawaa meesha dhabaqada iyo dhiilladu ka dhacdey xog wareysi iyo   xuuraansi ula dhaqaaqday, waxay soo oggaatey in niman “ Awr kiraale ah” oo budhcadi arrinkan fulliyeen, qolo kalena adeegsatay si iyaga iyo beeshaas kale laysaga horkeeno.

Markii arrinkaasi u caddaaday ayay dhabaha cagta saartey waxaayna baafis iyo yabooh ku gashay,barada iyo guriga Korneyl Cirfiid,waxay heedadowdaba oo kacaa kuftaba, markii dambe ayaa loo tilmaamey halkuu deganyahay, iyadoo daalan oo saaka socodkey billowday ku jirta, Haraad iyo oona la taqajiran ah, habaaska iyo boodhkuna kubkeeda qariyey, ayay albaabka soo garaacdey, waxaana ka furey ilaalladii guriga.

Waxay u sheegtay inay dooneyso Korneylka inay la hadasho lagama maarmaana ay u tahay, ilaa saakana ay baadidoonka guriga iyo yabooh u jirtey, mid ka mida ilaallada ayaa isku dayey inuu celsho, Balse, Duceysane oo albaabka taagnaa ayaa ka diiday inuu celiyo soo gudbiyey.

Isla markiiba wuxuu Duceysana aaday dhanka guriga isagoo abbaarey qolkii uu joogey Korneylka oo markaas sugayey odayaal sidii xaalkan loo soo afjari lahaa.

Korneylka ayaa markii loo sheegay, in haweenay raadinayso, la yidhaahdo Koraad isagoon garacan magaceeda iyo mida ay tahay haddana si xushmadi ku jirtey yidhi, soo geliya, Korneylka oo aad u qaddarin badnaa dhanka haweenka, ayaa qalbigiisa ay ku soo dhacdey, ma haweenki geeridu ku dhacdaa? Ma mid kale oo dhib la gaadhsiiyaa, mise waa mid danyara oo caawimo kaa rabtaa, taasoo caaddo u ahayd inuu gacan qabto cidii naf soo bidda sidii dhaqanku ahaa.

Soo gudbiya ayuu yidhi, waxaana usoo gashay haweenay diif, daal, darxumo oogadeeda ka muuqato, wuxuu markiiba dareemay   jeelka iyo jaynafka afka ka fuuley iyo inaysan ahayn ruux booqasho ah ee ay jirto baahi ay ugu timid, wuxuuna  gabdhaha ka dalbaday, in waxay cabto iyo waxay cunto loo keeno, gabadhii ugu horreysay ee cabitaanka keenta ayaa noqotey,   Sareedo, markay labada indhood ka qaaday ayay isku soo boodeen, Korneylku oo awal suureyn waayey suuradeeda iyo sawraceeda ayaa hadda gartay cidey tahay,   sidoo kalena ogaadey inay war iyo wacaal u waddo.

Hooyo iyo Hooyo ayaa layskula soo booday,   Koraadna waa iska ooydey, Sareedona waa ku ooyday, ayaa intii Sareedo garbaha ka qabtey Hooyo Koraadna ka dalbaday iney fadhiisato, way fadhiisatay.

Koraad ayaa u waana u warrantey, si quman ayuu u dhegaystey una dhuuxay hadalkeeda, waa nin dagaal caynadii,dabin siyaasadeed iyo duulan qarsoona yaqaane, markuu oggaaday inay arrintu siday filayeen ka duwan tahay ayuu wuxuu telefoon qabadsiiyey, Ilbir oo uu yidhi yaan wax tallaabo ah la qaadin.

Korneylka ayaa wuxuu ka codsaday odayaashii u yimid iney ergo odayaal tagaan meeshii arrinku ka dhacay, soona hubsadaan soo xog iyo xaal warreystaan, Oday ka mida odayada oo isagu u hammuun qabay in laysku hoobto, ayaa yidhi:

“ Korneyl waxaa iiga kaa muuqata inaad gabtey kaalintaanu kuu igmaney ee ahayd inaad dhawrto danta beesha iyo deegaankeena, ma ragga na diley baannu ergo u dirsanaa, mise war haween keenay baanu ku wax qaybsanaa?”

Korneylka oo hadalka odayga og iyo dulucdiisa ayaa yidhi:

“ Haddii lays dilona   Garasyocadde kama soke mareyside, maxaad ugu haliileysaa duulaan walaalkaa?”

