Tolow Yaa Furay?? Q15aad.W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

quotescover-jpg-13

Tolow Yaa Furay?? Qaybtii 15aad.                                                   

Anoo dhanna la dhakafaarsan warkiisaan dambe ee ah in lawada qayilo xoogaana soo yara dabcay baan ugu warceliyay si halhaleel ah diyaar, haddii sidaa iisheegayso madaxwaynuhu iskadaa wax kalee xataa ogalaado inuu nala kulmo, waxkastood idhahdo sidii xadiiskii baan uqaadan, sidaas ayaan ku balanay Cali yare asxaabtii kalena uwada riyaaqeen, waxuu misna intaas ii raaciyay inaan Jimcaha kahor meelaan kakeenaba aan “Suut iyo Taygiis” raadsado sidoo kalena kabo buud ah oo kusoo baxaya iyana sooraacsho, haye iyo hawraarsan baan maalintaas ku kala hoyanay.

Maalintii xigtay waxaan baadi goob ugu dhaqaaqay halkaan ka heli lahaa labiskaan tilmaanta gaarkaa leh ee aanan waligay dushaydaba uquurin, iyo qooshaan xujada ah ee iyadana aan garanba waayay micnaha looga jeedo, in sidii waxarihii qool madaxa la surto waliba kaaga daranee xarago loola jeedo, waa waydin wax iiga jawaaba aan waayay, igumase cusba oo dhaladaan had iyo goor ka arkaa dad caynkaas ulabisan, yeelkoodee howl aan yarayn kadib hadda waa anigaan kusoo hubsaday meel xafidan, waxay maalinba maalin noo dhiibtaba saaka waa subax jimcaad, waxaana kamid ahay boqolaal Soomaali ah oo gagidda dayuuraha hortooda isugu yimid say usoo dhaweeyaan Madaxwaynaha, guddi utababaran arimaha soo dhawaynta oo safaaraddu magacawday ayaa si qurux badan noo safay, waa markii iigu horeesay oo aan soodhawayn ka qayb qaato sideedaba gaar ahaana mid madaxwayne, taasna micnaheedu maahan halkaan ka imid Madaxwayne ma yimaado, wuu yimaadaa walibana si kabalaaran sidaan baa loogu soo dhaweeyaa, balse dad kibray bay ii ahaayeen dadkaasi waligayna kama qaybqaadan, qofka kaliya ee xagayga qiimaha kalahaa waa qofka shaqaysta ganacsigana abuura, maantase waa maalin kale waxaana kujira safka hore ee soodhawaynt, waa maalin kamida maalmaha tirada dhaafay ee intaan Addis imid buuga noloshayda sida fudud ugusoo biiray, kaaga daranee intooda badan waa kuwaan dadka uga digi jiray ee ila foosha xumaa, silamida dadka kale waa anigaan lulaaya calankii Soomaaliya.

Laba saac oo aan halkaas taagnayn kadib diyaaraddii madaxwaynaha waday waa soo cagadhigatay, waana kuwaan garoonka kasoo baxay hada, Madaxwaynaha iyo wafdigiisii labada gole ee uu hogaaminayayna waa kuwaan mid mid noo gacan qaaday, iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo kalgacayl, erayadii dhiiragalinta ahaa ee xasuustayada ka go’iwaayay oo madaxwaynuhu halkaas ka jeediyay waxaa kamid ahaa:

