Tahriibka tacsida wax ha loogu daro! W/Q: Bashiir Suuley

 

unnamed

Tahriibka tacsida wax ha loogu daro

Tahriibku waa musiibo qaran, waa aafo uur ku taalooyin badan nagu reebtay, waa dhibaato si guud iyo si gaarba u wada saameyn soomaali weyn oo idil.

Waxaa sanad walba dalkooda hooyo ka haajira kumanaan Soomaaliyeed oo da’yar curdan ah oo aan wali curan u badan, qaar ka mid ahi waxay silic iyo rafaad ugu dhintaan saxaraha weyn ee u dhexeeya dalka Sudan, Masar iyo Liibiiya, qaar kale waxay ku jiraan xabsiyo isla dalalkaas ku yaal oo ay ku silicsanyihiin, halka qaarna si arxan daro ugu le’daan badda u dhaxaysa qaaradaha Africa iyo Yurub oo ah meesha ay dhimashada ugu badani ka dhacdo sanad walba, waxaa iyana jira kuwo kale oo gubday kuna dhibaataysan gudaha dalal ku yaala qaaradda Yurub oo ah meesha yoolkoodu yahay, halkaas oo kuwooda ugu fiicani xeryo qaxooti ku jiraan ama xoogaa ceyr ah (lacag yar oo sagalootiga la siiyo) nafta ku dabaraan.

Ka sokow kuwaas tahriibay ee dhintay, xir xiran ama bad baaday ee dalalka yurub ku silicsan waxaa iyana jira kuwa badan oo ku hamminaya ka dhulyaalka dalkooda hooyo iyagoo hiigsanaya himilooyin aan la haaban Karin, waxaa hubaal ah in dadkaasi gurmad deg deg ah u baahanyihiin si ay dalkooda ugu xasilaan naftoodana u bad baadiyaan.

Waxaa caaddo inoo noqotay hadaynu soomaali nahay in aynu tahriibka dhibaatadiisa ku baaraarugno marka dhibaatooyin waaweyni dhacaan sida musiibadii Bisha April 2016 ka dhacday badda u dhaxaysa Masar iyo Giriiga, waxaa iyana xusid mudan in dhacdooyinkaas oo kale aynu si fiican uga tacsiyeyno ayaamo ka dibna iska illowno ilaa ay mid kale oo tii la mid ah ama ka darani ina soo marto hadhowno aynu tabteenii yeelno.

Ma xuma in qof dhintay loo tacsiyeeyo Allana looga baryo in uu danbi dhaafo siiyo sidoo kalana murugada lala qaybsado qoysaskii soomaaliyeed ee dadkii ay jeclaayeen ku waayey waxaase inaga maqan wali sidii aynu uga hortagi lahayn in arrimahaan tahriibka.Waan hubaa in qaarkiin weydiimo badan iska weydiiyeen ciwaanka aan isticmaalay ee ah “Tahriibka tacsida wax ha loogu daro” waanse filayaa in aad hadda iftiin yar hesheen oo aad ila soctaan.

Hadafkaygu ma ahayn yaan la tacsiyeyn ee waxaan ula jeedaa sida kuwa dhintay loogu tacsiyeeyey madax iyo shacabba kuwa dalkii jooga ee tahriibka ku hamminaya ayana aynu qorshaha ku darsano si aynaan ayana bari ugu tacsiyeyn.

Si arrintaasi looga mari dhaliyo waxaa loo baahanyahay talo iyo tacab qaran si looga horgato tahriibka.

Yaa gurmad looga bahaanyahay Eebbe weyne ka sokow?

  1. Dawladda deegaanka ka jirta:

Dowladdu waa cidda koowaad ee arrintaani quseyso waayo waxa maalin kasta silica u dhamaanaya waa dadkii madaxda dowladdu u dhaartay sidaa daraadeed waxaa looga fadhiyaa inay qorsheyaal cad cad la yimaadaan si tahriibka looga hortago, sida in da’yarta shaqo abuur loo sameeyo lana jiheeyo si ay tahriibka uga waantoobaan.