Waa la wada qoslay, Dubad ayaa yidhi:

“ Waa u tegaynaa warkana meelbaan saareynaa, hase yeeshee nimankii raggii horre dilay ma fogee waa in ciidan aan dagaallamin ee na ilaalsha nalagu daraa”

Korneylka ayaa u sheegay in ciidan lagu darayo wuxuuna u gudbiyey farriintii Ilbir, waxaana go’aan lagu gaadhay in Ilbir ciidanka hoggaamiyo, si uusan u fashilmin heshiiska iyo wadahadalka loo socdo maadaama ciidanku aysan ku hor ordi karin Ilbir.

Arrinkani waa midka lagu yaqaan guurtida iyo indheergaradka inay dhan walba uga digtoonaadan wixii dhibaabe iyo dhiilo colaadeed keeni kara, balse, dhallinyaro iyo dhoohane ma dhugtaane, waxaa laysku afgartey waxaana lagu faataxeystay in waaga berigiisa la sugo.“ Wareer cawo waa loo waaberiistaa

Markii waagu baryey ee cadceedu soo baxday ayaa maydkii la aasey, Hadhkii markay ahaydna waxaa loo dhaqaaqay dhinacii deegaanta beesha kale ee wax laga tabanayey oo iyaga farriin loo direy oo dhankooda ka diyaar garoobey.

Afar baabuur oo ciidana iyo Odayadii ergada ahaa, waxay beegsado Bilcil guban oo ah beesha loo socdo oo waxoogaa magaalada ka baxsan, markii cabbaar la socdey ayaa waxaa mar qudha Afarta dhinac is qabsadey hugunka rasaasta iyo dhawaqa xoogan ee qoryaha fudud, kama madhneyn, Gariirka Baasuukayaasha lala beegsanayo gaadiidka dagaalka.

Waxaa xaalkii noqday uuro iyo qiiq qaraiyey dhulkii iyo weerar gaadmo ah oo aan lagu tashan, is difaacee oo gaadiidkii ka hoobtee ciidankii Ilbir hase yeeshee waa lagu kadiyey,kolkii la kala bariiqday, ayaa meeshu waxay ahayd waa meel Geedo badan oo hawd jiq ah,   waxaa isla judhiiba, Miino la kacdey, Gaadhigii ay wada Saarnaayeen, Dooli iyo Ilbir.

Arrintan ayaa keentay badhaqjab ciidankii ku yimid, hase yeeshee, waxay awooda saareen inay gaadiidka iyo odayada inta hadhey badbaadiyaan, waana ku guuleeysteen,Doolli iyo Ilbir Hilibkoodii iyo maryo isku dhegan maahine, Raq la suureyn karo laguma arag maydkoodii iyaga iyo wadihii baabuurka iyo Laba Oday oo la saarnaa, ayaa halkaa ku naf waayey.

Dagaalkii waxaa laysu dhigay jilibka, qoladii weerarka ahaydna waa lag aged roonaaday, dagaalka oo muddo saacad badhkeed ku dhaw soconayey ayey ciidankii ku qabteen Ilbir u kala baxeen, fool ka foolna isu wajaheen kuwii kale, ilaa ay noqdeen, wax dhintey iyo wax dhaawaca, qaarkood rasaastu ka dhammaatey iyo kuwa salbabakhay oo hubka tuureynba waxay ku qabteen nolosha.

Raggii la dagaallamayey qaar ka mid ah oo la qabtey ayaa sheegay inay yihiin ciidan Abuu Salmaan soo direy iyo inuu Dalmar hoggaaminayey haddana baabuur ku baxsaday, lalama yaabin sababta uu ku ogaaday, Ergadii odayaashii horre iyo tan dambe waayo Abuu Salmaan wuxuu ku yeeshay magaalada meel walba ciidan iyo dad caadiya, dad usoo xog warrama oo meel walba xaalkeeda uga soo warrama.

Dhibkii shalay mid ka daran baa yimid, markii Korneylku warku gaadhayna waxaa sii hulaaqday, colaadii oo gaadhay meel aad u qadhaadh, dagaalkiina weji kale ayuu yeeshay, waxaana isku riiqmay ciidamadii Korneylka oo helaya taageero kooxo qabqablayaal ah oo xulafadiisa ah iyo kooxdii Salmaan oo iyaguna helay, awood ka badan toodii oo isugu jirta wadaado iyo xer kala duwan iyo ganacsato.

 

La soco Qaybta dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr777@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.