Waa kuma mucaarad siyaasadeed? W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

Waa kuma mucaarad siyaasadeed?

Erayga mucaarad waa eray carabi ah, Afka carabiga waxa uu noqdaa dhawr ujeedo oo kala ah:

  1. Loolan
  2. Xisbi ama urur siyaasadeed

Loolan

Loolanku waa tartan u dhaxeeya laba qof ama  dhawr kooxood, loolanku waa ka duwan yahay tartanka oo waxaa loo loolamayaa wax muuqda oo la arkayo, tartanku waa wax ku xiran aqoon ama awood, sida orodka oo kale ama bootin ama fardafuul. Loolankuse waa laba nin oo gabar ku loolamaya mid weliba uu rabo inay dhankiisa soo marto, ama laba kooxood oo ganacsato ah oo ku loolamaya qandaraas inay qaataan, waxaa kale oo jirta in laba qofood ama laba kooxood ku loolamaan jago iyo xil madaxeed.

 Xisbi ama Urur siyaasadeed.

Inta badan waxaa jira saddex aragtiyood oo dadku kala qabaan kalana duwan,  waa hannaanka hantiwadaaga, hannaanka dimoqraadiyada iyo hannaanka hiregelinta islaamka.

Marka ay jiraan ururo kala wata aragtiyahan mid welibana doonayo inuu tiisa ku hoggaamiyo dal iyo bulsho ayaa la oran karaa waa iska soo horjeedaan(Mucaarad)

Soomaaliya iyo mucaaradka.

Weli ma aynaan gaarin kamana hirgelin teer iyo intaan gobonnimada qaadanay ururo kala xambaarsan aragtiyo siyaasadeed oo ku loolama hoggaaminta dalka,  taas waxaa ina tusinaysa inaad arkayso hal qof oo saddex urur maalinba mid ka mid noqonaya ama laba ururoo isku biiraya is gaashaanbuureysi siyaasadeed.

Mucaarad=( ka soo horjeede, Diidane iyo Saluugsane)

  1. Ka soo horjeeda waa midka aan sheegnay ee xambaarsan aragti ka duwan tan uu ka soo horjeedo
  2. Diidane waa mid wax walba iyo si walba u diidan wanaag iyo xumaan kooxdaas ama qofkaas uu diidan yahay inta uu arkayo
  3. Saluugsane waa qof waxna ogol waxna ku diidan hoggaaminta ama hannaanka siyaasadeed.

Mucaarad Danleey.

Waa kooxo hardan ka dhaxeeyo oo aysan jirin wax gaar ah oo ay isku hayaan marka laga reebo kala riixashada kursi ama il ay u arkaan in dhaqaale iyo dan gaar ahi ka soo galayso, kooxdani waa kuwa aynu hore usoo sheegnay ma jiraan aragti jiraal ah oo ay xambaarsan yihiin, waa sida jirjiroolaha hadba dhanka dantaasi marto ayay ka soo muuqanayaan.

Mucaaradka toosan.

Haddaba jiritaanka mucaaradka waxa uu laga maarmaan u yahay  jiritaanka nolol  bulsheedka oo ku dhisan madax bannaani aragtiyeed iyo istix galineed.

Haddii uusan mucaarad iyo kooxo kala aragti duwani jirin waxaa halkaas ka muuqata in dadkaasi yihiin kuwa aan lahayn doorasho iyo madax bannaani ay ku sheegi karaan, dooran karaan waxay u arkaan lama huraanka noloshooda.

Qof walba oo xil loo dhiibaa waa igmane iyo adeege bulshada loo diray inuu wado danaheeda guud,  wuxuuna ergay ka yahay qof walba wuxuuna xil ka saran yahay dhammaan dadka oo dhan,  waxaa qofkaas lagu doortey ama lagu keenay heshiis bulsheed(Dastuur) waxaana laga rabaa inuu heshiiskaa bulshada ku hago kuna horumariyo, isaga oo mar walba eegaya danta guud ee bulshada  doorbidayana waxay bulshadu isku raacsan tahay.

Haddii qofku xil qabto hubaal inay jirayaan kooxo diidan, siyaabaha aynu soo sheegnay midna dhan ka istaago hoggaaminta qofkaas igman, isaga ayaa laga rabaa isku soo dhaweynta iyo hiregelinta hannaan dhexdhexaadnimo oo dadku ku wada noolaan karaa kuna dhisan is afgarad heshiis iyo xeerarka dejisan.

