Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q35AAD.

Samatar

 

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q35AAD.

 

Dhibkii shalay mid ka daran baa yimid, markii Korneylku warku gaadhayna waxaa sii hulaaqday, colaadii oo gaadhay meel aad u qadhaadh, dagaalkiina weji kale ayuu yeeshay, waxaana isku riiqmay ciidamadii Korneylka oo helaya taageero kooxo qabqablayaal ah oo xulafadiisa ah iyo kooxdii Salmaan oo iyaguna helay, awood ka badan toodii oo isugu jirta wadaado xer kala mawqifyo duwan iyo ganacsato.

Dagaalkani wuxuu noqday mid 20kii sanno waxii dhacay ka qasaaro badan, waayo markii horre waxaa laysku dilayey, awood sheegasho, aanno beeleed, danno dhaqaale iyo sedbursi, kanise waa mid mabaa’dii iyo arrimo siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah salka ku haya.

Dadweynuhu dawakh ayay qaadeen, waayo, meel ay u irkadaan malaha, dhinac walba dabka colaadeed waa ka saameeyey, qoys weliba tiroba 20 jeer buu qaxay, waxaa taa u dheer mar walba oo ay barakacaan, waxaa lumaya dhammaan hab nololeedkii qoyska, hantidii ma guurtada ahayd oo maalin walba burburta, la fiiqdo jiingada guudka daaraha ka saaran sidoo kale la furfurto iridka iyo daaqadaha(Dariishada) arrintan oo murugo iyo werwer bulshadu ka qaaday, haddana waa Jinni iyo Jaahil kuu taliye, waxba kama qaban karaan.

Dagaalkii wuxuu noqday, laba saf, dadweynihiina waxay la kala safteen labadii saf, oo midba aragti huwan yahay, dagaalkani ka culus kii horre waayo waxaa lagu baaqay, dagaal diimeed lagu difaacayo diinta iyo sharafta umadeed dadkana waxaa loogu yeedhay inay nafta iyo maalka huraan.

Dadku waa yeeleen intooda badanina waa la dhaceen, habsami u socodka qolyaha wadaada ah oo aad moodo inuu ka duwan yahay, habdhaqankii xumaa ee qabqablayaasha iyaguna isku cadowga ahaa dadkana ku cadowga ahaa, dadku burkaba bahal kama fila, xaalkoodu waa badhaadhe hees, marnaba maankooda maysan gelin wadaad ayaa sidan wax yeeli doona.

Abuu Salmaan iyo ciidankiisu waxay heleen Garab badan oo maalin walba waxaa ku soo biirayey kooxo shacab ah oo loogu yeedhay, halgan ka dhan ah, Hoggaamiye kooxeedyada iyo u gargaarida, hoggaanka diinta alle, baaqani waa mid qof weliba u degdegayo, waayo, dadku waa ka daaleen baaq beeleed iyo mid jabhadeedba.

Korneylka Cirfiid inkastoo uu ka mid ahaa, dadka loogu jeclaa, hoggaankooda ciidan, oo uusan dadweynaha waxyeelo badan u geeysan jirin, lagana ammaan heli jirey, haddana waa xubin ka mid ah, kooxaha dalku u kala xidhxidhnaa, haddana keligii maahine waxaa dhammaan weerar ka dhinac ah lagu qaaday, guud ahaan daafaha Gobollada in ka badan 10 Gobol dagaal u kala qaybsan,Kooxo ku abtirsanaya diimo iyo kooxo Dableey ah oo ku abtirsanayaa Beello.

Isla waqtigaas waxaa degal fadhi ku ah, Gobolka Badarwanaag, maamul ay dhisteen kooxaha qabqablayaasha ah oo ay ilaaliyaan, waddamo shisheeye iyo qaar deriska ah, maamulkan oo la doonayo inuu noqdo abqaalka dowlad loo wada dhan yahay.

Dagaalkii waa fufey waana faafey, waxaana laysku diley, barrin iyo barro kasta, qiiqa iyo holaca ayaa hadheeyey degmo walba.Hanad waa soo caafimaadey, inkastoo niyad jab weyn uu kala kulmay arrinkii geerida walaalihii, haddana yahay hoggaanka ciidanka iyo abaanduulkaba.Haddana sidaa waxba iskama beddelin   ballankii arooska Hanad iyo Sareedo inkastoo uusan u dhicin sidii la rabay, haddana waa laysu meheriyey waana laysu hooyey( Markay Sareedo umushay ka dib) waxaana wiilkii ay dhashay loo bixiyey Samatar Hanad, waxaanna laysu dhisay iyadoo labadii reer wada joogaan.

