Tuugsigii dadbanaa Q8AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q7AAD

Waxaa bilawday olole ballaaran oo dalka looga nadiifinayo,meelihii ay daganaayeen iyo meel walba oo lagu arko qof tuugsanaayo, hantidoodan lala wareegayo qofkii lagu helo fal tuugsi ah. Dadkii tuugsiga ku garaado gooyay markii ay ogaadeen in xabsi la isku taxaabayo qofkii lagu arko asagoo tuugsanaayo waxa ay bilaabeen, nidaam cusub ay howshooda ku sii wadan karaan, nidaamkaasna waxa uu ahaa, mid aan la fahmi karin, oo waji cusub u yeelay magaaladiiyoo dhan. 

Waxa ay bill aabeen in ay u soo labistaan si caadi ah, si ay dadka ugu ekaadaan oo aan loo far muuqin, taasina waxa ay suura galineysaa in ay guda galaan howl maalmeedkoodii tuugsiga ahaa. Waxyaabihii ay sameynayeen waxaa ka mid ahaa, goobaha ganacsiga, masaajidyadda iyo meel walba oo dad iskugu yimaado, in ay ka tuugsadaan si xeeladeeysan, oo aan cidna dareemi karin ileyn meel walba waxaa wareegaya roondooyin  u xil saaran ilaalinta dadka tuugsada oo kaliya.

Farsamooyinkii ay adeegsanayeen waxaa ka mid ahaa, in ay qofka gooni ila baxaan u dan sheegtaan ayagoo is bihin bihinaayo oo ba’iyo hoog u sheegaya ilaa iyo qofka uu ka uur gadoomo oo uu waxa uu heysto barkood siiyo, in ay ka istaagaan masaajidka ayagoo mucaawino weydiisanaya, iimaamka masaajidka oo ay u sii maraan dadka inuu wax u weydiiyo si ay caawo uun uu ilmaha ku seexiyo, iyo qaar kaloo faro badan oo iskugu soo biyo shubanaayo waa baahanay wax i sii.

Waxaa kaloo jira in qof walba oo bini’aadam ah inuu ka siman yahay, marka qofka gooni ula baxo,inuu aad u dhageysto, waana wax dabiici ah in dareenkaaga oo idil aad siiso qofkaas, si aad ogaato waxa uu doonayo in uu kaala hadlo.

Hadda ka hor waxaa jiray labo nin oo waddaay ahaa,  oo isla qadi jiray islana quudan jiray. Waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah, ayagoo meel cidlaa neef ari ku qalanaya, ayaa mid ka mid ah labadii nin damac ka galay inuu maqaarka neefka qaato, waxaa uuna la hadlay kii kale oo ku yiri: saaxiboow waxaan rabaa inaan kula hadlo ee xag na geey?

Kii kale ayaa ku yiri ila hadal halkaanba waa cidlo oo aniga adiga kaliya ayaa joogna. Waxaa uu yiri maya halkaan ma kuugula hadlaayo ee xaga na geey inaan kula showrro ayaan rabaa, ninkii kale oo yaaban oo is leh tolow saaxibkaa maxaa ka qaldan, wixii uu haayay inta daayay ayuu u baxay meeshii uu ninka kale rabay inuu kula hadlo, markaas ayuu ku yiri ii sheeg waxaad goonida iigu soo bixisay?

Waxa uu yiri waddaayoow waxaan gooni kuugu soo bixiyay wax kala ma aha, waxaan rabaa maqaarka ri’da inaan qaato, kii oo aad u yaaban ayaa ku yiri ma intaas ayaad maanta oo dhan ii wareerineysay maad ii sheegtid mar hore, ma waxaas ayaa wax la isku showriyaa oo waqtiga la iskaga lumiyo.

Kii maqaarka rabay ayaa ku yiri haddii aanan gooni kuu sheegin waxaa laga yaabaa una badan tahay inaad ii diidi laheyd oo uu damac ku gali lahaa waana sabab aan u doorbiday in aan meel gooni ah, kuugu sheego hadana waad ku mahadsan tahay ee maqaarka midida iiga ilaali. 

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa magaaladii laga waayay dadkii dariiqyada iyo guryaha ka tuugsan jiray, iyo goobaha dadka iskugu yimaadaan oo meel walba garxanaa. Waxaa magaalladii isku badashay shaxaadka iyo tuugsiga dadban oo ku xoogeystay, ilaa ay xukuumada ka ogaatay arinkii inuu labo kacleeyay galayna waji cusub oo aan loo taag heli karin. 

Anigoo soo laabo doona bal aan yara dul istaagno nolosha maanta iyo baraha bulshada waxaad ku arkeysaa tuugsigaa dadban oo faraha ka baxay, oo waliba qaar ka mid ah ay ku leeyihiin: “ Illaah baan kugu dhaarshay share iyo like adigoon dhihin, ha dhaafin. haddaad ruux muslim oo online  tahay adigoo like dhihin ha xirin. Qaar kalana waaba ka sii xag jiraan oo waxa ay ku leeyihiin hadaad faafisid qeyrkaan naarta ayaa lagaa xureynaa, sadax bari gudahood waxaad hrleysaa wax kaa farxiyo IWM.

Aan u soo laabto qormadeenii tuugsigii dadbanaa,  markii ay xukuumada ka war heshay in jawigu isku badalay qaab kale,  waxaa mar labaad la iskugu yeeray hey’adihii ammaanka la taliyeyaashii iyo dhammaan wax garadkii bulshada, si xal loogu helo loona hor istaago baahidaan ay saadaalinaayaan dadka tuugsada.

La soco qeybaha danbo

W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

 

SHEEKOOYIN