Haddaba hoggaanka xilka hayaa waxaa laga maarmaan ah in uu dareensanyahay hawsha uu hayo in ay tahay mid la wada leeyahay. Siduu rabana uusan u maali karin ee laga rabo in uu raaco sida heshiiska iyo xeerku wuxuu qabo.  Sidoo kale waa inay jiraan laamo gaar ah oo  u geyfan ilaalinta heshiisyada la dhigtey iyo xeerarka la dejistay.

Waa in uu ogyahay in uu yahay adeege loo igmaday howl gaar ah , bil goosad(Mushahar) iyo gunnona ku qaatta hawshaas, haddaba dadkii hawshaas u dhiibtay waa in uu ku tixgeliyaan siiyaana kalsooni buuxda si uu ugu adeego si hufan.

Hoggaamiyuhu  waa in uu ogyahay in uusan awood u lahayn  ilaalinta iyo maamulida dadka aragtidooda maskaxdooda iyo sida ay u hadlaan, ama ay gorfeeyaan wax. Waxa kali ah uu xil ka saran yahay waa maamulka  laamaha, waaxaha iyo faracyada loo igmaday amminta uu xilka hayo.

Madax bannaanida Mucaaradka

Dadyoowga sida hufan  isu doorta waxa ay ku qeexaan  heshiisyadooda iyo xeerarka u degsan(Dastuurka)  ilaa heer madax bannaani ee uu mucaaradka.Tusaale haddaan usoo qaadanayo dhawr qodob waxaa ka mid ah:

  1. In laga tixgaliyo hannaanka siyaasiga ah ee dalka.
  2. In ay helaan xog ku saabsan hawlaha  laamaha maamulka dowladda.
  3. In ay ka helaan ergooyin golayaasha dalka.
  4. In ay xogwareysan karaan maamulka oo xuuraamin karaan(isla xisaabtan)
  5.  In ay dhaliili karaan kalana doodi karaan go’ aanada ay soo saarto awoodda, fullinta
  6. daah ka faydidda god daloolooyinka wax is daba marinta iyo ku tagrifalka awoodda.

Xilka saaran mucaaradka

Sida kor xusan mucaaradka waxa uu leeyahay madax bannaani siyaasadeed, taas ujeedkeedu ma ahan ayagu in  ay yihiin kuwa aan lahayn xeer iyo dabar celiya. Madax bannaani kastaa waxaa la socda  xilqaad iyo xildhawr aan dhana loo dhaafi Karin.Haddaba xilka mucaaradka saarani waa :

  1. In ay tixgaliyaan xeerka dalka iyo heshiisyada ,maxaa yeelay xeerka iyo heshiisku waa kan iyaga siiyey madax bannaanida una oggolaaday  sidaasoo kale waxaa oogada ka saran  xil ah inay dhawraan
  2. Waa in ay la yimaadaan qorshe siyaasadeed oo hiigsi leh si ay ula loolamaan xisbiga ama kooxda talada haysa markaas. Qorshahaasi waa inuu yahay mid cad oo muuqda oo aan mugdi ku jirin.
  3. Waa in aysan xiriir la yeelan shisheeye aysana jirin cid dab aka joogta.
  4. Ka hor imaanshaha falalka gurracan ee hoggaanku la yimaado, waa inay bulshada u iftiimayaa iyaga oo qaab aqooneysan oo abaabulan u maraya dalka iyo dadkana aan dhibaato u horseedeyn.
  5. Ka qayb qaadashada kobcinta wacyiga bulshada .

Soomaaliya mucaarad ma ka jiraa?

Markii wadankeennu gobonnimada qaatay 1960 lana bilaabay in la dhiso golayaal dadweynaha u taagan. Waxa uu dalku qaatay hannaanka xisbiyada badan . Waxaana jiray xisbiyo mucaarad waxaana dhex meri jiray xisbiyadaas loolan  adag golayaasha dhexdooda iyo bulshada horteeda  sidaan korba ku soo sheegnay ma jirin aragtiyo siyaasadeed oo ay xambaarsanaayeen, balse waxay ahaayeen  xisbiyo bilow ah oo la oran karo waxay horseedi karayeen in la helo xisbiyo aragtiyo kala duwan leh.