Talada ciidanka waxaa la wareegay Hanad oo markaan ka mid ah Gaashaanbuurta kooxaha dableeyda ah ee taageersan Dowladda ay dhisteen Qabqablayaashu, inkastoo qayb ka mid ah, gaadiidkii dagaalka iyo ciidankoodu ku biireen, kooxaha Abuu Salmaan, sidoo kalena waxaa ku soo biirey dhankooda   ciidamo badan oo ka soo goostay kooxihii ay ka tirsanaayeen, maadaama koox weliba laba qaybood u kala jabtey.

Taliska guud ee Ciidamada Duubleey waxaa  abaanduul u ah Dalmar oo isaguna dhinaca kale kooxa diimeedka gadoodsan ee garabka shacabka helay u ah hormuud.Xaalku wuxuu noqday mid ka duwan kii la yaqaan, magaalo walba qiiq baa is qabsaday, dalkiina waxaa dib uga curatey colaad hor leh.

Iyadoo baaxaadegaa iyo basbaaskaasi jiro, haddana marnaba maalin kama baaqan Samatar waxbarashadiisa, waana u gigsaday una gaajooday inuu gaadho heerka uu doonayey, markan ciidankii waa ka dhex baxay, oo wuxuu la degan yahay reerka Hanad iyo gabdhihii kale ee awalba soo koriyey.

Xaalku waa ka sii daray, waxaana dhammaan albaabada loo laabay goobihii waxbarashada, Samatar xaalku waa ka xumaadey oo meel la   aado ma jirto, waxaannu hadda xaalkiisu noqdey inuu joogo guriga walaalkii Hanad iyo Sareedo iyo wiilka yare e uu adeerka u yahay ee loogu magac daray.

Hodan markey maqashay Geeridii xumeyd ee Ilbir waxay go’aan ku gaadhay iney ka guurto dalka guud ahaan, Barroowna waa kala tageen oo Barroow wuxuu ku biirey kooxaha taageersan gadoodka wadaadada, sidoo kale waxaa dhammaan beeshiisu isku raacdey inuusan ku ceeboobin ee gabadha madaxeeda siiyo, si aan tolku isu nicin, arrinkaasna waa gareystay ineysan sii wada noolaan karin haweenay aan jeclayn oo rabin.

Hodan oo xor ah iyo saaxiibadeed Luul waxay ka furteen meelihii dadku u barakaceen, Isbitaal iyo xarumo dadka lagu daweeyo iyo kuwa lagu daryeelo,   waxaa ka mid noqday dadka halkaas gabaadka ka dhigtey markii dambe qoyskii Hanad oo ay la socdaan laba Samatar.

Waxaa maalin si kedis ah isugu soo baxay, Samatar oo ilmo yar oo dhaawaca la ordaya, markuu xaruntii keenay, mise waxaa joogta, Hodan ayaa isku duubtey oo meel ay ku sheegtay la’ayd, markay weydiisay ilmaha yar cida uu yahayna wuxuu u sheegay inuu ka soo helay, jidka isagoo dhaawac ah, garaneyna cida uu yahay.

Hodan ayaa tidhi kanina waa Samatar kale waa daweynaynaa, ee xageed degteen, waase side xaalkiisu, xuuraansi iyo is xog wareysi ka dib waxaa lagu ballamey in la xidhiidho, waxayna Hodan ka qaaddatey telefoonka Hanad iyo Korneylka.Hodan ayaa Korneylka la xidhiidhay kana codsatay in Samatar yare la noolaado oo ay booskii Hooyada u buuxiso,maadaama ay horre uga ballanqaaday, iyadoon taasi xidhiidhkooda waxba u dhimeyn mar walba si uu dib ugu billaabo waxbarashadiisa, korneylka oo uu baqayey Samatar ayaa ka cudurdaartey waase barridey, waxayna ballanqaaday inay booska Hooyonimo u buuxin doonto.

Samatar ayaa wuxuu dib u billaabay waxbarashadiisii, waxaannu usoo wareegay guriga Hooyadii Hodan, Samatar wuxuu doortey inuu barto Caafimaadka, sidaasoo ay tahay haddana wuxuu caawin jirey, dhinacyada xafiiska iyo diiwaan gelinta bukaanka Hooyadii Hodan iyo Habaryartii Luul.Dagaalladii waa daga dheeraadeen, Samatarna muddo laba sanno ah ka dib wuxuu awood u yeeshay inuu ka qayb qaato daweynta bukaannada iyo dhaawaca, waxaa la yaab lahayd inuu ka qibrad iyo dedaal batay dhakhaatiir shahaadooyin sare haysata, isagoo si kal iyo lab ah ugu adeegi jirey dadka tabaaleysan.

