WAALIDKII HUNGOOBAY ( SHEEKO DHAB AH) W/Q Deeqo Shire (SONNA)

IMG_9963

WAALIDKII HUNGOOBAY ( SHEEKO DHAB AH)

Waxay ahayd maalin Isniin ah Waxaan joognay goobta shaqada xili aan ku guda jirnay waqtiga qadada ayuu sheeko ii bilaabay isaga oo i weydiinayay dalkayga iyo in aan ku laabanayo.

Sam Waxaan ku qiyasayaa da’ahaan in uu ku jiro sanadiiisii 55aad, waxa uu u dhashay dalka Bosnia and Herzegovina, waxa uu Mareykanka yimid 35 sano ka hor, xiligaa waxa uu lahaa Xaas ay isku dal ka soo jedaan iyo curadkiisa, waxa 4 sano ka dib u dhashay gabar, waxa uu dhexda u xirtay ama la hardamayay Nolosha adag ee Mareykanka oo ku salaysneed Xoogsi maadama uusan ku shaqeysan karin aqoontii uu dalkiisa kala yimi oo aan ku filneyn.

In mudaa markii uu ku dadaalay koriimada labada carruurtaa iyo xaaskiisa waxaa la soo gaaray Guushii oo ah xiligii ay dhammeeyeen Jaamacaddaha ay dhiganayeen iyaga oo isla markiiba helay shaqo u dhiganta wixii ay barteen.

Sam waxa uu aad u danaynayay in mar uun ilmihiisa koraan aqoona soo kororsadaan si dalkoodii ay ugu laabtaan iyaga oo wax soo saar leh, Haddaba maxaa dhacay?

Waxa uu luxayay madaxa waxa uuna mar mar ii soo fiirinayay toos (Eye to Eye) aniga oo dareemay in uu is baddalay oo uu galay xusuus murugo xanbaarsan waxa uu u jeestay weelkii uu ku qadeynayay oo aan wali raashinkii ka dhamaan sheekadiina waa uu ii sii waday.

Waxa uu yiri ” Waxaan go’aansaday maadama ilmihii waxbarashadii u dhammaatay ana aan hanti ka samaystay dalkaygii in aan guurno oo aan dalkeenii ku laabano, waxaana u yeeray xaaskayga iyo labada carruurtaa anaga oo qado maalintaas wada cunaynay waxaan u soo bandhigay qorshahayga iyo sida aan jeclahay waxaana uga sheekeeyay marxaladihii nolosheena iyo in aan xamaali ku koriyay waxna ku baray haddana xoogaygii uu dhammaaday lana gaaray xiligii aan shaqada ka fariisan lahaa, aniga oo u sheegay in si joogtaa aan u qaadan doono lacagta dadka da’doodu weynaato ay qaataan ee loo yaqaan (Retirement) oo aysan jirin wax wal wal ah oo dhankiisa ay ka qabaan”Waa uu yara aamusay aniga oo mar walba sii weydiinayay waxa dhacay markii uu qoyskiisa talada dhex dhigay.

Waxa uu yiri ” Waxaa hadalkii qaadatay Gabadhayda oo inta qosol jees jees ah qac ka siisay igu tiri waad riyoonaysaa ee anigu dalkaan ku dhashay meelna ugama socdo haddaad isku daydo in aad igu soo cel celiso hadalada noocaas ah waan ka guurayaa qoyska weyna istaagtay, aniga oo anfariirsan aadna uga naxay hadalkeeda ayaan ku iri fariiso weyse dhaqaaqday, waxaa isna hadalka qaatay Wiilki oo yiri waxaan ku talinayaa in aadan ka dheeraan goobaha dadka waaweyn lagu xanaaneeyo ee dowlada Mareykanku bixiso si markaad weynaato, duqoowdo laguu geeyo, Meel aan u dhaafayo ma jirto halka aan ku noolahay mana aaqaan si aan ugu noolaado dalka aad sheegayso isaga oo raaciyay hadaan ku noolaan karno maxaad uga soo tagtay markii hore ” Wuu isoo eegay isaga oo indhihiisa ilin buuxisay waxaana aniga oo ka murugsan aan ku iri ” Waa wax dhaca mar walba ee samir” waxa uu iigu jawaabay waxaan samri lahaa hadii aan qoyska qeyb ka haysto.Waxan weydiiyay soo xaasku kulama safna oo diyaar mahan?

Inta uu madaxa luxay miiskana faraha gacanta ku garaacay ayuu yiri No No ” Maya Maya oo waxa ay ii sheegtay haddaan dalkan ka guuro in aysan iraaci doonin isla markaana aysan u joojin doonin oo ay Nin kale guursan doonto”

Runtii aniga oo sheekada u sii dhag taagaya ayaan ku iri waxaa la gaaray xiligii shaqada lagu laaban lahaa waana wada kacnay inaga oo shaqada ku laabanay waxa uu markii aan soo baxnay cabbaar ila istaagay Gaarigayga agtiisa isaga oo ii dhamaystirayay sheekada.

Waxa uu yiri ” Waxan dalkan ka guurayaa January- 17 waxana ku labanayaa dalkaygii, shaqada waxaan ka tagi doonaa October 27 waxaan dalkan u imid in aan kala hoydo Guul dhan walba ah oo aniga iyo qoyskayga ah lakin waxaan labanayaa aniga oo guuldareystay isla markaana aan qofna ka wadan qoyskayga”

Aniga oo dhanka wanaaga eegaya waxaan weydiiyay in uu isagu tanaasuli karo oo uu qoyskiisa la noolan karo iskana deyn karo in uu guuro halkii uu guuri lahaa uu booqasho ku tago dalkiisii, isaga oo aad u xanaaqsan ayuu igi yiri

” Adigana ma waxaasbaad ku hadlaysaa aniga dalbaan leeyahay haddaan dalkaygii joogo gabadhayda yartaa waxaan dhaho ma diideen ee intaan dhagta maroojiyo ayaan dhihi lahaa samee waxaas laakiin halkan carruurteenii ayaa waalid noo ah, oo anagaba baqayna, marka ma doonayo in aan halkan ku dhinto ama ku xoog yareeyo, waxaan helayaa dhammaan qoyskii aan ka dhashay oo i caawin doona, waxaana ku faraxsanahay in aan ku dhinto dalkaygii la iga yaqaanay aniga oo ka nasanaya in aan ka fakaro nolosha adeeygeeda waloow ay xanuun igu ahaan doonto kala maqnaanshiyaha qoyskayga ”

Sam mahan Muslim waxa uu haystaa diinta Kiristanka (Christianity) haddana waxa uu dareemayaa in dalkiisa meel uga fiican aysan jirin aniga oo aad uga naxay waxa uu ii sheegay haddana waxaan xasuus u galay marxalada dalkaygii Hooyo oo ah Goob wali aan la isku halayn karin iyo Mushkiladaha Qoysas badan oo Soomaali ah iyo carruurtooda ku kala haysata dalalka qurbaha taas oo qaar waalidiinta ka mid ah Ilmahoodii laga qaatay, qaar ay ay ka halaabeen qaarna ay xabsi ku jiraan.

Waxaan dareemay in waalidiin badan ay la mid yihiin Sam.

Mahadsanidin

Deeqo Shire (SONNA)

Deeqosonna@gmail.com

SHEEKOOYIN