Tusaaleynta heesta geela W/D: Kaahiye Cismaan Xaashi

Unknown-1

Tusaaleynta heesta geela

 

Heestu waa jaad ka mid ah jaadadka suugaanta ee toddobada ah. Sidaa oy tahay, haddana, heestu waa jaadad badan tahay, sida; heesta geela, hees hawleedka, heesta kebadda, heesta haanta, heesta carruurta, hees ciyaareedka luuqda jiibta iyo jaanta leh iyo qaar kaloo badan.

Qormadan kooban, waxaan ku tusaalaynayaa heesta GEELA, oo ka mid god suugaaneedka heesta. Aalaa miisaanka heesta waxaa lagu saleeyaa 3 alan, 5 alan, 6 alan, 7 alan ama 8 alan. Ka ma badato ka mana yaraato, oo hadday ka badato, ee sagaal gaarto waxay noqonaysaa JIIFTO ama MAANSO, haddii ay ka yaraatana miisaanba ma qaban karo, oo qaab loo miisaamo ma lahan.

Heesta geelu mar waa gaaban tahay, oo marka hormada hore ceelka loo so daayo, marna waa dheer tahay, waa marka ay neefaf yar hareen, oo shaqqadu gabaabsi tahay, ragguna daal soo dareemayo.

Marka maadaama hormada hore shaqadu adag tahay ayey heestu u gaaban tahay, waxayna leedahay;

 

Hormo iney timid

Ee hor leedahay

Howsha socotiyo

Habaaskuba weri.

 

Markaa geelu wuxuu u soo durdurinayaa ceelka xaggiisa, marka hormada laga soo daayo geela kale inta darka iyo ceelka u soo socda, ayuu carrada dhan wuxuu ka dhigaya habaas, oo waxaa halmar is qabsanaya boor.

Wuxuu leeyahay is la taa qeybtaa hore inaga oo ku sii soconna ee hees howleedka geela ah;

 

Markay hoobaan

Soo horeen baan

Soo hirka kacayoo

Soo hambaabirey.

 

Ninbaa heesaya, inta kalana wey jibinayaan. Mar kale, waxay leedahay;

 

Jeeroon wada qoyo

Oo biyo cad qubo

Lay ma qaatoo

Lay ma qaayibo.”

 

Wuxuu ka wadaa wadaantan ceelka marka ey ku dhacday, ee ugu horreyso oo dhan wey qoyeysaa biyaheedu sida marka danbe u ma wada badnaan doonan. Waa harag qoyesaa wey fideysaa, waana sii cuslaaneysaa, isagana waxaa meeshaas barbarsocoto oo taallo kaalinta uu hadda ku istaagay. Howsha baa ku cusub dhiiggiisa ma kicin wuxuuna leyahy:

 

Jeeroon laba dhidid

Oo dhafoorka ah

Midna dhab u rido

Kuu ma dhiidhiyi.

 

Markaas waa marka inta dhiiggiisu kacay wadantiine fidday ey hoshu u socoto si aad ah, saas buu u cabahayaa. Marka geelii ceelkii saas buu ku soconayaa dabaadyaha uu gaarayaa qeybtii dabne, qeybtaa danbane markaa uu gaaro hadda hormadii waxaa dhimman oo kale 15 neef ama 10baneeyo neef.

Heestu markaas wey dheeraneysaa, oo jiibtaa (uuuuuuuba) ee ay leeyihiin ee is la jiibinayaan, waa aan israacinno, waxba ma harine, asoo markaas oo kale la dardaarmayaa geelihii, oo u sheegaya, in ay si fiican biyaha u cabaan wuxuu leyahay:-

 

Soddon inaad qadi

Soolna aad tegi

Saa biyaha ku cab?

 

Micnaha waa hadda sii dharag, waxaad soddon ku qaddo sii cab, ceel danbe kuu ma soo wadee.

Geelu waa xoola cajiib ah; suugaantiisa, muhiimaddiisa, ragga dhaqa iyo hawshiisa dhammaan waa arrin aad u ballaaran.

 

Geelu xoolo ku ma jiro!

 

W/D: Kaahiye Cismaan Xaashi

SHEEKOOYIN