  1. Warbaahinta

Warbaahintu waa isku xiraha guud ee dunidda oo dhan waa meesha la isu mariyo xogta u kala gooshta dacalada dunida oo dhan, sidaa daraadeed warbaahinta soomaaliyeed gude iyo dibad ba ha ahaadeen kuwa la iska arko ee muuqaaldad baahiya, kuwa la iska maqlo, mareegaha wax lagu daabaco iyo wergaysyadaba waxaa maanta looga baahanyahay garab weyn si looga hor tago musiibada tahriibka ee ina aafeysay, arrimaha ay adeegasan karaan waxaa ka mid ah inay soo diyaariyaan bulashadana la wadaagaan barnaamijyo wacyi galin ah oo looga hadlayo saamaynta tahriibka ayagoo soo xiganaya kuwii hore ee tagay si kuwa guduhu ugu quus qaataan.

  1. Waalidiinta

Waxaa hubaal ah in waalidiinta soomaaliyeed yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada tahriibku saameynta ku yeelatay, haddana waxaa la oran karaa qaar badan oo ka mid ahi ma qaadan kaalintii looga baahnaa si ay ilamahooda tahriibka uga ilaaliyaan, sidaa daraadeed waalidka soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay in ay sameeyaan fal ama ficil kasta oo ay ciyaalkooda ku badbaadin karaan halkii ay hadhow ka shalaayi lahaayeen, tusaale ahaan waxaa laga rabaa waalidka aabbe ama hooyo in uu mar walba si dhow ula socda ilmihiisa ka war qabo oo xataa isku dayo inuu wax ka ogaado himmilo kasta oo uu higsanayo.

  1. Kuwii horay u tahriibay

Kooxdaani waa kuwa la oran karo waa seef labo af leh oo dhankii la doonaba wax u gaysa waa qolada dad badan aaminsanyihiin in ay yihiin kuwa sababta u ah in da’yartii dalka ku hartay tahriibto, cilmi baaris aan sameeyey xili aan qorayey buugayga jaamacadda oo mar dhow soo bixi doona hadii Alle idmo ayaa in ka badan 95% bulshadu waxay isku raacday in da’yarta dalkooda ha haajirta ay dabo socdaan kuwii hore ee tagay.

Haddii dhanka kale loo adeegsado kooxdaan waxaa marag madoonto ah in ay qeyb weyn ka qaadan karaan joojinta tahriibka, tusaale ahaan haddii ay ka sheekeeyaan firkirkii ay markii hore aaminanaayeen iyo xaqiiqda ay la kulmeen markii ay tageen, sidoo kalana ka warramaan dhibkii ay mareen muddadii ay safrayeen waxaa hubaal ah in ay da’yar badan oo dalka joogta hammi tahriibna ku jia candhuuftooda dib u liqi lahayeen dalkooda iimaan sanlahaayeen.

  1. Culimadda

Waa koox kale oo aad muhiim u ah loona baahanyahay inay dadka ka wacyi galiyaan musiibadaan inagu habsatay, culimad ayago oo ka shidaal qaadanaya diinteena suuban iyo waxa ay ka qabto in qofku naftiisa haligo waa in ay sameeyaan muxaadarooyin iyo wacyi galino kala duwan oo arrinta tahriibka ku saabsan.

  1. Qeybaha kale ee bulshada siiba kuwa baraha bulsahda sida facebook isticaamala.

Tahriibku ma ahan arrin hal koox wax ka qaban karto ee waa musiibo qaran oo talo iyo tacab qaran u baahan sidaa owgeed waxaa dhammaan bulshada soomaaliyeed ee sida wanaagsan uga tacsiyeysa marka musiibooyina tahriibku dhacaan looga fadhiyaa inay tacsida wax ku daraan oo inta dalka ku hartay tahriibka ka wacyi galiyaan, si gaar ah dhalinyarada baraha bulshada aadka ugu xiran waxaa looga baahanyahay inay kaalintooda qaataan oo da’yartaas la khalday u caqli celiyaan kuna waaniyaan inay dhalanteedka dhul shisheeye aysan u dhug yeelan.

Dhammaad

Waa qalinkii Bashiir Suuley

Email: Bashka057@gmail.com

Bosaso Somalia

SHEEKOOYIN