TARBIYADA TOOLMOON EE UBADKA W/Q: Dr. Abdullahi M. Hussein

images

TARBIYADA TOOLMOON EE UBADKA

 

Waxaa lagu jiraa waqti ku adag waalidka soomaalida ah ee la nool casrigan ay aaladaha layskula xariiro dunidan ka dhigeen sidii dad hal qol ku wada jira.

Dardaaranka aan naftayda iyo dadka kalaba siinayo ayaa ah in ay la saaxiibaan oo qadariyaan caruurtooda,waayo qofka ugu dhow ee qof kale saameynta ku leh waa saaxiibka uu ka heli karo qadarinta iyo qiimaynta. Kula dhaqan caruurtaada dhaqan wanaagsan iyo dabacsanaan,hana isku dayin inaad ula dhaqanto si qallafsan,waayo qalafsanaantu way kaga sii dartaa caruurta.

Ogow dhaqanka suuban iyo akhlaaqda ay diinta ku farayso inaad dadka kula dhaqanto in ay ku jiraan caruurtaada iyo ehelkaaga.

Saaxiibka waa saameeyaha ugu dhow ee qofka noloshiisa wax ka badali kara waa la soo ogaaday taas. U noqo caruurtaada saaxiibka ugu dhow ee wax ka dhaadhicin kara cid uu kugu doorsanayo ma jirto. U dabacsanow oo dareenkooda tixgali caruurtaada oo ku ixtiraam aragtiyadooda adiga oo dhiiri galinaya fikirkooda san,si xigmadaysan oo tartiib ahna usaxaya aragtiyadooda khaldan.

Ha isku dayin inaad caruurtaada ka dhigto sidii addoomo aad adiga leedahay oo guriga kuu jooga,sidoo kale ha isku dayin inaad canaan daran iyo cagajuglayn joogto ah aad umaciinsato tarbiyada caruurtaada.

Ha u ogolaan caruurtaada caro iyo ciil kaambi joogto ah,hana u ogolaan caruurtaada inaad adiga bahdisho ama cid kale bahdisho waayo way la qabsanayaan oo sidaas bay isu qaadanayaan ama dadka kale uqaadanayaan.

Mar kasta u muuji canugaada inuu muhiim yahay oo uu yahay mid kula sareeya,wuxuu isu qaadanayaa inuu sidaas yahay han sarana wuu yeelanayaa,

Ha ku qaylin canugaada haddii uu khaldamo hana ku hor canaanan dad hortood ,gaar ula bax oo meel gooni ah ku marti qaad kalana dood khaladka si daggan adiga oo sualo caqli celin ah waydiinaya mar kasta si xujada caqligiisa aad umaaxiso una tusto si caqli gal ah xumaanta uu sameeyay si aad ugu soo riddo dhabaha la xaaltanka caqligiisa.

Qaylada iyo canaanta waa dhiiri galiyaha ugu weyn ee ubadka ku sii riixa dhabaha xumaanta iyaga oo u sameynaya ku xumayn khaladka ay ku madax adeygayaan,marka waxa haboon inaadan caruurtaada aadan sheydaanka ugu kaalmeyn.

Wax badan indhaha ka lali khaldaadka yar yar ee caruurtaada oo ha ka jawaabin mar kasta gefafka yar yar,oo yeysan muxaadaradaada joogto noqon oo muuji dulqaad cafiskana xigso waayo waad ogtahay in dulqaadka iyo cafisku aysan keenayn wax aan wanaag ahayn sida diintanadu sheegtay.

Ha ka hor joogsan caruurtaada madadaalada aan dhibaatada ku larnayn ee maanka lagu nasiyo iyo ciyaaraha iyo geemamka gaar ahaan waqtiyada ay fasaxa ka yihiin tacliinta,uguna roonow inaad kala qayb qaadato oo la nidaamiso time table ama jadwal aad isla garateen ee kala qeexaya waqtiyada waxbarashada iyo cibaadada iyo madadaalada. Ugu dambayntii aan inoogu soo khatimo qaar ka mid ah habdhaqankii nabiga scw iyo sidii uu u tarbiyayn jiray caruurta.

Anas ibnu maalig waxa uu yari toban sano ayaan rasuulka scw khaadun u ahaa,wallahi ma arag macalin ka wanaagsan,waligiis iguma qaylin,oo wax aan sameeyayna ima oran maxaad usamaysay sidaa ,wax aan sameyn waayayna ima uusan oran maxaad usamayn weyday sidaas.

Wuxuu yiri anas maalin baa rasuulka scw ii dirsaday inaan dan usoo qumiyo intaan dhexda sii socday baa waxaan arkay caruur cayaaraysa iyagii baan ku leexday oon is iri xoogaa la cayaar, ka dibna dheeshii baa ila tagtay oo waan halmaamay dantii uu rasuulka scw ii soo dirsaday,

Sidaan u cayaarayay ayaan ku baraarugay rasuulka scw oo inta dantiisii soo qabsaday taagan halkii aan ku cayaaraynay,aad baan unaxay oon xagiisa usoo dhaqaaqay si aan ugu cudur daarto,laakiin wuxuu markiiba iga horkeenay rasuulka scw dhoolo cadayn iyo waji faraxsan oon inaba iiga muuqan caro uu ii qabo,wallaahi inuusan xitaa iwaydiin waxa aan sameeyay.

Xasan ibnu cali rc wuxuu ahaa nin akhlaaq wanaag looga haray oo ay isla qireen dabeecad wanaagiisa caalamkii uu la noolaa,wuxuuna oran jiray waxaa i barbaariyay macalimiinta dadka wax barta midkii ugu khayr badnaa oo uu ula jeedo rasuulka scw oo ahaa awoowgii dhalay hooyadii faadumo rasuul scw.

Akhlaaqda iyo dulqaadkii uu rasuulka scw baray waa midka gayaysiiyay inuu utanasulo mucaawiye kolkii uu noqday khaliifkii badalay aabihiis ee ay dadkii udoorteen inuu isaga u noqdo imaam. Wuxuu utanasulay inuu ku hagoogto dhiiga muslimiinta iyo ka midaynta qaybsanaantooda darteed.

Rasuulka scw ayaana uqiray oo yiri maalin isaga oo uu xasan binu calina ag fadhiyo,wiilkayga kan ah waa sayid waxaana dartiis ku heshiin doona labada koox ee waawayn ee ay muslimiinta uqaybsami doonaan.

Rasuulka scw waligii canug iyo haween ma dharbaaxin iyo axad kale oo aadane ah xitaa neef xoolo ah waligii gacanta uma qaadin.

Waligiina ma canaanan kuma qaylin caruur iyo haween toona,xitaa haweenkiisa kol ay ku khaldameen si kale ayuu udareensiiyay oo isaga oo ka aamusan ayuu ka gaabsaday. Marka maxaa ka haboon inaynu qaadano qaabka ugu wanaagsan ee misna waafaqaya diinteena ee aan ku tarbiyaysan karno caruurteena.

Fiiro gaar ah: darsigan waa qayb ka mid ah buug yare aan ka qoray tarbiyada toosan ee carruurta…..

W/Q: Dr. Abdullahi M. Hussein

SHEEKOOYIN