Loolankaas waxa uu ahaa mid ku dhisan tixgalin iyo anshax suuban oo uu lahaa qofka ama xisbiga mucaaradka ah .Mana jirin cid isku dayi jirtey in ay caburiyaan xisbiyadaas .Nolashaas xorta ah ma siidheeraan waxa jirtay 9 sano oo kali ah . Kaddib waxaa afganbiyay awooddaas uu dadweynaha lahaa ciidankii loo igmaday in aydalka ilaaliyaan.

Ugu horrayn waxay ka bilaabeen burburintii nolashii ku dhisneed madax bannaanida aragtida , in ay laalaan dastuurkii dalka lagu heshiiyey ee weliba dadweynuhu  codkooda ku oggolaaday (Afti). Ayagoo awoodii la kali noqday dadka ka dhaxaysay.

21 sano kadeed iyo caburin ay ciidanku dalka kuhaayeen waxaa ku kacay kooxo hubeysan u abaabulan qaab beeleed oo ay horboodayeen qaybo ka mid ah saraakiishii ciidanka qalabka siday.Isku hor imaad adag oo dhexmaray ciidankii talada haayay iyo kuwii kasoo horjeeday waxaa burburay qaybihii ka haray qaranimada soomaaliya . Ciidankii talada haayayna dalka waxa ay ka baxeen markii ay burburiyeen .qaybihii kala duwanaa ee ciidank iyo dhammaan hay’adihii dowladda.

1969 waxaa la duudsiyey madax bannaanidii aragtida waxaana  lagu beddelay awood sheegad iyo  inaan dadweynuhu wax cod ah ama aragti ah lahayn.

1990kiina waxaa awoodi laysku muquuniyey dhashay in dhammaan hannaankii dowladnimo afka ciida loo daro.

Haddaba halkaas ayaa waxaa nooga soo baxaysa in hannaankii madax bannaanida aragtida  ee curdanka ahaa markii la caburiyey inuu burburey dhalay burburkiina ilaa haatan uu sii muuqdo,  waxaa laba jeer loo adeegsaday awood mar awood ciidan oo dowladdi lagula wareegay, marna awood  kooxo hubeysan oo aan lahayn hannaan iyo hiigsi siyaasadeed.Ilaa haatan ma jiro, hannaan madax bannaan oo u oggolaanaya qofka soomaaliga ahi inuu aragtidiisa cabiro, inuu aragtidiisa wax ku doorto, inuu aragtidiisa wax ku diido ama ku saluugo,  hadba kooxda timaada waxay la mid tahay kabiir buuxinaya kaalintii macalinka oo  ma jiro, hannaan mucaarad iyo muxaafid  oo si dhab ah loo qeexi karo.

Mucaaradka iyo maanta

2009  dowladdi wadaaga ahayd ee lagu soo dhisay  dalka Jabuuti intii ay xilka haysay waxaa soo noqday hannaanki is tix galinta mucaaradka siyaasadeed.

Ayadoo aan ka dheehen karno markii lagu jiray ololihii doorashada 2012 markaas oo aan arkaynay isbahaysiyo siyaasadeed iyo qudbadaha kulkulul oo ay is dhaafsanayeen madaxdii markaas xilka raadinayay.

2012 waxaa xilka la wareegay xukuumad cusub .nolashii ismucaaradida waa ay sii siyaaday waxa bilaabatay in la dhaqan galiyo hannaanka xisbiyada badan . Waxaana madarka siyaasada yimid kooxo ama kooxo aragtiyo siyaasadeed wata oo si madax bannaan u dhiibanaya aragtidooda iyaga oo aan la gabanayn aysana jirin cabsi iyo werwer ay ka qabaan in lagu waxyeeleeyo aragtidooda oo ay soo bandhigeen.

2017 xukuumadda hadda jirta markay xilka la wareegtay waxaa bilaabatay cabburin dhanka siyaasadda, waxaadna moodaa geedkii madax bannaanida ee hadda soo abqaalmey inuu u dhawyahay inuu dharo oo meeshiisa ku engage dibna loo waayo aragti madax bannaan oo arrintu xoog iyo awood laysku muquuniyo isu rogto.

W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

SHEEKOOYIN