Tuuggii Garnaqsaday W/T: Barkhad Cabduqaadir Awcali

14549662-Pickpocket-trying-to-steal-a-wallet-Stock-Photo-stealing-money-pickpocket
Tuuggii garnaqsaday

Xilli hore ayaa waxaa jiray tuug, hadde keliya tuug ma ahayn, ee waxa uu ahaa tuuggii u-weynaa ee dadku ay xilligaas isla-sheegeen. Biliiskii, maxkamadihii iyo xataa boqorkii ayaa ogaaday tuugnimadiisii balse meel ay usoo maraan ayay waayeen, waayo hal mar xataa isagoo fal tuugnimo ah kujira lama qaban, fal uu abaabulkeeda ka-dameeyayna iskaba daa’e.

Tuuggu de’ ahaan waa duqoobay, maalintii dame, isagoo dhirta cuntada ka gadanaya meel yar oo dukaan ah, markuu adeeggiisii soo qabsaday ayuu damcay inuu lacagta bixiyo, deeto jeebkii ayuu gacanta geliyay, balse wuxuu soo xusuustay lacagtii inuu gurigii uga yimi.

Naftiisii ayuu ku qoslay isagoo ku fekeraya, “ Maxan uga baahnahay lacag? aniga ayaaba tuug ahe”. Dhaladii yarayd ee dhirtu kujirtay ayuu si xariifnimo ah ugu taraarixiyay gudaha gacmihii shaarkiisii, isaga oo u-gaca-haatinaya mulkiilihii dukaanka ayuuna albaabkii sii baxay.

Isaga oo jidka iska-dhex-laafyoonaya oo la-yaaban farsamadiisa, ayuu hal mar ku war helay dhab!, mise qof baa garabka haya, kuleetiga shaarku waa sii duu-duubmayaa, deymo kalsooni kujirto ayuu ku eegay, mise waaba wiil yar oo sarkaal biliis ah.

“Wan kuu jeeday oo waxan kaa daawanayay daaqadda dukaanka, waxaadna soo xaday dhaladaan dhirta ah”

“Joogso!, waxaad tahay tuuggii u-weynaa, ee uu aabbahay inta badan ka hadli jiray, marar badanna uu doonay inuu qabto, maanta haddii an kuu geeyo aad ayuu iigu bogayaa”

Sidii ayaana tuuggii maxkamaddii lagu geeyay, qaadigii ayaa markii uu arkayba ku qayliyay;

“Waryaa had iyo jeer waa an ku-raadin jiray, si aan hal mar kuugu xukumo maxkamaddayda, muxuu xaday?”

Sarkaalkii: “Dhalo ay ku jiraan shan dhururuq oo copper ah”

“Hagaag!, dembigaaga dartii, waa inaad bixisaa shan kun oo gabal oo dahab ah”

Tuuggii ayaa anfariiray!, “Maba haysto shan kun oo gabal oo dahab ah”

Qaadigii ayaa dhoolla-cadeeyay, “Haddii kale, shan kun oo maalmood ayaad xabsiga ku-qaadan”

“Duq ayan ahay”, oohin qarracan daran leh ayuu ooyay, “ma shan kun oo maalmood”

Qaadigii: “sidaasan filayaa”

Tuuggii waxaa loo kaxeeyay xabsigii gaarka ahaa ee boqorka, xabsigu waxa uu ahaa mid ku yaalay dhalada buur dheer, ubax ayaana ku gadaamnaa, ilaa qofkii arkaa uu moodayay inuu cirka ku-dhagan yahay.

Waxaa la geliyay qol ciqaabeed yar, oo cimilo ahaan qabow qoyan ah, albaabkiisu loox yahay, jiiqjiiqda furitaankiisuna ayan dhagaha u-fiicnayn. Ogow oo waa meesha ay ku casumeen inuu ku qaato maalmo badan oo nolol cimrigiisa kamid ah.

Tuuggii: “Waxan doonayaa inan baxsado(fakado)”

Gaarkii ayaa ku-qoslay: “Weligeedba qofna kama baxsan xabsiga boqorka, haddiiba ay dhacdo, qofka shaqada xilligaa leh ayaa dusha looga tuurayaa dembigii dembiilaha, booskiisiina sidaa ku-buuxinaya”

Tuuggii: “Haddaba aniga i-daawo”

Subaxdii xigtay markii quraacdii loo keenay ayuu waardiyihii ku yiri;

“Maan-galnimo ma tahay boqorka in la ii geeyo, waxan u-sidaa hadiyad cajiib ah, taas oo an doonayo inan si gaar ah u-guddoonsiiyo’e?”

Waardiyihii ayaa duqii ku qoslay, isagoo weliba caayaya. Duqu wuxuu u-muuqanyay mid naftiisa la-guuxaya, “Waxan la-yaabnahay boqorku waxa uu askarigiisa ku oron doono, markii uu ogaado inuu doonaya (askarigu) inuu boqorka ila kulansiiyo”

Askarigii ayaa boqorkii ku-wargeliyay arrinkii maxbuuska (tuugga).

Subaxdii xigtay maxbuuskii ayaa gudaha u-galay aqalkii kursiga boqorku uu oolaa, boqorkii ayaa fariistay, raysul-wasaarihii ayaa dhinac fariistay, hoggaamiyihii ciidanka ayaa sii dhinac fariistay, ugu damaynna wadaad diimeedkii dalka ayaa kursigii afraad ku-fariistay.

