Tuugsigii dadbanaa Q7AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q7AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Waxaa jiray dhulka loo yaqaan SHAAM waxaa ka talin jiray boqortooyo, Qani ah oo dhaqaalaheeddu heer sare gaaray, ruux walba io dagaankaa ka tirsan waxa uu ahaa maalqabeen, iyadoo ay sidaa tahay xukuumadii waxa ku soo kordhay caqabad maaro loo waayay, oo magaalooyinka oo dhan ku fiday, dhulku waa dhul barwaaqo, baahi ma jirto nabad ayaa taal, haddana dadka tuugsada oo jidadka fadhiya, ayaa tirada ka batay.

Xukuumada waxa ay isku dayday in ay xeryo u sameyso, lagu xannaaneeyo waa socon weyday, markii la geeyo xeradii oo waliba waardiye leh waa kasoo kala dhuuntaan. Waa la masaafuriyaa oo meel dheer ayaa lagu soo daadiyaa, askartii masaafurisay ayeyba ka soo hor maraan, arrintii cirka ayey isku sharertay xukuumadii boqorka ayaa shir dag dag ah qabatay si xal loogu helo.

 Markii ay xukuumada tabar u waayeen, in magaalooyinka laga nadiifiyo dadka tuugsada, waxa ay bilaabeen in ay xeryo lagu aruuriyo loo sameeyo, magaalana laga masaafuriyo si dhaqan celin loogu sameeyo, taasna waa lagu hungoobay goobihii loo sameeyay, waxa ay bilaabeen iney dhuumasho dib ugu soo laabtaan, magaalooyinkii laga soo aruuriyay.

Muddo ayaa ka soo wareegtay markii ay xukuumada ku dhawaaqday, in xeryo loo sameeyo oo laga masaafuriyo magaalooyinka,taasina uma suura galin xukuumada, in ay ku joojiso falalkii guracnaa ee tuugsiga. waxaana ay xukuumada shir dag dag ah oo looga tashanayo xal u raadinta arrimahaan cakiran ee loo caal waayey, isugu yeertay dhammaan la taliyayaashii, wasiiradii, iyo hey’adihii ammaanka iyo cid walba oo loo arkaayay in ay gacan ka geysan karto. waxaase yaab ku noqday baahi loo tuugsado dalka kama jirto, sababta ku kalifeysa dadkaan in ay tuugsadaan?

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa loo fariistay shirkii wada tashiga sidii loo maareyn lahaa, waxaana laga soo saarey qodobbo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin:

1) In la xiro qofkii lagu helo asagoo tuugsanaayo xabsi dheer.

2) Ilaa iyo mudo saddax bilood la fiiriyo isbadalka ku yimaada.

3)In loo tababaro askarta qaar ka mid ah in ay tuugsiga ka qeyb galaan, soona ogaadaan sababta ku qasbeysa, 

Waxaa la diyaariyay 300 oo askari kuwa aan u naqaan dhar cadka, waxaana loo qeybiyay,magaalooyinka iyo tuulooyinka in ay ka soo aruuriyaan xogta saxda ee ka danbeysa, labadii toddobaadba warbixinta soo gudbiyaan.

Dhanka waxaa billoowday in lagu wargaliyo in ciddii lagu helo ayadoo tuugsaneysa in xabsiga loo taxaabi doono, hantidiisana lala wareegi doono. Deegaanka ay soo war galiyaan ciddii ay ku arkaan oo xaafaddahooda ka tuugsaneysa.

Wax waqtiga is guraba waxaa la gaaray xiligii ay askartu soo laaban laheyd nasiib daro waxaa ka soo laabtay 300 ee loo diray 30 askari kuwaas oo sheegay in ay gaareen meel aan laga soo laaban karin balse naf iyo sheydaan ay la dirireen. Waxa ay ku yiraahdeen warbixintooda waxaan aheyn kuwa ka feejigan una dhaartay dalka iyo dadka badbaadintooda,  haddii aysan dhaartaa jirin ma aanan soo laabaneen. Maxaa yeelay,  waxa aan dhax galnay mowjado naga waaweyn, dadka tuugsanayay qaar ka mid ah waxa ay leeyihiin hanti aan la soo koobi karin, guryo waaweyn nooca loo yaqaan qasriga, xoolaha nool xisaabkooda lama soo koobi karo, waxaa uga shaqeeya shaqaale oo ay mushaar siiyaan kuna kormeeraan. Waxaase yaab leh mid walba oo ka mid ah waxaa uu shaqo tagaa meel aad uga fog halka uu dagan yahay, bishii hal jeer ilaa labo ayuu guryo noqdaa, uga badnaan reerkiisa waxa uu la joogaa in ka yar hal toddobaad, ka dibna dib ayuu ugu laabtaa. Taas waxaa ka daran waxa ay dagan yihiin  koox koox,;koox waliba waxa ay leedahay hoggaamiye nin walba waxa uu soo helo asagaa iska leh inta ijaarka guriga ay dagan yihiin, taas waxaa ka sii daran guri walba ay dagan yihiin waxaa iska leh mid ayaga ka mid ah, ma jiri mid mid kale magaciisa saxdaa yaqaan in la is weydiiyo waaba ka mamnuuc, xaafad walba waxa ay ku leeyihiin guryo, markii guryaha gudahooda la joogo waxaa kaloo ka mamnuuc ah in aad qof weydiso meeqaad soo heshay,  waxaa kaloo ka mamnuuc ah in haddii aad bannaanka isku aragtaan qof aad guriga isla dagan tihiin aad la sheekeysto, isma taqaaniin bannaanka markii la joogo waaba dowlad gooni u dhisan. Kolkii ay warbixinta dhammeeyeen. 

Waxaa billawday olole ballaaran oo dalka looga nadiifinayo, meelihii ay daganaayeen iyo meel walba oo lagu arko qof tuugsanaayo, Hantidoodan lala wareego. Dadkii tuugsiga ku garaado gooyay markii ay ogaadeen in xabsi la isku taxaabayo qofkii lagu arko asagoo tuugsanaayo waxa ay bilaabeen, nidaam cusub ay howshooda ku sii wadan karaan, nidaamkaasna waxa uu ahaa sidan:

 

La soco qeybaha kale.

W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

SHEEKOOYIN