Tareennadii Soomaaliya W/Q. Ahmed Hayow

Xilligi gumeystayaasha Ingiriiska iyo Talyaaniga ay ka kala talinaayeen Waqootiga iyo Koofurta Soomaaliya, waxaa jirtay wado Tareen uu Talyaanigu ka sameeyay koofurta.

Dhismaha wadada xadiidka ah waxaa la billaabay 1910ki, wuxuuna tareenkaas gaaraayay 114 km oo ah Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, ka dibna 1920ki ayaa la billaabay in la ballaariyo, 1927ki ayaa la gaarsiiyay Magaalada Jowhar.

Waxaa 1924ki la sameeyay tareen yar oo isaga goosha Magaalada Afgooye iyo Janaale, tareenkaas oo qasabka ka soo qaadi jiray Degmada Janaale iyo agagaarkeeda, ka dibna afgooye looga soo qaadi jiray tareen gaarsiiya dekada Muqdisho si Talyaaniga loogu dhoofiyo, badeecadaha kale oo tareenadaas lagu soo daabuli jiray waxaa ka mid ah Mooska, Cudbiga iyo Bunka.

Hogaamiyihi dalka Talyaaniga Benito Mussolini ayaa qorsheeyay inuu dhiso tareen isaga goosha Magaalada Muqdisho ilaa caasimada itoobiya adis ababa, laakiin waxaa hakad geliyay dagaalki labaad ee Yurub ka billoowday 1939ki, balse 1928 ilaa 1936 ayaa la dhisay laga billaabo Cadale ilaa Buulabarde oo ah 130 km, qorshaha Talyaanigu wuxuu ahaa inay tareenka gaarsiiyaan ilaa Degmada Feerfeer oo ah xad beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, si ciidamada gumeystaha loogu daabulo waxa ay u baahan yihiin.

Xukuumadi markaa ka talineysay dalka itoobiya, waxay waagaas Soomalida u arkaayeen inay tahay meesha uu ka soo galay cadowga dalkooda ku soo duulay, sababta oo ah laba dufcadood oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya ayaa Talyaaniga ku kaalmeeyay dhismaha wadadaas xadiidka ah, sidaana waxaa loogu sii daray 150 km, tareenkina waxaa la gaarsiiyay Feerfeer.

Boqortooyadi Ingiriiska oo ka talineysay Waqooyiga Soomaaliya ayaa 1941ki waxay qabsatay Koofurta Soomaaliya, ka dib marki Talyaaniga iyo xulafadiisa looga guuleystay dagaalki labaad, markaa wixii ka dambeeyay dib dambe looma isticmaalin tareenadi rakaabka iyo kuwii xamuulka, gumeystihi Ingiriiska ayaa 1942 wuxuu tareenadi iyo qalabkoodi u raray wadanka Erateria, kaasoo laga dhisay Misawa-Asmara railway oo ilaa hadda jira, waxaana goor aan sidaa u fogeyn magaalada Muqdisho laga arki jiray raadki wadadi Tareenka.

Gumeyste dhaama mid kale ma jiro, sidaa oo ay tahayna waxaad moodaa in xukuumadi Ingiriisku ay naga burburisay hanti ay noo dhiseen gumeystayaashi Talyaaniga, haba burburiyaane, haddana ma aanay baabi’in laakiin waxay u rartay wadan kale oo ay u dhistay, dowlad waydiisay sababta ay Ingiriiska nooga bililiqeysteen tareenadi dalkeena ka shaqeeynaayay iyo inay magdhow naga siiyaan falkaas ay ku kaceen ma jirto, dowladi Kacaanka ayaa 1980 waxay rabtay inay dib u dhisto Tareeno isaga goosha gobalada dalka, inkastoo wakhtigeedi dhammaaday inta aan hishiiskaas laga guul gaarin.

 

SHEEKOOYIN