Summadda yalaalugga iyo saamaynteeda W/Q: Anfac Cabdullahi Maxamad

Summadda yalaalugga iyo saamaynteeda

Calaamada wallaca ama yalaalugga (morning sickness) waa calaamad badanaa lagu arko haweenka xilliga ugu horraysa ee ay qaadaan uurka, ayadoo ay badanaa ugu wacantahay ama ay dhaliso soo muuqashada calaamadan isbadal ku yimaada jir ahaan haweenayda (physical changes) iyo dheecannada (hormones) jirkeeda laga soo daaynayo, oo iyana uu isbadal ku dhaco. Dumarku marka ay ku jiraan xilligan, badanaa calaamadaha ka soo muuqda waxaa ka mida;

Labbolabbo (nausea) badan iyo sidoo kale matag (vomiting) oo ay haweenka ku sii ka la darnaan karaan, waxa ayna badanaa soo muuqaan xilliga aroorkii, ayadooo laga yaabo, inay maalinkii oo dhan jirto sida lagu arkay haweenka qaar, waana sababta ugu badan ee calaamadahan loogu magac daray morning sickness (jiro arooryeed).

Jiro aruuryeedku ama wallaca markii ay hooyada u qabto si daran, ayna ku keento calaamadda kale oo ayada ka dhasha waxay is ku badashaa xaalad kale oo loo yaqaano Hyperemesis Gravidrum.

Hyperemesis gravidrum waa raad reeb uu keeno uurka, waxaana hooyada lagu arkaa matag fara badan iyo lalabbo xadka dhaafsan, oo hooyada mararka qaar ku qasabta, in ay ka mid noqoto bukaan jiifka isbitaalka. Marka hooyadu ay gaarto heerkan waxaa ka dhasha:

  • Miisankii hooyada oo hoos u dhaca (weight loss) 5% oo ka mida
  • Fuuqbax (dehydration) kaasoo uu sababtay matagga badan ee ka iimanaya, oo ay la baxayaan qaar macadintii jirka ka mida iyo bihiihaba.
  • Ka la badnaasho ku timaadda macaadinta jirka (electrolyte imbalance)
  • Ketosis: caadiyan markuu jirku waayo sonkor (glucose) uu u isticmaalo tamar ahaan, waxuu burburiyaa xayrta jirka (fat) si uu uga helo tamar xiliga uu jirku ku jiro habkaan, waxaa jirka ku samaysmaya acidka loo yaqaanno ketons.

Summaddani waxay jirtaa saddex meelood meel ka mida ilmo sidka hooyada, oo ah saddexda billood ee ugu horraysa (first trimester) 9 billod ee uurka.  Summaddan matagga ah waxay badanaa ku billaabataa hooyada asbuuca 6aad (1 bil iyo bar)  ee uurka mararka qaarna waxaa la arkaa iyada oo bilaabata asbuuca 4aad ama bisha 1aad dabayaaqadeeda billaabata, waxayna badanaa baaba’daa asbuuca 14aad (bisha 4aad) mararka qaarna waxay baaba’daa asbuuca 18aad (bisha 5aad).

Waxyaabaha ugu badan ee keena mataggan waxaa ka mida hormonka loo yaqaano Human chorionic gonadotropins oo laga soo daayo ebida hooyada xilliga uurka oo ku sababi kara hooyada matag badan, sidoo kale hormonka kale ee loo yaqaanno estrogen ee asagana la soo daayo xilliga uurka, laguna tilmaami karo sababta ugu wayn, ee keenta matagtan.

Waxyaabaha kale e lagu arko hooyada waxaa ka mida inuu siyaado dareenka urta (sense of smell) iyo dareemidda maskaxda ay daremayso urta (sensitivity of odor) waxaana keena marxaladda badnaashaha dheecanka (estrogen hormone) tanna waxay ka mid tahay sababaha ay haweenka uurka lihi marka la eego xagga urta uga nogulyihiin dadyowga kale ee xaaladda caadiga ah ku jira ee aan uurka lahayn, sidoo kale waxay hooyadu dareentaa xanaaq badan (irritability) taas oy ugu wacantahay isbadalka dheecaan ee jirkeeda ka dhacay (hormonal changes).

Xilligani waxuu saamayn ku yeeshaa qoysaska qaar oo laga yaabo, inuu gaaro ilaa heer uu qoyskii sii dhisnaan waayo, ayadoo uu culayska ugu badanna uu ka imaanayo xagga hooyada, maxaa yeelay, hooyadu ma xakamayn karto waxa markaas ay dhibsato, waxayna jeceshahay, in ay gaarto wax walboo rabitaankeeda ah.

Xillligan inta ay hooyadu ku jirto waxaa dhacda, in ay wax walbo isku daydo inay khilaafto, oo khilaafka ayaa uga sahlan waxyabaha kale oo dhan, waxaana badanaya keena isbadalka hormonada ee hooyada ku dhacay, sidoo kale hooyoyinka qaar waxay dareeman walwal (stress) uu keenay isbadalkaas ku dhacay, oo ay kaligeed dareemayso. Waxaa jirkeeda ku soo kordhay wax aan awal ka mid ahayn, sidoo kale waxaa la soo daynayaa dhecaanno aan awal la soo dayn jirin, sidaa owgeed, waxay dareemaysaa walwal badan, oo aysan iyadu xakamayn karin (involuntary stress).

Ugu danbayntii waxaan ku talinayaa, in hooyadu inta ay ku jirto xilligan yalaalugga loo ilaaliyo loogana fakaro sidii hore si ka duwan. Waxay u baahantahay nafaqo ka badan tii hore, sidoo kale waxaa habboon, in caafimadkeeda loo la socdo bilbil, si loo hubiyo loona ogaada heerka caafimaadkeeda iyo kan cunuggeeda, maadaama isbadal joogta ah uu ku socdo.

 

F.G: Qormadan markii hore waxay ku soo baxday WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE bishan luulyo.

 

W/Q: Anfac Cabdullahi Maxamad

Xiis57@hotmail.com

Afnaangeedi09@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.