Boqorku si-qumman isaga oo aanan u-dhowrin (tuuggii) ayuu kuyiri;

“Waqti fiican mahayee, si dhakhso ah ii sii hadiyadda cajiibka ah”

Tuuggu luquntii intuu hoos u-laadlaadiyay ayuu wuxuu banaanka usoo saaray qafis dahab ah oo madaxa ka-wareegsan.

Boqorku waa dhoolla-cadeeyay haddiiba uu gacanta ku qabtay qafiskii, balse haddiiba uu furay dareenkiisu waa is-bedelay (murugo).

Boqorkii: “Tani waa iniinta miro-khookheedda, waana mirihii oo la-qalajiyay”

Tuuggii: “Haa boqorkaygow, way badan tahay oo weliba waa indha-sarcaad, markii aad hal iniin ah dhulka geliso hal maalin ayey geed ku-noqon oo bixin, maalinta xigta waxaa ku gadaabmanaya miro, maalinta saddexaad iniin walba waxay isu-bedelaysaa gabal dahab ah”

Boqorkii: “Haddiiba ay sidaa tahay adigu maxaad u-beeri wayday?”

Tuuggii: “Hagaag!, qayb sixirka kamid ah ayaa waxay leedahay, waa inaadan weligaa been sheegin, waxba dhicin (xadin), oo aadan qofna dhib u-geysan, marka anigu tuug ban ahay, oo aniga ii shaqayn mayo ee adigu maadaama aad boqorkayagii tahay, waxan fili wuu kuu shaqaynayaa”

Wuu ka qabsaday isaga oo calaacasha ku haya (boqorku) ayuu hoos u-yara dhowray iniintii, isaga oo xusuusanaya dhamaan waqtiyadii uu dadkiisa beenta u-sheegi jiray, dhibtana uu ugu geysan jiray.

Hal mar ayuu la soo booday, “May, anigu maahi qofkii loo baahnaa” dib ayuuna usoo celiyay iniintii.

Tuuggii: “Maya” waa macquul raysul-wasaaraha (ninka dowladda kala socodsiiya) inay u-shaqayso. Raysul-wasaarihii ayuuna u-dhiibay.

Raysul-wasaarihii ayaa gacanta ku qabtay iniintii, oo ka fekeray laaluushkii uu sameeyay muddadii uu xilka hayay, iyo qof walba oo falkiisa laaluushka ahi dhibaateeyay.

Isaga oo caraysan ayuu dib usoo celiyay oo ku yiri, “Ma ahi qofkii la rabay”

“Waayahay, adiga maahan miyaa, wan hubaa jeneraalka hoggaamiya ciidankeena ayaa korin karaya iniinta” Sarkaalkii ayuuna u-dhiibay.

Jeneraalkii ayaa qabsaday, oo isaga oo maroojinaya intuu hoos u-dhowray xusuustay hooyooyin badan oo uu kaga boohiyay, iyo ereyo badan oo uu is-ilowsiin jiray.

Halhaleel ayuu kusoo celiyay, “May anigu sidaa ma yeeli karo ayuuna yiri”

Tuuggii ayaa isaga oo yaaban inta uu qabsaday yiri; “Xaqiiqdii, waan hubaa, qaysarka oo ah nin barakaysan oo taqi ah ayaa yeeli kara” Qaysarkii ayuuna u-dhiibay.

Qaysarkii ayaa calaacasha ku-qabsaday iniintii, isaga hoos eega, dabadeed waxa uu soo xusuustay hanti badan oo masaakiin macaluul iyo saboolnimo laysay loogu dhiibay inuu u-qaybiyo oo jeebkiisa ku-damaysay. Ugu damaynna isaga oo ka-xun ayuu dib usoo celiyay, oo yiri; “May aniga maaha qofka u-qalma inuu iniinta beero”

Afartii masuul madaxyadoodii ayay ruxeen, xataa waxayna awoodi waayeen inay jalleecaan ninkii tuugga ahaa.

Tuuggii ayaa isagoo ka-xun masuuliyiintii ku yiri; “Wax laga caroodo mawaysan ahayn, waxaad tihiin afartii masuul ee boqortooyada u-sarreyay, mana karaysaan inaad sixirkan samaysaan, waxaad ku-nooshihiin nolol hodontooyo iyo raaxo ah, halka an anigu ka ahay tuug duq ah, oo aad ku-xukunteen inuu xabsi ku laasto maalmaha nolosha uga haray, dhalo yar oo an xaday darteed, sidaasi ma-dowbaa?”

Jawigu waa is-bedelay oo xaalad aamus ah ayaa la galay, ugu damayntii boqorkii ayaa hadlay oo tuuggii ku yiri; “May tuuggow, dow maahan, ee casharka aad maanta na bartay wuxuu kuu keenay xornimadaadii, kac oo gurigaagii aad”

Tuuggii oo fasax ah ayaa gurigii boqorka soo baxay, isaga oo boqorka u-madax-ruxaya, ishana uga baaqaya askarigii gaar-hayaha ahaa.

W/T: Barkhad Cabduqaadir Awcali

barkhadawcali@gmail.com

SHEEKOOYIN