Ugaaso Malyuun

Geeluba Ugaasooy hadduu ayda miranaayo
Abeerkiisa[1] naaxiyo hadduu aaranku is waayo
Isaguba ma kala aamusee waysu ololaa e!
~ Raage Ugaas Warfaa Faarax Samatar, Geelu ba Ugaasooy
QORAALKAN MA AHAN MID AAN UGU TALOGELAYO bulsho guud, caamo; sida kale se, waa mid aan ugu talogelayo qof gaar,buuni. Aqoondhaaf (aqooni ama indheergarad), ulajeeddada farriintayda, dhilan karayo. Ulajeeddada, ha u qaadan wax kale; bal se waa macnaha ku dhex hadoodilan inta u dhexeyso sadarrada.
Waxa aan rajenayaa in dhambaalkaygan kula kulmi doono; adiga oo caafimaadqab ah, aad na u riyaaqsan. Farriintayda na aad sahmin doontid, halka, ay abbaaran tahay. Lacalla haddii si uun ama siyaalo kale ba, ay kugu seegto; isku day marar kale, maalmo kala duwan, in aad dib u naqtiimisid. Waa halkii uu ka oran jiray garaadkii reer Laatin, ❛Repetito est mater studiorum (Naqdiinku waa hooyada waxbarahada).❜ Waa aan hubaa, oo weliba na aad ugu kalsoon ahay, Ugaaso Malyuuneey, in aad i maan garan doontid.
Sow lama moodo in laabtaydii ba aad ka wada baxday? Miyaan halmaamay, se sidii aan uga soo dhex saari lahaa maankayga — haashaarkaagii qurxoonaa? Iyo, labaddaraadle, sidii aan ugu daawan lahaa isha maankayga.
Sidee kuugu tilmaami karayaa se, saha (xaalka) aan ku nool ahay? Mindhaa, waa sida

“Cawees ii cayaar dhaafee, ceelka soo jiidee” — Hees Banaadiri
garwaaqsi (xusuus) madow, kaas oo aan misana gun lahayn. Armuu ama yahay ba, gedda wiyeer dhex ceegaaga ceel, ma’wi hoos u sii qoto moolsan? Si doonto, oo ay biyihiisu u yihiin dhaay qabow; haddana waa kuwo aan la cabi kareynin: jeeroo, mooyaane, Ugaaso Malyuun, ay dowli ba dowlis kale ku sii gunuddo, xarig ba xarig kale ay ku sii xirto; wadaan na, ay ceelkii ku sii geferto[2]. Kaddib na, nafteeda asqeysan ay ka waraabiso. Feejignow! Af asteysan (figurative language), murtidiisu waa banqi[2] aad u baac dheer. Ceelalyo[4] aan u haysan yeel[5] u ma guul-oonto[6]; haddii ay ku aroorto na, ku ma soo cokanaato; kama na soo hirqato — biyo. Kolka ceelka biyihiisa laga dhergo, se durba in dhabarka la xijiyo, laga jeesto, laga na ag fogaado, sow dhaqanku ma aha?
Maan u ooman, garaadkii Ugaaso Maluun; tolow, maxaa is na u wiyeer ah…? Mooyi, iga dheh. Hal ba ayaa se iga codsi ah. Gacalooy, inta anan ku wada illoobin; qaajeel ba, haddee, is kay soo ogeysii.
Maahmaah Kiswahili ah, ayaa jirta; maahmaah weeyaan, murtideeda awgeed, aan muddo dheer laabta ku soo hayay. Waxa ay oran,
❝Buuruhu ma dhaqaaqaan; dadku se way kulmaan.❞
Quluuddii[7] reer Afrika, ereyo murtiyeysan, ma waanay ahayn? Si kastaba, waxa aan rajeynayaa, maalin maalmaha ka mid ah, in aan is arki doonno.
LA SOCO QAYBO KALE …
_________________________
Eray iyo Ujeeddo
[1] abeer ~ka:: 1. baatrir, dheddigoodka ishkin (neef ama geel ama lo’ ah), ee gaaray da’deedii, balse aan weli curan; qaalin aan weli rimin ama la rimin; qaalintu se kolka ay tahay qaalin lo’aad, waxa la yiraahdaa ‘galgaal’; riyaha na, waa ‘tebis’. [2] gefer ~ka:: b. sida wadaan… iwm., wax ceel lagu loo sii daayo / rido. t. neef aan seeto, dabar, celiye, ama xarig la’aan ah (sida fardo deysan). [3] banqi: ceel leh maax aan gureyn, ceel biyo badan, ma’wi, banqay. [4] ceelalyo ~da: dadka iyo [ama] xoolaha aroorka ah; aroorka ugu soo hormara agaagga ceelka. [5] yeel ~ka [magac wadareed]: dhammaan agabta loo adeegsado in xoolaha lagu shubo, oo ay ka mid yihiin: dowli (dowlis/xarig), wadaan, naar, qabaal… iwm. [6] guul ooman: kolka xoolaha xagga ceelka loo aroorinayo, ayaa la dhahaa “guul ooman”; kol na waa “guul wabax,” ceel ayaa laga soo waraabiyay — macnaha waa ay cokan yihiin (ma oomana), oo ruunkoodii ayay guryanoqod u yihiin. [7] quluud ~da: ulajeeddo Aadmigu u wada bogo, macne laabta dadyow ku saameyn, arwaax iyo raaxo; aftahamo iyo murti hadba loo buseelo; hawraar milgo leh.
. . Qormo: Ugaaso Malyuun Wq A. M. Yusuf (Wayeel) ● Xigasho: Gole Wayeel | Isniin, Nof 23, 2015

SHEEKOOYIN