Maalin maalmaha ka mida ah,  ayaa loo sheegay inuu mushahar leeyahay weliba aad u badan oo Hay’addo Shisheeye ah oo gacan siin jirey Isbitaallada iyo waxaa u sheegay maamulka Isbitaalka, wuxuuse ka codsadey in lacagtiisa loo hayo, looguna daweeyo bukaannada uu keeno.Samatar wuxuu dhex mari jirey kaamka, wuxuuna keeni jirey dadka bukaanka dan yarta ah iyo kuwa dhaawac ah, isagoo ku dabiibi jirey mushaharkiisa iyo  dhaqaalihiisa.Waxay la yaabeen shaqaalihii shisheeyaha ahaa, inay mararka qaarkood arki jireen, Samatar oo wax aqrinaya ama waxbarashada toos uga aadaya goobta shaqada, sidoo kalena dib ugu soo noqonaya goobta shaqada, 72 saacadoodna aan wax hurdo ah seexan.

Arrintan iyadoo la yaaban ayaa waxay arkeen haddana naxariistiisa iyo xilka uu isa saaray oo aysan jirin qof markaa goobta la joogey oo xilkaasi saarnaa.Samatar ayaa noqday nin naxariis badan oo qof yar iyo mid weyn isku si u qaddariya,   qof walbaaba waa isu taaga, waxaanna loogu yeedhaa, Samatar Qadar.Magacan waxaa u bixisay Eeddo Cadar oo uu aad u xannaaneyn jirey iyadoo ku soo dhaawacantey dagaalladii markaasna aysan la joogin wax ehelkeeda ah, markaasuu saxarada xitaa ka qaaddi jirey, markuu noloshiisa uga sheekeeyey inuu dagaalkan oo kale ku dhex dhashay welina dhex joogo, iyo wixii dad ka dhintey, Aabbihii, Hooyadii, Ayeeydii, Walaalihiis,   Ilbir iyo Doolli, ayay iska ilmeyn jirtey, waxayna odhan jirtey ma tihid keligaa, aniguna Ayeeydaa baan ahay, Hodana waa Hooyadaa, eraygaas oo farax gelin jirey, Hooyo Cadar waa Aftahanad Hal abuura waana u buraanburi jirtey.

Sareeyoow noqo midkii Soomaali sug

Samatar qadaroow Saatir kuu gargaar

Sulubka dhacaciyo sirgaca saatir kaa dabool

Sareeyiyo noqo Suldaan Soomaalida xukuma.

Korneylka iyo Hanad waxay u guureen dhinaca Badarwanaag oo halkaasi awooda ciidanka dowladdu isugu tagtay, dalkana waxaa soo galay, Ciidamo shisheeye oo waddamo badan ka yimid.Dagaalkii u dhaxeeyey wadaadada iyo ciidamada dowladda, kuwa shisheeye ayaa dhinac walba gaadhay, waxaanay noqoto, muddo dheer inuu dagaalku sii daba jiitamo   xasiloonidiina lunto, Korneyl Cirfiid wuxuu ka mid noqday, hoggaamiyayaasha ciidanka dowladda ee sarsare, Sidoo kale, Hanad ayaa isaguna qaatey, tababaro dalal dibadda ah loogu direy wuxuuna noqday Sarkaal sare oo abaanduuliye ah aadna loo jecelyahay Hanad oo helay fursad qaaliya ayaa isaguna reerkiisii u raray deegaanka Bandarwanaag.

Samatar ka dib dagaalkii warbixino badan oo wanaagsan oo laga qorey, waxaa uu ka mid noqday dadka tartanka loo geliyo, inuu helo, Billad ka mida kuwa adduunka ugu caansan( Nobel Press) Samatar ayaa maalintii uu qaatay, shahaadadan, waxaa laga qaaday wareysi, waxaana la weydiiyey, sidee ayay ugu suuragashay.

