Tacsi tiiraanyo leh Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi (Aun)

Tacsi Tiiraanyo leh  Abwaan Maxamed Ibraahim(Aun)

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheer (Hadraawi) ayaa maalinnimadii shalay ku geeriyooday,  magaalada Hargeysa,  Abwaanka Eebbe weynaaye haw naxariiste,  ayaa. Ammin dheer xanuun yahay oo uu dhulyaaley dartiis u geeriyooday. Annaga oo ah bahda Laashin waxa aan uga tacsiyeynaynaa dhammaan bulshada soomaaliyeed,  gaar ahaanna qoyskii iyo ehliyadii uu Abwaanku ka baxay Eebbe haw naxariisto jannadiisa Fardowsana hama waraabiye.

Sooyaal kooban Hadraawi(Aun)

Abwaan ayaa mid kamid ah tiirarka fanka Soomaalida, waa abwaan ku caan baxay curinta suugaanta qaybaheeda kala duwan,  sidoo kalena hal abuurey ruwaayado caan baxay,  Abwaanka ayaa laga qorey buugaag suugaantiisa iyo sooyaalkiisaba,  waxaanna ka mid ah,  Halkaraan,  Halka haleel iyo Hawaala warran. 

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame wuxuu ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco sanadki 1943kii,  waxa uuna ka soo jeeda qoys deegaankaas magac ku lahaa oo aad u ballaadhan,  waxa  uuna walaalo la  ahaa gabadh iyo sideed wiil.

Abwaan Hadraawi(Aun) marki uu soo hanaqaaday ee kurayga noqday hilaadii toban jir ayaa waxaa qoyskoodu u direen dalka Yeman,  halkaas uu adeerkii deganaa si uu waxbarasho tayo leh halkaas uga helo.

Markii uu tegay  magaalada  Cadan ee dalka Yeman  waxa uu halkaas ka bilaabay hayaankiisii waxbarashada,  kaasoo isugu jirey,  dugsi quraanka uu ku barto iyo mid waxbarashada kale  ah.

Abwaan Hadraawi(Aun) sida uh goleyaal badan ka sheegay,  waxa uu ahaa nin aad u firfircoon,  sheeko badan,  dhaqan yaqaanna,  markaa carruurtii soomaaliyeed iyo kuwii kaleba waxa uu uga sheekayn jirey sheekooyinkii xiisaha lahaa ee sheeka xariirada iyo kuwa uu soo joogay,  ardayduna waa dhegaysan jireen waxa kale uu lahaa hibbo ah inuu qofka soo jiito,  kana qosliyo,  halkaas ayaa macalinkiisii dugsigu ugu magacdhabay (Abu Hadra oo markii dambe isu dhalanrogtey( Hadraawi).

Waxbarashadiisa ka dib waxa uu qabtay shaqooyin kala duwan oo Bare ayuu ka noqday dugsiyo waxbarasho oo dalka Yeman ah,  kaddibna waxaa uu yimid dalka soomaaliya.

Markii uu ku soo noqday Soomaaliya,  waxa  dib u bilaabay waxbarashada sare isaga oo ka mid noqday arday Jaamacadda Umadda.

Waxii intaas ka dambeeyey,  waxa uu shaqooyin Barennimo iyo kuwa kaleba ka qabtey dalka,  waxa uu ka soo shaqeeyey wasaaradii warfaafinta gaar ahaan Radio Muqdisho.

Markaas ayay si weyn u soo ifbaxday hibbadiisii fanka iyo suugaanta,  waxa uuna ka mid noqday dadka hal abuurka ah ee soomaalidu aadka u danayso suugaantiisa.

Markii ay dalka qabsadeen ciidamadii horseedka u ahaa kacaanki hantiwadaaga,  waxa  uu siyaabo badan uga horyimid habdhaqankii gurracnaa ee kooxdii kacaanka,  iyaguna waa ay xidheen,  iyaga oo ku eedaynaya kacaandiid iyo dib u socod oo ay u yaqaaneen qof kasta oo ka biyo diida aragtidii wagaas jirtey ee kacaanka.

Waxa uu Hadraawi ku xidhnaa ammin dheer,  magaalada Qansax dheer oo uu in badan ka sheekeeyey intii uu noolaa (Aun).

Abwaanku intuu xidhnaa kama joogsan xabsigu tirinta suugaanta  iyo hal abuurkiisa ee halkiisa ayuu ka sii waday,  waxa ay sheegeen raggii la jaalka iyo widaayga ahaa inuu ahaa qof naxariis badan,  debecsan,  kaftan badan oo deeqsi ah,  haddana dhanka kale ku ad adag aragtida iyo qaab fekerkiisa.

Hadraawi (Aun)  waxa uu kaddib Xabsiga ka hawl bilaabay oo ka shaqo galay,  Akademiyadda soomaaliya. Halkaasna waxa uu ka sii waday halgankiisii suugaanta iyo hal abuurka.

Waxa markii dambena uu ka mid noqday dalkii ka firdhaday dalka ee u adkaysan waayey,  hannaankii gurracnaa ee kacaanka. Waxa uuna aaday dalka dibbadiisa. Ka dib burburkii dalka iyo dagaalladii Sokeeye ayuu dalka dib ugu soo laabtey.

Abwaanka ayaa sidaan hore u sheegnay waxa uu sameeyey suugaan badan,  waxa uu curiyey ruwaayado,  waxana laha qorey buugaag dhawr ah,  waxaa la guddoonsiiyey abaalmarino badan,  waxa uunna ahaa nin bulshada dhexdeeda ku leh magac iyo milge weyn.

Abwaanka ayaa ahaa astaan u taagan magaca  soomaaliyeed,  bare iyo barbaariye dhaqan iyo afeed,  tusaale la odhan karo waxa uu hormuud ka ahaa dhanka tiirarka dhaqanka bulsho.

Abwaanka ayaa maanta lagu aasayaa magaalada Hargeysa halkaas oo aas qaran oo dadka oo dhami isugu yimaadaan uu ka dhici doono,  innaguna dhammaanteen waa in aan u duceynayaa,  Eebbena uga barinaa naxariistiisa iyo jannadiisa hoyaatin wanaagsan inuu ka siiyo.

Maamulka Laashin

SHEEKOOYIN