Waxaad tihiin ubaxii wadanka waxaadna tihiin cududdii wadanku ku faanayay had iyo goor, naftiina xasuusiya inaad tihiin cidda uu dalku sugayo inay ka samata bixiyaan abaartaan dheeraatay ee ku habsatay, intaad maqan tihiina dadaalkaan wadno qabyo ka bixi maayo ciidamo shisheeyana ka maarmi mayno, idinkuna daynmaysaan inaad warsidayaasha ku daabacdaan, gaalaa nagusoo duushay, waa nala haystaa iyo gumaysi cusub baan galnay. Maxaa idiin diiday inaad si caqliyeesan ufakartaan, caqli saafiyana adeegsataan? Sooma ogidin hadaad cududiina midaysaan inaad sharaftii dalkiina kusoo celin kartaan maalmo kooban? Sooma qurux badna intaad hadalada mooraal jabkaa qoraysaan inaad halganka ka qaybqaadataan wuu socdaayee ubadkiinana mustaqbal u abuurtaan? Runtaan idiin sheegayaa maanta ee imaqla, anaguba majeclin in ciidamo shisheeye ciideena joogaan idinkaase nabaday! Markuu halkaa maray bay inta ka dhexgalay anoo aad uqiiraysan meelaan marayana is ogayn iri, Madaxwayne Maxaad ka wadaa hadalkaas, sidee baan kuu badnay?! Maxaanse awoodnaa anagu oo howshaas ka qaban karnaa, shacab masaakiinoo iyaguba dulman baa nahee?! Rag ka agdhawaa oo malaha kuwa amaanka ahaa baa igusoo qamaamay oo ihantaatureeyay, waxaase igala hadlay madaxwaynaha oo si fiican waydiimahayga udhuuxay waxuuna yiri, daaya odayga waxba muu dhiminee, suuye intuu xagayga usoo dhaqaaqay magacaa saan iri cumar, suuye cumaraw afka alle kuma gooyo waydiin muhiim ah baad nawaydiisay xaq baadna uleedahay inaan kaaga jawaabno. Wax badan baad ka qaban kartaan hadiinaan is yeelyeelayn, waxaan bilawnay sidaa lasocotaanq qorshe dib loogu dhisayo ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya XDS si aan uga maarano ciidamo shisheeya, waxaan ubaahanahay inaad nagala qaybqaadataan maqnaanshihiina waan tabaynaayee, waxaan ubaahanahay dhiirigalintiina, maalkiina, cududiina iyo qalbigood naga taageertaan. Walaalayaal hadiinaan hadda diyaar u ahayn inaad halganka uga qaybqaadtaan muruq ahaan iyo maal ahaan, qalinkiina nagu taageer oo bulshada tusa ololaha ciidanka qaranka lagu dhisayo loogana maarmayo ciidamo shisheeye lafteedu waxtar bay nootahee, hadiinaan taasna yeeli Karin naga daaya qoraalada aan cilmiga ku dhisnayn ee halganka xagal daacinaya mooraalka ciidankana dhaawacaya. Ugu dambayn waxaan hortiina ka balanqaadayaa inaan qofkii halganka nagala qaybqaata ka abaalmarin doono, taariikhda wadankana waxuu ka gali halkay ka galeen dhalinyartii SYL. Intaas kadib waxuu cod sare oo dhiiri galin Madaxwaynuhu kuyiri, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha israacdo, Soomaaliya ha guulaysato, idinkana Ilaahay quluubtiina ha isku dumo dantiinana ha ini tuso, deedna wuuna dhaqaaqay isagoo gacanta noo haatinaya.

Waxay ahayd qudbad aad uqiiro badan runtii dadkii meeshii isugu yimid quluubtooda ruxday saamayn waynna ku reebtay, waxuu noo yimid Madaxwaynuhu anagoo sacabka, mashxaradda iyo erayada soo dhawaynta ah “Soo dhawaada Jaalayaalow” isku wadna oo sawaxankayaga meel fog lagasoo maqlayo, waxuuna naga tagay anagoo aad moodo inaan dhagaxaan nahay sharqan la’aantayada, wax kalena maahee kalmadihiisii wadaniyada ahaa baa saamayn nagu wada yeeshay, damaashaadkii iyo qayladii aan isku wadnayna ka dhigay faynuus Qorax kuso baxday…………………………………………………………   ……………………………………………………………………………

Dhamaad Qaybtii 15aad Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

 

SHEEKOOYIN