Tuugsigii dadbanaa Q11AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q11AAD 

Waxaan u imid Daahir oo aan ku balansaneyn inaan inuu ii dhammeystiro sheekadii qabyada noo aheyd, bslse intaa aan guda galin ayaan u sheegay beri subaxnimada hore inaan aadi doono safar gaaban oo sagootin iyo sii dhaweyn ah, aad ayuu ugu farxay kalsoonida aan go’aanka ku gaaray anigoon wax ogeysiis ama ka codsi ah weydiisan.

Isla Galabnimadii waxaan u tagnay wiil kale oo aan qaraabo aheyn waxaan kasoo erganay gaari xaajiyo qamsiin labo shireey ah, markii aan gaariga diyaarsanay waxaan aadnay suuqa bakaaraha halkaas oo aan uga soo iibinay agabkii aan ku cid gali laheyn.

Si kastaba arrinku ha ahaadee waxaan u diyaar garoownay inaan subaxda horaba aan horay ka dhaqaajino anagoo ku xisaabtameynay inaan galabnimada ka soo caraawno.

Waaga markii uu baryay ayaan hore u soo maray Daahir oo gaariga gurigiisa uu noo yaalley waxaan u baqoolnay dhanka iyo cisbitaalka halkaas oo aaan ka soo qaadnay wiilkii na casuumay, waxaan is baray labadooda is barasho kaddib waxaan dhax jibaaxnay sheekooyin ku saabsan miyi iyo magaalo.

Daahir waa markii ugu horeysay noloshiisa uu magaalo ka soo baxo waxaa ka muuqday wajigiisa oo laga aqrisan karay inuu u hammuun qabo nolosha baadiyaha inuu wax ka ogaado, aniga lama mid aheyn waayo ciddaheen baadiyo dagan ayaan sanad dugsiyeedka marka la xiro u caano doonan jirnay. Sanad walba taasoo ii suuro galisay in ay labada nolol aan isku gees ka arko balse saaxiibkey Daahir su’aalaha uu na weydiinaayay waxaa ka mid ahaa dugaaga oo walwal iyo cabsi ba’an ka qabay, sida libaaxa iyo waraabaha iyo yeyda, waxaan soo soconaba waxaan nimid MUKAYGA Afgooye.

Mukayga afgooye waa suuq weyn oo u dhaw buundada weyn ee afgooye waxaana wax ka iibasada socotada inta badan dadka degaanka iyo nawaaxigiisa,  ayaa keensada qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo caanaha qof walbana wixiisa asagaa iibsada inkastoo ay ku dhax jireen gedisleey iyo  qaar qorrax joogto iyo dalaaliin  ah oo u soo shaqo taga haddana waa mee Illaaheey barakeeyay subaxdii ayaa la yimaadaa casirkiina waa lagu kala tagaa, waxaan ka iibsanay qudaar iskugu jirtay moos , canbe liimo bambeelmo, iyo liimo dhanaan. Safsrkeenii ayaan horay u sii wadanay, intii aan la gaarin 1.00 dii duhurnimo waxaan tagnay reerkii aan u soconay waxaa naloo soo dhaweeyay sidii boqorada oo kale gacan iyo salaan diiran ka dib waxaa naloo goglay geed weyn oo qurac hoostiisa,

Wax yar ka dib waxaa naloo keenay Soor iyo Hilib ari, caano geel biyo xareed ah oo haan la culay laga soo rogay, waxaa gogoshq fadhiga nagu wehliyey Cali aabbihii iyo walaalkii ka yar iyo oday dariskooda oo odayaasha xaafada ka mid ah, imaashaheena oo kadis ku ahaa odayga waxa uu jecleystay inuu hoos noo wareysto asagoo raba inuu ogaado cida aan nahay, markii aan u sheegnay aabbayaasheen waaba uu aqoonsaday, kolkaas ayuu yiri soo dhawaada maandheyskoow waxaad joogtiin gurigiina, waana uu naga tagay qadadii kaddib,  Cali ayaa noo sheegay ninka na wareysanayay inuu yahay nabadoonka beesha dagaankaan yahayna ninka talada reerka looga danbeeyo hadalkiisana aan hadal la saarin.

Maadaama Cali uu baxnaano u baahnaa iyo nasiino waxaa nalagu daray wiilkii ka yaraa si aan u soo indho indheyno meelaha xoolaha loo daaqsin geeyo iyo warta xoolaha laga waraabiyo wax aan soo soconaba waxaan ku soo baxnay ari meel daaqaya, waxaa la joogay ariga Cali walaashiis iyo labo gabdhood oo ay isku fil yihiin salaan kaddib waan ka sii gudubnay waxaan tagnay warta xoolaha laga waraabiyo markii hore waxaan moodnay weyninkeeda iney tahay wabi sababtoo ah il qabato ayey ka muuqataa waa meel biyo dageen ah oo aad loo xanaaneeyay waxaa ilaaliya oo mar walba jooga hal nin kaasoo sanad walba ay siiyaan reeraha dagaanka reer waba hal neef oo dhidig ah cid walbana ay masuul uga tahay inta ay u heyso asna uu leeyahay manfacooda iyo maal ahaanba waa heshiis afgarad ah oo aad u qurux badan.

Dhan biyahaa laga dhaansahaa dhan xoolaha ayaa laga waraabiyaa dhan kale waa lagu dabaashaa, habeenkii waxaa jirta meel ka gooniya oo loogu talo galay dugaaga iney ka cabaan maxaa yeelay inta kale waa oodan tahay sadaxdaa irdood ee laga galo maahine meel kale dad iyo duunyaba kama soo gali karaan.

Casir liiqii ayaan dib u soo gadoonay anagoo qasadkeenu yahay inaan caraawno intii aan dhax soo soconay ayaa Daahir hoos iigu dhigay oo yiri ninyahoow gabadhaan ayaan ka helay maxaa talo ah? Waxaan ku iri ma xumo laakiin gabadhu reerka aan martida u nahay ayaa dhalay haddana waa adag tahay waa ku arkay waa ku caashaqay waa in aan muddo joogno si aad ula kulanto ama aan u soo qalab qaadano mar kale suuye caawa aan joogno waxaan ku iri waxba kama qabo laakiin wax hubso

markii aan reerka ku soo laabanay wiilkii yaraa ee nala socday ayaa Cali u xog warramay una sheegay inaan caawa joogeyno intaas uguma ekeyne waxa uu yiri saaxibtinimadii seedinimo ayey isku badali rabtaaye ogaanteed lahaaw, aniga iyo Daahir warbixintaas la gudbiyay qabar daar ayaan ka aheyn ileen reer baadiyo kaa dhago dhaadheer.

Waxaa naloo keenay shaah casariye, bur yahuud iyo Oodkac kolkii aan xoogaa ka taataabanay ayaa  Cali hadalkii qaatay oo yiri labadiina waa kuma ninka gsbarteena gaclooday hana iga xishoonina gabar waa guur u joog maantana rag idinka qiimo badan aan siin lahaa ma jiraan waa is fir firinay meel laga laabto iyo waxaan ku jawaabno labadii garan weynay.

La soco qeybaha xiga

W/Q:Cabdul Cabdulkariim( Jalaato)

SHEEKOOYIN