“ Samatar oo ka sheekeeyey Sooyaalka Noloshiisii Sillooneyd, ayaa dhammaan caddaan iyo madoow dadkii ka qaybgelayaasha ahaa iyo kuwii daawanayey la yaabeen kana ammaakaageen, sidee bay suurtagal ku noqotey, Ilmoyar oo 3 jir ku noqday Darbijiif inuu gaadho ilaa heerkan, sidoo kale waxaa iyana cajiib ahayd su’aal uu weydiiyey wariyaha oo ahayd:

“ Inta badan Culummada cilmi nafsiga iyo Falsafaddu, waxay sheegaan, dadka ugu halista badan adduunka ee geeysta falalka guracan ee aadmi ka baxa ah, laguna xidho xabsiyada gaarka ah, marka dib loo raaco iney noloshoodu ahayd, sida tan aad adigu soo martay, oo ciil iyo cadho nolol ay ka buuxdo iyo cuqdadi ay sababtey inay sidan u noqdaan, Macangag aan lahayn naxariis, haddaba adigu xageed ka keentay inaad isu beddesho qof ka naxariis badan kuwa ku korey badhaadhaha iyo farxada.

Samatar oo weydiintan si hufan uga jawaabay ayaa yidhi:

“ Sidaan sheekadaba kuugu sheegay, waxaan ka bartey walaalkey Ilbir oo isaguna nolol adag oo qaxar ah soo maray, haddana aniga iyo walaalkay oo maanta ah Sarkaal sare oo ciidamada dowladda ah, isagu iska leh sababteeda, na siiyey fursadan oo aan ka mid noqon kuwa aad sheegayso, sidoo kale isaga ayaa ii ahaa qofka aan kaga daydo, inaan ilaaliyo dadka liita, haweenka iyo carruurta, la’aantiisna ma noolaadeen mana faleen wanaag intaa le’eg”

Samatar wuxuu noqday dadyoowga adduunka ugu caansan, waxaana dhammaan sheekadiisii Sooyaalka laga qorey qoraallo, maqaallo iyo Buuggag, iyadoo lays weydiiyey, ilmo yar oo saddex sanno ku waayey waalidkiis, kuna soo barbaarey magaalo dagaal ka ooganyahay, haddana gaadhey heerka nolosha ugu sareeya ee qof gaadho..

Sidoo kale Hanad maanta waa Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga weliba kuwa loogu jecelyahay, Xaaskiisii Sareedo ee iyadoo dhiiga dhex dabaaleysa laga soo qaadayna waxay noqotey marwo reer leh iyo carruur, ay aad u jeceshahay.Halka Dalmarna yahay mid ka tirsan, Kooxaha xagjirka ah ee weli ka wada qaska iyo dhibaatada guud ahaan dalkiisa, isagoo ka mid ah, kuwa madaxooda la dul dhigay lacagta loona aqoonsaday argagixisada.Dalmar ma uusan helin nasiibka tababarayaal wanaagsan oo u jiheeya inuu dalkiisa wax u taro ee wuxuu helay, tababarayaal qaldan oo dhinac qaldan awoodiisa iyo kartidiisa u adeegsadey, kuwan oo lumiyey fursada dhallaan iyo dhallinyaro badan oo dalkooda iyo dadkooda waxtari lahayd.

Samatarna wuxuu ka qalinjabshay, Jaamacad dhinaca caafimaadka ah waana Dakhtar ku taqasusay cudurada daaweynta dhallaanka iyo hooyada wuxuuna ka shaqeeya dhawr isbitaal iyo mid isaga u gaar ah oo uu laba maalmood si iskaa waxu qabso ah dadka ugu daweeyo.Hodana waxaa guursaday Dhakhtar ka mid ah, shaqaalaheedii oo ay markii dambe is fahmeen, haddana waxay haysataa laba carruur ah, wiil iyo gabadh mataano ah.

Abuu Salmaan waxaa lagu dhuftey Gantaal isaga iyo baabuur uu saarnaa, lamase oga inuu dhintey iyo in la qaatay oo xabsiyada waddamada dagaalka kula jirey kooxdiisa lagu xidhay iyo in kale!Sacdiyo oo ahayd Xaaskii Abu salmaan waxay ka mid noqotey dadka u barakacay gobollada dalka ee kale waxayna ka xoogsataa, maqaayad ay iyadu iska leedahay.Dhammaan wacyigii waa isbeddelay, waxaana hadda dadku u kala qaybsameen, laba qaybood oo keliya, qayb taageersan nidaamka dowladda ee dalka ka hirgelay iyo qayb taageersan kooxaha diimaha ee xagjirka ah. Balse waxaa muuqda ifofaale nabad iyo horumar ka duwan, kii shalay ay ku dhasheen, dhallinyaradii aan ka soo sheekaynay, sida aad sheekada ku soo aragtayna qof walba noloshiisii waxbaa iska beddelay.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN